Home » Faallo »

Jaalliyadaha Soomaalida oo kor u qaadaya Codkood Shirka Istanbuul

Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan

Taalado 29da May 2012

 

Ayadoo laga ambaqaadayo shirkii London ee bishii February ee sanadkan oo looga arrinsanayay  Soomaaliya  ayaa garwadeenada (Jiliyaasha) dhinaca siyaasadda iyo ururada bulshada  ee xilligan waxay ku shirayaan  mar labaad  Istanbuul  si  ay diiradda u saaraan “Diyaarinta Mustaqbalka Soomaaliya ” (Pre paring  for Somali’s Future).

Hayadaha  samafalka  Soomaaliya ayaa kulmay  si ay ugu gudbiyaan talo bixin ku haboon shirka ka dhacahaya Istanbuul , Turkey 31da May iyo 1da June 2012.  Ururka  loo yaqaan Somali Humanitarian Operational  Consortium (SHOC) ayaa waxuu  ku marti galiyay Soomaaliya hayado kor u dhaafi ilaa 60 oo  Soomaali ah kuna  howlan samafalada (NGOs) si ay uga wada xaajoodaan  mustaqbalka Soomaaliya waxayna ku heshiiyeen in ay  yeeshaan hal cod oo matala magaca Soomaalida halkaas cod oo ay ku  hor fariisanayaan qeybaha kale ee la wadaaga wax ka qabadka  baahida soomaalida.

Talo bixintaan hoos ku qeexan  waa war murtiyeedkii ka soo baxay  oo caddeynaya mowqifka mideysan ee hayadaha  ka badan 60ka oo samafalka ka shaqeeya isuguna jira kuwa dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwo  qurbajoog ah. Waxaa sidoo kale la wadaaga mowqifkaas dalladda  “Somali Relief and Development Forum (SRDF)” oo ayadana doorkeeda  martigalisay 15kii May ee 2012 hayado dhan  22  oo  Soomaali ah Boqortooyadda  Midowday (UK) ay xurun u tahay kuwaas oo si qoto dheer u darsay go’aamada ka soo bixi kara shirka Istanbuul.

Hadda  guud ahaan tala bixitii ka soo baxday waa sida soo socota:

  • Dhammaan qeybaha ay khuseysa arrimaha Soomaaliya waa in ay ka guuraan dhaqanka ah in un laga jawaabo dhibaatoyinka ayna u jeestaan dhinaca ah ka hortagga.  Isbebelkaas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya marka la maalgaliyo bulshada ka soo kabaneysa dhibaatadii ku habsatay ayadoo loo abuurahayo ururo iskaashato.
  • Dadaalada  loogu jiro nabad ka dhalinta SOomaliya iyo dib u heshiisiinta waa in ay  ku saleysan tahay talana ay ku leeyihiin dadka deegaanka  waana in ay ka turjuntaa  qaabka dib u heshiisiinta ay Soomaalidu  u aragto in ku haboon yahay  sida in uu yahay mid loo dhan yahay kuna saleysan talooyinka  dadka  deegaanka
  • Baqdin la’aanta joogtada ah oo ay keentay shacri la’aanta iyo xadgudbka xuquuqda banii’aadamka iyo sharciyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah waa in aysan sii socon. Anaku aragtideenu waxay tahay  haddii aan lagu guuleysan maanta In loo howl galin  qaab dhismeed haboon oo lagu ilaalinayo xuquuqda  insaanka in taasi ay sii kordhineyso dhaqanka ah sharciga oon laga danbeyn iyo cadaalad darro.
  • Hab cilmiyeed farsameysan oo si buuxda ay ugu qeyb qaadanayaan bulshada loo adeegayo, Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliya (SCSO’s) iyo  hayadaha aan dowliga ahayn  marka la qorsheynayo howlaha la xiriira samafalka iyo horumarinta waa in la xaqiijyaa in ay joogaan dad soomaaliyeed oo matala una taagan danaha Soomaalida laga biloobo wajiga hore ee qorsheynta ilaa heerka oogu sareeya ee go’aan qaadashada, taasi waxay ku imaan kartaa in kor loo qaado  awooda ururada rayidka ah ee bulshada (SCSO),  ayadoo la siinaayo tababaro  gacanna laga siinayo howlaha farsamo.
  • Dib u dhiska kaabayaasha waxbarasho waxaa ay leedahay mudnaanteeda koowaad, taas oo lagu xiriirinayo baahida bulshada deegaanka iyo helidda hababka cusub ee loo fuliyo adeega waxbarashada. Dugsiyada guur guura (mobile schools) ee la socda dadka reer guuraaga ah waxay gaarsiineysaa  Soomaalida  ujeedooyinka horumarineed ee la higsanayo in la gaaro bilowga kun buuxdada “Millennium development goal (MDG)” iyo  in la helo  iskaashi hayado gaar ahaaneed oo bixiya deeq waxbarashada sare  taas oo xoojin tayada nolosha,  xaqiijinna helitaanka fursado deeq waxbarasho lagu siinayo dhalinyarada la liido oo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.

Dhammaad

Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri halkan

 

Dalladda loo yaqaan “Somali Relief and Development Forum (SRDF), waxay ka diinwaangashan tahay Boqotooyada  Midowday (UK)  waxayna saldhig u tahay oo XIBNAHEEDA ka mid ah hayado waaweyn oo Somali ah waxayna  ka shaqeysaa gargaarka iyo horumarinta bulshada Geeska Africa.

Ururka loo yaqaan “Somali Humanitarian Operational Consortium (SHOC)” waa urur ka diinwaan gashan Soomaaliya  isku xira hayadaha aan dowliga ahayn ee Soomaaliya oo kor u dhaafaya ilaa 60 hayadood oo inta badan isaga yimid gobolada dhexe ilaa koofurta hoose ee Soomaaliya. SHOC waxaaa taageera seddexda hayadood ee kala ah “Somali Relief and Development Forum (SRDF)”, “Muslim Charities Forum (MCF)” iyo “The Humanitarian Forum (THF)”

 

La xariir

Hanan Bihi, Somali Relief and Development Forum

0207 845 7610 – Hanan.bihi@srdf.org.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.