Home » Warar »

Dawladda Boqortooyada Ingriiska oo ka Hadashay Arrimaha Shirka Istanbuul

Xoghayaha arrimaha Dibedda Britain , William Hague aya ka mid madaxda calaamka ee ka qeyb galaya shirka Istanbul. Mr Hague aya qoraal uu ku dabacaay bogga uu ku leeyahay Facebook kaga hadlay hormurka la garay kadib shirkii London ee Soomaliya.
Fadlana hoos ka eeg qooralka William Hague ;

1da Juunyo waxaan joogi doonaa Istanbul oo aan kaga qaybgeli doono shir ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya, shirkaan oo ah kii labaad oo weyn oo ku saabsan Soomaaliya oo la qabanayo sanadkaan dhexdiisa. Waxaan soo dhoweyneynaa hoggaaminta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo ay weheliyaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo ay wada martigelinayaan shirkan maanta.

Ujeeddadii Shirka London ee Soomaaliya ee la qabtey bishii Febraayo waxaa ay ahayd in la dardargeliyo oo la iskuna duwo dadaalka caalamiga ah ee ku wajahan Soomaaliya. Horumar mug leh ayaa la sameeyey saddexdii bilood ee la soo dhaafey. Al Shabaab weli dib-u-gurasho ayaa ay waddaa waxaana Muqdisho dhexdeeda ay dadku hadda awoodeen in ay ku noolaadaan nolol caadi ah – in ay sameeyaan ganacsiyo, in ay tagaan dugsiyada. In kasta oo malaayiin qof ay weli u baahan yihiin gargaar degdegga ah, haddana macaluushii waa ay dhammaatey.

Markii ugu horreysey muddo tobonannaan sano ah, ayaa ergooyin diblomaasiyadeed ay si joogto ah u tegi karaan Muqdisho. Saddex wasiir oo British ah ayaana intii sanadkaan ahayd booqasho ku tegey.

Hadda waxaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya laga wada dhowrayaa sida ay awoodda si nabad ah ugu wareejiyaan marka muddada ku-meelgaarka ah ay dhammaato bisha Agoosto. Tani waxaa ay muhiim u tahay in la hubiyo in horumarkii la sameeyey dhowrkii bilood ee la soo dhaafey aanu meesha ka bixin.

Waxaan aqoonsannahay in geeddi-socodka lagu soo xulayo hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee soo socda aanu dhaliil la’aan ahaan doonin ilaa la helo ammaan dad ugu filan in ay dhacaan doorashooyin qaran. Laakiin waxaa jira fursad taariikhi ah oo lagu beddeli karo sidii ay xaaladdu ahaan jirey oo Soomaaliya lagu soo ridi karo waddada dib-u-soo-kabashada. Taasi waxaa uu macnaheedu yahay in laga shaqeeyo sidii geeddi-socodka looga dhigi lahaa sida ugu wanaagsan ee uu noqon karo, iyo in lagu dadaalo in la sii wanaajiyo inta waqtigu uu socdo.

Waxaan dooneynaa in aan aragno geeddi-socod furan oo loo dhan yahay oo looga heshiiyo dastuurka Soomaaliya iyo soo xulidda Baarlamaanka xiga iyo dadaal ku aaddan kordhinta daahfurnaanta iyo wax ka qabashada musuq-maasuqa.

Guddiga Wadajirka ah ee Maareynta Maaliyadda, oo Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah in ay dhiseyto ku oggolaatey Shirkii London, ayaa muhiimad weyn u lahaan doona xaqiijinta arrintan. Bulshada caalamku waxaa ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo gaari lahaa arrintan waxaana aan ku mideysannahay fikirka aan wada aaminsannahay oo ah in muddada ku-meelgaarka ah la soo gebogebeeyo.

