WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaane Shiine)
May 24, 2012
Email: mabdalle@gmail.com
HORDHAC: Dhammaan ummadda Soomaaliyeed salaan baan halka uga dirayaa.
Gabaygan TIIRAANYO QARAN—TABO MAAMMUL GOBOLEED MIYAY TALO QABIIL KEENTAY? Waxa igu kallifay markaan arkay xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay maanta, siiba Maammul Goboleeddada Soomaaliya look ala jarjarayo.
Waa farriin ku socota Soomaali meel kasta oo ay joogto. Afeef: waxan ku soo qaatay gabayga taariikho dhacay, ee marna igama aha inaan cid aflagaaddaynayo. Akhris wanaagsan. Mahadsanidin.
Wuxu Yiri:
- Tixda Gabay ma tiriyeen haddaan laygu taawiline
- Waxan tebey bulshada uma tebsheen tay temmediyaane
- Mana toosiyeen meerisyadaan ugu tiraabaayo
- Tusmadana ma raacsheen sidii ehelu tawxiidka
- Haddaan Eebbe tiisa igu ladhin kuma tayiiseene
- Iga tuunsha waataad murtida igu taqaanneene
- Toddob da’ay sidiisoo kalaan tibibixleeyaaye
- Toomaha ha gaadhiyo warkani taagga Ceeriyahee
- Boorama tilmaan haw noqdiyo Saylac taalladiye
- Tubtu waa Hargeysada halkuu Timacaddoow yiillee
- Burco hawgu taaheen warkaa Tuhunla’aaneede
- Sool taako-taako iyo qoys ha ugu tiileene
- Durba haw tafoo laasqoriyo Teedka Bari aaddan
- Talaadaha Garoowiyo Nugaal Taarku haw tago
- Gaalkacayo toon Lagu shiriyo Mudug ha taabteeye
- Galguduudda beeshii taxnayd tahan ha saameeyoo
- Tiiraanyo Hiiraan gashiyo dhiillo haw taro
- Xamar aaladaha toosiyaa ha u tallowsheene
- Tabaalada Markiyo Jawhar subax ha u tafsiileene
- Baydhabo ha tabantaabsadoo Gedo ha taageerto
- Ha u tarantarreeyee warkani tan iyo Kaambooni
- Shabakadaha ha isugu tebsheen toban malaayiine
- Afartaa intaan ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey?
- Sahankiyo tilmaantii miyaan taana ka habawshey?
- Toobiyaha codkii tiirri gabay toy ma ku hagaajey?
- Ma labaantan bay taagantahay turug Habaas weyn leh?
- Ma tanaad daryeelliyo dalbaa taani laga dhaarshey?
- Ma ragbaa takoorimaha iyo tuurta laga fuulay?
- Ma tafooley bay wada noqdeen tacab qasaarkooda?
- Tumbulkaa Zenaawi ah miyaa wada tallaabaaya??
- Tilmaamaha maways kaga midbaa tiilka madaxweyne??
- Tawdhaq iyo liid tiimbaraha tiisa ugu jiida
- Ma tafaafuleen qarankayagii teero dhiganwaagu?
- Maandeeq taharahoo engegey taana Ma u joonay?
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
- Afartaa ta’dii gabay miyaan tiirka ka habowshey?
- Wexeer igu tallaalani qalbiga Ma idin tiiraamay?
- Ma taftaafay boogtii xogbaan tiixayaa weliye?
- Soomaalaay tol baas haybiyaay tooggo kaa maqane
- Tafaraaruq badaneey adaan tii san garanayne
- Talo urursan iyo qaranimadii tuuray waa hore eh
- Adigaa qabiil tamar bidoo dawlad taabicine
- Goortaad kun magac Oo tayala calammo taagtaagtey
- Goortaad tanaa tayda iyo qola-qolaw tooxday
- Ku taxaabyey cadawgii kolkaad tudho Aqoon weydey
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
- Lagu tacab qasaar odayadii Taabay dhaxalkiiye
- Talo kuma heshiiyaan haddaan gaal tukubinayne
- Inta taashka madaxweyne xidhan waaba tirabeele
- Nacas waliba taab meel kolkuu Reer ku taagsadaye
- Shabaab toorabooriyo ka yimi teroris hoygiisa
- Argagixiso tii Qaacidiyo taliyey beydgaabe
- Soomaali waxa tacaddi iyo tabalo loo geystey
- Taqa beelku waa Waxa qalbiga iga turxaamayne
- Sida aar tabaadiya miyaan taaha damin waayey?
- Tammootida gurboodkii miyaa taalla dhinacayga?
- Ma toolmoontii dihataa ilmadu dhabanaka tooraysay?
- Taageero li’day miyaan tiicay Sida weyda?
- Hadba turunturrodkii miyaan tog iska qayraanshey?
- Tashigii miyaa laabtu gocan leebka igu taagan?
- Tunka jare inlaygaga xidhana Ma u tar Hayn waayey?
- Sogobyada la toodimay miyaan tooda liqi waayay?
- Sida boqor bahdii cadowgu tiray madaxa maw taagey?
- Maanaa Amxaar ii tashaa Tiger baan ahaye?
- Tortorlaha Tigree maanigaa tuuga Erateerka?
- Toxobleey Afriikaan miyaan amar ka tuuntuumin?
- Taan geyo tan cadow doonayiyo tii Rabbi u qaybshay
- Tallanka iyo dood uun miyaa maanka iga taabay?
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
- Afartaa intaan Ta’da ka deyey tiir Ma qabadsiiyey
- Toobiyaha miyaan maansadii taani ka habowshey?
- Ma tilmaamay boogtii xogbaan tiixayaa weliye?
- Adduunyadu tanaad iyo wacnaan tiigsimaad malehe
- Nin waliba tagoogtiis kolbaa hugu ka tuurmaaye
- Rag tun weyn lahaan jiray dunida Oo tirmaa jiraye
- Taariikhihii hore cilmaad ugu tegeysaaye
- Tashi Aadan iyo Jaamac Nuur seegay Lagu taabye
- Waxa laysu tebiyaa geddii loo tummaatiyaye
- Shaloon taag lahaa Talo mahayn taashka waan sidaye
- Maantoo talada aan hayana tamar la’aantay dheh
- Tiraabkiisii baa Ina Galaydh kuu tusaala ahe
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
- Taariikhdu buug weeye Aan laga tallaabayne
- Taxanaha xusuustale haddaan tiro ka soo qaato
- Ninba kaydka Waxa loogu tiray baa u taal abide
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
- Sida baarqab toojada gugii taani Lagu qoojey
- Dawaaddoo tikhiyo kuruska Oo tahan ka dheeraaday
- Dhebiduna tarriiqyaysayoo duudka kaga teeday
- Doobbada kolkuu tuurayna tays onkoday mooddid
- Raggii turuqa sheegtee tollaay shalay ku taamaayey
- Waxay Tamara lahaayeen Raggii qolo ku taageeray
- Qarannimadii toosnayd Raggii tiirarka u siibay
- Nimankii amxaarka u tu’shee toogtey sharafteeda
- Nimankii hub talantaalliyiyo taangiyada doontay
- Talaala’ayda qaylada Raggii ubadku toosaayey
- Afka waxay ka soo tuurayeen Tiraba Guubaabo
- Maansada turaabkaa ka badan Nimankii tookhaayey
- Tanna dunida Yaa maali jiray tacab ku dhiibaayey
- Kolkay tay gallaafteen dhacdoo waaqla la istaagay
- Tabo mammul goboleed miyay Tala qabiil keentay?
DHAMAAD…………………………
Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaane Shiine)
Email: mabdalle@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.