Home » Warar »

Sheikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Sheegayin Itoobiya in ay Ku Fashilantay Duulaankii ay ku soo Gashay Gobolada Koofureed.

Sheikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee xarakada Shabaab ayaa markii u horeeyay ka hadlay Duulaankii Ciidamada Itoobiyaanka oo gacan siinaya kuwa Dawladda federaalka Soomaaliya ay ku soo galeen qaybo ka mid ah Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in damicii Ciidamada Itoobiyaanka ee ahaa inay gebi ahaanba Dalka Soomaaliya ay isku ballaariso in ay ku fashilmeen ka gadaal markii jilibka u aasteen Mujaahiddiinta Xarakada Shabaab una diideen inay ka soo gudbaan Magaalooyiinkii markii u horeeyay ay soo galeen.

Shiikh Roobow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay Gobolada Bay iyo Bakool inaysan si nabad ah ku laaban doonin weeraro joogta ahina ay ku qaadayaan illaa ay ka saarayaan Goboladaas

Sarkaalkan ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa Tusaale u soo qaatay Duulaanadii uu Maraykanku hor kacayay ee uu ku galay Wadamada Ciraaq isagoona sheegey in Ciraaqna uu hore uga soo baxay haatana uu qorsheynayo sidii uu afgaanistaan Ciidamadiisa kala baxo arrintaasoo uu sheegey in ay ku timid Dagaalo joogta ah oo ay kala hor yimaadeen Mujaahiddiinta afgaanistaan.

Sheikh Muqtaar Rooboow ayaa ku dhiiriyay dagaalyahanada Xarakada Shabaab inaysan u Ogolaan Ciidamada Itoobiyaanka inay soo dhaafaan meelaha ay ku sugan yihiin isagoona u jeediyay qaar ka mid taageerayaashiisa oo hadalkiisa dhagaysanayay in ay sii laba jibbaaraan dagaalada ay kala soo hor jeedaan Ciidamada Itoobiyaanka. buu Mansuur ayaa ku cel celiyay inaysan marnaba u qidmeyneyn kuna tiirsanaaneyn Melez Zanaawi weligoodana ay ka soo hor jeedayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.