Home » Warar »

Sheikh Cali Dheere oo Sheegey in Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Deegaanada Afgooye ay ka qayb qaateen Ciidamadda NATO

Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab Shiikh Cali Maxamud Raage oo la hadlay Idaacad ka mid ah Idaacadaha Codka xarakada Shabaab ku hadasha ayaa ka warbixiyay dagaaladii dhawaan lagaga qabsaday magaalooyin Muhiim u ahaa xarakada.

Sheikh Cali Dheere ayaa sheegey in Dagaaladii ka dhacay degaanadii ay ka baxeen in ay ka qayb qaateen Adduunka oo dhan oo aan u kala harin

Af hayeenka ayaa hoosta ka Xarriiqay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda marnaba aysan u suurta gelin in ay ka qabsadaan degaanadii ay ku sugnaayeen Ciidamada balse waxa Dagaalkaas ka qayb galay ay hor boodeysey NATO.

Shiikha Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalkaas ay ka qayb qaateen Afrikaan, Yurub, iyo Yuhuud magaalooyinkii ay ka baxeena ay xeelado dagaal dartooda uga baxeen.

Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa ugu yeeray Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan Dagaalka ay wadaan Xarakada Shabaab isagoona ka digay in Duulaanka adduunku isku soo bahaystay Ujeedada ka dambaysa ay tahay in Soomaaliya loo Cabiidiyo isla markaana ay Addoonsadaan dalalka Ugandha iyo Burunddi

Sarkaalkan ka tirsan xarakada shabaab ayaa soo hadal qaaday Magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo, Xudur, Beled weeyne, Ceel Buur iyo meelo soo gelitaanka ay soo galeen Ciidamada shisheeye isagoona sheegey in soo gelitaankoodu uusan wax macna ah samaynayn marba haddii aysan awoodin in meesha ay rabaan ay si xor ah u gaaraan in ay Kontameeyo Taangiyo ah soo wataan mooyee.

Ugu danbayntii ayuu Cali Dheere sheegey inaysan marnaba isku dhiibeyn Ciidamada duulaanka ku soo galay Soomaaliya siina wadayaan dagaalada ay kala soo hor jeedaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Sheikh Cali Dheere oo Sheegey in Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Deegaanada Afgooye ay ka qayb qaateen Ciidamadda NATO "

  1. xakiim says:

    Asc.
    Run ahaantii, waa sax in Shabaab ay lumiyeen fursado, balse, waxaa hubaal ah wali in wali fursad ay haystaan, oo dib ay qaldaadkoodii u saxi karaan.
    Waxaa hubaal ah, in kooxaha maanta Soomaaliya isku haya aysan jirin
    koox ka wanaagsan Al-shabaab (marka laga reebo kuwa danno gaar ah le).
    Xaqiiqdii, ma ahi qof Shabaab difaacaya, balse, waxaa muhiim ah in Waxyaabo badan oo la taaban karo ay qabteen, waxaana meesha ka marneyn in ay ku jiraan dad badan oo danno gaar ah leh.

  2. Midlane says:

    Runtii waxaa sax ah in at al shabaab lumiyeen fursado aan meeshaan lagu soo koobi Karin.
    Mana aha Kaliya fursadaha waxa ay lumiyeene waxaa ladhihikaraa waxay lumiyeen WAx kasta oo macquul ah. Waxana ugu darnayd Markii ay lumiyeen shacabkii. Maanta waa qabataa in ay meelkasta kabaxaan sidaana ucalaacalaan. Waxaa isweydiin mudan maanta qof noocee ah ayaan ubaahanahay? Maanta waxan ubaahanahay qof leh astaamahaan soosocdo. 1 muslim khaalis ah oo aan ilahay maahane aan cidkale garabsanayn. 2 Muwaadin ah oo aan ka guuxayn qabiil , xarako iyo fikir kale midna. 3 fahan dheer oo siyaasada iyo khayaanooyinka maanta aduunka kajira laqaadaa dhigi kara islamarkanaa ugu gudbikara marxaladkasta si habsami ah. Tusaale wanaagsan hadii aan sooqaadano dagaalkii beder

  3. Nuur says:

    IBN AADAMKA WAXAA MIDEEYA ( CAQIIDADA, MASA WAXA EEY AAMINSAN YIHIIN ), MEESHAAN WAXAA KU CAD INAY GAALO , IYO QALBI KA GAAL MASA GAAL RAAC, IYO SHAHAADO KA JAAHIL MASA KAN LAA ILAAHA ILA ALLAH FAHMIN ) INAY GAALO WADA RAACEEN. ( AHUL XAQ IYO AHUL BAADIL DAGAALKOODANA INUU ISTAAGEEN ALXAMDULILAAH ALLAH BAA MAR HORE NOO CADEEYAY, ( AFGOOYE, IYO AFMADOW ) BAYTUL MAQDIS OO KA WAYN BAA KA MUDAN BARAKO IYO WAL WALBA MEESHAA MAR HADII NALAGA HAYSTO MA FADHI BAA NOO YAAL. ( GAAL RAACNA WAXAAN KU LEEYAHAY SUGA GAAL ANAGANA ALLAH BAAN BALANKII SUGAYNAA INSHA ALLAH ASC

  4. Sharmarke says:

    Asalamu Calaykum,
    Haa, Xasan ayaan warka dhameeyay – Al-shabaab fursado badan ayay lumiyeen dadkuna waxaad moodaa iney ka sii jeesadeen. Balse, taasi ma in ninmanka wadan qabsaday loo fasaxo miyaa? Afarta geesood ayaa looga soo duulay Soomaaliya – Hadana dastuur cid qortay la-aqoon ayaa larabaa in dadka lagu khaldo. Ilaahay ummada jahliga haka saaro!

  5. yab says:

    Waxaad ilawday SamodoonLand!

  6. Samodoon says:

    Soomaali badanbaa waxaa u baahan in laga ka daweeyo cuduro hore aan loo arag oo xagga maskaxda ku dhaca. Waa noocyo cusub oo lagu biirin karo cuduro af qalaad loogu wada yeero psychosis, Cuduradan oo badan islamarkaana inta badan asiiba dadka ay jaahilnimadu dubatay laguna kala qaado dhageeysiga sheekada qofka qabo cudurka waxa ka mid ah Qabiilland, Qaxland, Qurunland, Qiiqland, Qawaafland, Qaadland, Qoysoland, Qaxaanqaxland, Qaxootiland, Tolkeeyland, Taloxumoland, Gunimoland, Garashoxumoland, Anigaa-laan-dheere-land, Gumeysidoonland, Dowladland, Waxmagaratoland, Naageeysland, Xildhibaanland, Dastuurland, Dacasland, Dambiilland, isu-qabto-aan-loo-qabinland. Hunqaacoland.

  7. Hassan says:

    Al-shabaab Waxay lumiyeen jaanisyo badan haddana waxay u egtahay inuu waqtigii ka gaadhay sidaas darteed Hadalkooda waxay ku dhacayaan dhago laydh u duleela.

  8. cali dheere Waa nabad diid madoonayaan umada somaliyeed inay noolaato wuxuu shacabka somaliyeed u gubaaqaayaa cali raage inay weligood fooda ku jiraan waxaan leeyahay al shabaab hala iska dhiciyo madoonayaan nolosha u mada somaliyeed