Home » Faallo »

Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Istanbuul oo la soo gabagabeeyey

Shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada Istanbul ayaa Jimcadii June 1, 2012 la soo gabagabeeyey, waxaana laga soo saaray warsaxaafadeed ay ka mid yihiin arrimahan:

1- In La Tixgelinayo madaxbanaanida, Sharafta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

2- In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin, nabadeyn iyo Xiriir Siyaasadeed si loo helo Dowlad sharciyaysan oo wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.

3 -In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.

4- Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida, beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.

5- In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arimmo badanna lagu gaaray.

6- In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord, Road-Map, Garowe Principles iyo Addis Ababa.

7- In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.

8- In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka ayadoo golaha ansixintana 30% haween ay yihiin.

9- In Shirka Istanbul uusoo dhaweynayo in si Kumeel gaar ah (KMG ah) loo ansixiyo Dastuurka (Soomaaliya).

10- In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka ayagana ay xaq u leeyihiin.

11- Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loosoo xulo si cadaan ah oo aanay laalaam ama mugdi ku jirin.

12 -In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay laga dib dhigi Karin waqtigooda 20-ka August 2012.

13-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May 2012 kasoo baxay IGAD, AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin ku haboon ama adag.

14- In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.

15- Kasoo qeybgalayaashu waxey aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha lasoo dhisayo iney noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.

16- Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka ayadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrid Xuquuqda Aadanaha.

17-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.

18- Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogusoo celinayo dhismaha hay’adaha Dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.

19- In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka ayadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.

20-In Xaga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.

21- In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.

22-In Lagu ammaanay AMISOM howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sido kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.

23-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.

24-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.

25-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha Amniga.

26-In La Dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii Sharciga sida Maxkamadihii.

27-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan ugasoo wada horjeesan laheyd.

28-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaallada ayadoo la askareeynayo

29-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Burcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Burcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.

30-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyso Xasilinta ayadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo iney kusoo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.

31-Shirkaan wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab ayadoo Beesha Caalamkana ay arimahaasi Dowladda ku taageereyso.

32-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaas la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.

33-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaale oo sii dedejiya fulinta ayadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan  Arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horey ugu taageeri jirey Soomaaliya.

34-In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.

35-In la aqoonsado iney Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo kabashada dhaqaalaha loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.

36-In xooga la saaro dib u dhiska dalka ayadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.

37-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.

38-In Dowladda iyo hay’adaha gaarka ah iska kaashadaan xaga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.

39-In Shirkan uusoo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka ayadoo Wadahadaladaasina si deg deg ah loosoo dhaweynayo.

40-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen

Shirka ayaa Istanbul ka socdey May 31 – June 1, 2012.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Istanbuul oo la soo gabagabeeyey "

  1. moh ali says:

    asc, shirkasto waxaa kaso baxo mana lagu dhaqmo…somali ilah ayaa u maqan

  2. bilqeyr says:

    Asc waxan salaamayaa shacbiga soomaaliyeed meel walba ay dunida ka joogan waxana leeyahay hambalyo guusha laga gaaray shirarkii ka dhacay uk iyo turkiga oo kasoo baxay qodobo muhiim u ah soonooleynta dalka iyo dadkaba waa Alle mahaddii haddii ay sidaa wax noogu qabanayaan waana wax lagu farxo qodobadii kasoo baxay oo idil.

    waxan mahad gaar ah usoo jeedinayaa halgamayaashii dalka ee ka taliye sidii dalkeena nabad uga dhalanlaheyd kuwaas oo kala ah sheekh shariif iyo cabdiwali cali gaas iyo wasiiradooda oo ah kuwo ka duwan dowladihii iyaga ka horeeye ee aan waxba dalka uqaban.

    waxa kaloo mahad gaar ah leh dowlada turkiga oo 100% inaga caawisay abaarihii iyo sidii aan uga bixi laheyn kmg-nimada dowladaha caalamkana inagu xariirisay ilaa haatanna garabkeena taagan ilaahey Abaalkooda ha gudo.

    waxan hambalyo leeyahay marlabaad madaxda dowlada kmg ee kartidooda muujeye 21kiisano ee lasoo dhaafay mugdigii aan ku jirnay inaga saaray.

    umada soomaaliyeed meel walba ay ku nool yihiin waxan ka codsanayaa in dalka daacad nimo loogu adeego si aan markale dalka uburburin.

    waad mahad santihiin.

  3. Gacal SYLII says:

    Guul allow ka yeel turkina abaalkoda ma ilobi doono bahda somalitalk.com mahadsanidin

  4. mursal says:

    asc waxaan salaamayaa bahada webkan somalitalk xaqiiqdii aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa sida sharafta leh oo ad noogu soo baahisaan wararka xaqiiqda u dhaw mida kale oo aan rabo in aan ka hadlo waxa ay tahay walal horta anaga Somali ayaa nala yiraahdaa hadii xitaa inta meeshaas ku qoron xumaan kama arko ee wax ka sii fiican la soo sheegana waan ceebaynaynaa oo waa dabeecadeena laakin waxaan leeeyahay Dawalada Turkyga iyo hawsha ay wado aaad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa oo dhanaca mashaariicda iyo biya galinta iyo korontada Runtii Turkyga uma amaal gudi doono laakin kuwa xun ayaa waxay leeyihiin waa gumaysi cusub Somali hadii u keentid xitaa qofka aduunka ugu fiican way caynayaane illaah wixii xaq ah ha na waafajiyo aamin aamin