Home » Warar »

Xaflad lagu xusayey sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga DADKA oo Muqdisho lagu qabtay

Xaflad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga dadka ayaa maanta lagu qabtay magaalada

Muqdisho, waxaana munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada haweenka, Fanaaniin, odayaal, qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaalida, dadweyne fara badan oo watay boorar iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaana heeso wadani ah oo ka turjumayey doorka xisbiga Dadka ee siyaasada dalka ka qaaday fanaaniin caan ah, iyadoo sidoo kale laga tiriyey gabayo iyo Suugaan kale oo lagu taageerayo xisbiga Dadka.

Waxaa munaasabadaas ka hadlay xubno kala duwan oo ku hadlayey magaca odayaasha beelaha Soomaaliyeed qaarkood ururada haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin kale kuwaasoo dhamaantood halkaas ka cadeeyey taageerada ay u hayaan xisbiga Dadka oo ay sheegeen inuu yahay xisbi aan ku saleysneyn qabiil iyo qori, balse uu yahay mid nabadeed oo ay u siman yihiin muwaadiinta Soomaaliyed, iyagoo u rajeeyey inuu xisbigaas ku guuleysto hogaaminta dalka.

Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad dheer ayaa ugu horeyn hambalyo u diray taageerayaasha xisbigaas meel kastoo ay joogaan munaasabada sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay aasaaaska xisbigaas, isagoo ALLE uga baryey inuu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo iyo guul.

Prof. Saciid ayaa ka waramay ujeedooyinkii loo aasaasay xisbigaas oo uu sheegay iney ka mid ahaayeen sidii ummada Soomaliyeed uu ugu hogaamin lahaa midnimo sinaan iyo cadaalad isla markaana looga saari lahaa dhibaatada mudada dheer ay ku soo jireen, wuxuuna xusay in xisbiga uusan aheyn mid qori iyo qabiil ku saleysan balse uu yahay mid nabadeed oo umada ugu adeegaya daacadnimo.

Waxaan soo dhoweyneynaa dedaalada dalka loogu sameynayo dowladnimada ee ay wadaan beesha caalamka iyo QM, isagoo hase ahaatee sheegay in qorshaha road mabka ee dalka looga saarayo KMG-nimada uu noqday mid fashilmay oo aan waxba ka hirgelin, marka laga reebo dastuur u sameynta oo uu xusay in horumar laga sameeyey.

Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa ka digay fara gelinta siyaasadeed iyo mida milateri ee ay dalka ku hayaan qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka iyo kuwa deriska la ah Somalia, wuxuuna dhinaca soo dhoweeyey gargaarka bani’aadamnimo ee Turkigu la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay inuu ahaa mid lagu diirsaday, isagoo dhinaca kale Turkiga uga digay inuu faraha la galo arimaha siyaasada Somalia.

“Dowlada KMG ah ee hadda ka jirta dalka waxaa isku baheystay kooxo ay ka mid yihiin xagjiriin diimeed, xag-jiriin daneystayaal, iyo noocyo kale oo aysan jirin wax ay u qabteen umada Soomaaliyed sidaas awgeed waxaa nasiib daro ah iney xukunka dalka ku soo laabtaan” ayuu yiri Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo dhuinaca kale soo dhoweeyey howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia, wuxuuna u mahad celiyey dadkii soo abaabulay iyo kuwii ka soo qeyb galay munaasabadii manta lagu maamuusayey sanadguuradii xisbiga DADKA oo ka mid ah asxaabta aan u hubeysneyn ee ka hana qaaday Somalia

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.