Dowladda UK waxaa ay bixineysaa £1 milyan oo Gini oo ay ku taageereyso geeddi-socodka siyaasadda. In kasta oo aan soo dhoweyneyno dood caafimaad qabta oo la yeesho, haddana waxaan diyaar u nahay in aan tallaabo ka qaadno kuwa isku dayaya in ay lug gooyaan oo ay qasaan geeddi-socodka.

Waqtigu waa uu yar yahay hadda. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay go’aansadaan in doorka kaga aaddan ay ka qaataan nabad ka dhalinta Soomaaliya ka dib 21 sano oo dagaal uu ka socdey, iyo wanaajinta nolosha kumanaan qof oo Soomaali ah iyo in ay Soomaaliya ku soo ridaan waddada dib-u-soo-kabashada, ama in fursad kale oo muhiim ah la iska luminayo. Waxaan ku tirtirsiineynaa in ay gaaraan go’aanka saxda ah.

Dhamaad

Waxaa soo tebiyey
Abdilatif Maalim| Communications Officer- British Office for Somalia | Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Dawladda Boqortooyada Ingriiska oo ka Hadashay Arrimaha Shirka Istanbuul "

  1. waxaan leeyahay britain hadii ay daacad yihiin ha dhisaan milatariga soomaaliya isaga ayaa qaban kara waxaysan aduunyadoo dhan qaban karin hadal badana haan ma buuxsho by iftiin

  2. Abdi M. says:

    AWW.

    Salaan ka dib, arinka ka qayla siineysa Ingriiska waa iska cadahay oo dhibaatada waagii hore anaga dhexdeena ayay ku koobneyd, haddase aduunka ayay saameyn ku yeelatay. Dhibaatada saameynta aduunka ku yeelatay waxaa ugu weyn BURCAD BADEEDA oo reer galbeedka kaadidooda kalax ku shubay. Sida aan aaminsanahay Somalia waa la burburiyay ka dibna 21 sano dhibaatada waa lagu fiirsanayay wax arxan ahna looma heyn. Markii aan isbarbar dhigno lacagaha tuugo badeeda ay madax furasho u helaan sanadkii iyo lacagaha qarash ahaan aduunka uga baxda maraakiibta daadsan xeebaheena, waxaa aduunka u jaban lacagaha madax furashada oo waxaa u roon in ay iska tagaan, laakiin ma yeeli karaan oo sumcad xumo ayay ku tahay. Burcad badeeda waaye tan keentay iney dib u fikiran oo ay yiraahdaan dowladdii aan ka burburinay Somalia aan u soo celino.

    Wax jirase Allaa og

  3. m dhawrsade says:

    aad ayuu u mahadsan yahay mr hague wasiirka arimaha dibadda waxaan dareemayaa ama aan u arkaa inuu yahay isaga iyo david camaroon uk pm
    inay yihiin labadii shaqsi oo reer galbeed ah oo ugu horaysay oo arinta somaliya si toosa uga hadlay sheegayna arin soomalidu u riyaaqdo ama ay dareemaan inay hurdada ka kacaan,
    hadalada masuuliyiinta ingiriiska aad ayay u adag yihiin dadkuna ma wada fahmi karaan balse inta aad ayaan ugu qancay thank u guys waana cadahay waaya aragnimada uk govements for whole the world.waanad ku mahadsan tahay for your entres language experience

  4. hashi says:

    waxaan la yaabay markii uu yiri waqtigu waa yaryahay, maxaa waqtiga yareeyey soomaali 21sano ayay dawlad la’aan ahayd hadana 2 ama 3 sano waa sugu kartaa hadii daacad wax loogu qabanayo, waxaanse leeyahay timir laf baa ku jirta, maxaa ingiriiska 21sano kadib gubaya oo uu soomaaliya ugu heelanyahay, waxaan qabaa dareen ah in ingiriisku uu soomaliya kaleeyahay dano khaasa oo aan soomali dan u ahayne isaga dan u ah, we need help for sure but not with condition.