Home » News »

Aqoonyahanka Hussein Khalif X. Jaamac oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa

Aqoonyahanka Hussein Khalif X. Jaamac ayaa xalay oo tariikhdu ahayd 31/05/212 kaga dhawaaqay musharraxanimadiisa xilka madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya magaalada Jeddah ee boqortooyada
Sacuudiga.

Halkan ka eeg sawirada ….

Xafladda aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay hotel ku yaal bartamaha magaaldaas oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada soomaliyeed ee wadankaas ku dhaqan kuwaasoo isugu jirey dhammaan qaybaha bulshada, sida ganacsatada, xildhibaanno, aqoonyahanno, odayaal, culimudiin, dhalinyaro iyo siyaasiyiin hore ayaa kadib markii xuseen caddeeyey inuu xilka u taagan yahay waxaa halkaa ka kahadlay masuuliyiin iyo odayaal ku hadlayey magaca bulshada ay ka tirsanyihiin kuwaasoo qiray in musharraxnimada Xuseen ay ahayd mid aad u danaynayeen jaaliyada Somaaliyeed eek u dhaqan deegaanka Jeddah iyo Makkah, iyo guud ahaan Sacuudi Caraabiya.

Xusseen Khalif oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ah una shaqaynayey Bangiyo Caalami ah labaatankii sano ee ugu dambaysay. Wuxuu hadda ka yahay sarkaal sare Bangiga Horumarinta Islaamka. Waxaa kale ee uu leeyahay khibrad dhanka ciidamada isaga oo tababbaro kala geddisan ku soo qaatay dhowr dal ayaa sheegay inuu u adeegsan doono aqoontaas iyo khibradaas sidii uu wax ugu qaban lahaa wadankiisa uuna dhibaatada ummada soomaliyeed haysata uga saari lahaa.

Khudbadiisi isa soo sharraxidda waxaa mudanahu hoosta ka xarriqay inu wax ka beddeli doono qaabka hoggaanka dalku ku socdo ee uu ku tilmaamay mid daala dhaclaynayso asagoo dooran doona ku dhaqanka diinta, aqoonta iyo waddanimada.

Qodobka 2aad waa sugidda nabadgelyada dalka oo uu u arko in lagu
fashilmay dhisida ciidan hanan kara hawshaas. Wuxuuna sheegay in hadii loo dhiibo xilkaas uu waa cusub uu u beryi doono dableyda, sarkaale xigeennada iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Qodobka 3aad ee Musharraxu siiyey mudnaanta waa la dagaalanka
musuqmaasuqa, kaas oo hadda la aaminsanayahya inuu indhaha ka riday
maamulka dalka ka jira. Asaga oo kaashanaya aqoontiisa Bangiyeed wuxuu aaminsanyahay inuu xididada u bixin doono masuq-maasuqa maamulka dawladda hadheeyey.

Waxaa kale ee uu soo qaaday inuu Somaliya u soo celin doono
ixtiraamkii iyo aaminaaddi addunku u hayay, maadaama u haddeer xil
muhiim ka hayo Bangi aad u mug weyn.Waxaa aad loola dhacay oraahda ah, “Soomaaliya iib ma aha”, mar uu soo qaaday in madaxda soomaliya
qaarkood ay qabaan in cid kasta la gadan karo.

Qodobka 4aad ee uu ku nuux-nuuxsaday waa sarraynta sharciyda dalka
sida dastuurka iyo xeerarka kale. Waa loola kacay in lagu tunto
sharciga dalka gaar ahaan xadadka u dhexeeya hay’adaha dawliga ah. Waa in Somalida sharciga ilaalisaa maadaama ay aad uga cabato caddaalad darrada, ayuu yidhi. Caddaalad buuxda ee bulshadu hesho waa waajib ayuu yidhi musharaxu.

Qodobka ugu dambeey ee 5aad ee uu soo qaaday wuxuu aha qabyaaladda ee
uu ku tilmaamay Kansar inoo qarsoon – waa cudur dilaa ah ee u baahan
in la suuliyo mustaqbalka. Qabiil iyo qaran meel ma wada galaan ayuu
ku celceliyey Xuseen Khaliif.

Xafladdu waxay ku soo gaba-gaboowday jawi heer sare ah ooy la dhaceen
dadkii ka soo qaybgalay. Waxaa aad loola dhacay oo kale hal-hayska
musharraxa oo ah Soomaaliya-kow, ee uu ku fasiray Somaliya waa in wax
walba laga hormariyo. Waa mabda’a uu ku shaqeeyo dhaq-dhaqaaqa dabada
ka riixaya Xuseen Khaliif.

Abduraxmaan Xariiri, xariiriyaha warbaahinta musharraxa ee Saudi Arabia.

xariri@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.