Home » Warar »

“Si looga Baxo Kumeel Gaarka waa in la helo Dastuur iyo Baarlamaan Tayo leh” Prof Gaas – Shirka Turkiga

Shirka Istanbul: “Waxaa muhiim ah in la soo afjaro xilliga KMG ah oo dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah.. Haddaba si looga baxo KMG waxaa lama huraan ah in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh…” Sidaas waxaa yiri Prof. Gaas.

Warsaxaafadeedka hoos ka akhri:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax Dhaqameedyada iyo Bulshada Rayidka ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta ka qeybgalay shirka Madax dhaqameeyada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka socda Istanbul, halkaas oo uu khudbad taariikhi ah ka jeediyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu soo booqdo Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo bulshada Raiydka ah oo uu sheegay inay muhiim tahay in shirkoodu uu noqdo mid ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo kaalin hoggaamineed ka qaatay xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha khudbadiisa waxuu ku sheegay in imaatinkii Ra’iisul Wasaare Recep Dayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay wax weyn ka bedeshay beesha caalamka iyo aragtidii ay ka qabeen Soomaaliya. Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey soo dhoweynta ay Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah ay ku soo dhoweeyeen dalka Turkiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Roadmap ka sida uu ku soo bilowday iyo in 10kii bilood ee u danbeysey ay Soomaalidu go’aansadeen inay wadajir wax ku qabsadaan isla markaana uu sheegay inay jiraan horumar baaxad leh oo la taaban karo oo laga sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isgaaridda maaulada iyo dowladda dhexe, Sameynta Dastuurka iyo Maamul wanaagga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in la soo afjaro xilliga KMG ah oo uu sheegay in dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah, isla markaana waddamada caalamka ee la midka ahaa Soomaaliya aysan KMG soo noqon. Haddaba si looga baxo KMG ayuu RW sheegay inay lama huraan tahay in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dastuurka la soo bilaabay 2004tii oo muddo 8 sano ah la soo waday, waxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta dalka uu marayo marxaladda wanaagsan oo u baahan in heshiiskii Addis Ababa loo baahanyahay in la dhaqangeliyo si loo helo Dowlad Rasmi ah oo taam ah bisha August.

Ra’iisul Wasaraha Khudbadiisa ka dib waxaa isna goobta joogay oo khudbad ka jeediyey Ambassador Augstine Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Waxaa kaloo isna sharaxaad ka bixiyey Dastuurka Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Avv Abdirahman Hosh Jibril.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagey goobaha taariikhiga ah ee magaalada Istanbul halkaas oo a dowladda Turkiga ku soo marsiisay goobaha ugu caansan isaga iyo wafdigii la socdayba.


– DHAMAAD –

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga, isla markaana uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee saliimka ah ee Turkiga uu ka qaato arrimaha Soomaaliya iyo weliba shirka Istanbul 2 ee arrimaha Soomaaliya oo uu Ra’iisul Wasaare Abdiweli sheegay in Somalidu ay rajo weyn ka qabaan shirkan.

Labada mas’uul ayaa si saraaxad leh uga wada hadlay arrimaha Soomaaliya, sida Roadmap ka dhaqangelintiisa, dadaalada Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan mashaariicda horumarineed, dhanka gar-gaarka bani’aadanimo, iyo howlo ballaaran ee ku wajahan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo dhammaan adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu si gaar ah uga mahadceliyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu bishii August ku yimid Soomaaliya oo uu sheegay inay keentay in beesha caalamku ay u soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh facdheer iyo xadaarad wanaagsan, isla markaana uu u sheegay dhigiisa in Soomaalida meel walba ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba ay aad iyo aad ula dhacsanyihiin dadaalada Turkiga ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya kana codsaday inay sii labo jibaaraan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo sida hogaanka fiican ee uu isbedelo dhab ah uga sameeyey Soomaaliya una rajeeyey in Soomaaliya xal waara loo helo oo ay Dowladda Turkigu ay aad iyo aad uga shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay cagaheeda isagu taagi laheyd.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +905366589478 – Istanbul – Turkey
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.