Home » Warar »

Wariye Axmed Caddoow Canshuur oo Lagu Toogtay Gudaha Degmada Dharkeenleey

Waxaa goor dhow Kooxo Bastoolado ku Hubaysani ay ku Toogteen Degmada Dharkeenleey Wariye lagu Magacaabayay Axmed Caddoow Canshuur, una Shaqaynayay Idaacadda Shabeelle Muqdisho . Wariayaha ayaa xilliga Dilka loo gaysanayay waxaa uu ku sugnaa agagaaraha Suuq Boocle ee Degmada Dharkeenleey kolkaasoo Kooxo Bastoolado ku hubaysan ay halkaa ku Toogteen.

Kooxaha Dilka u gaystey Wariyahaas ayaa goobtii isaga baxsaday iyadoona goor danbe ay halkaa soo gaareen Ciidamada dawladda oo bartii ka qaaday Meydka Axmed Caddoow Canshuur.Wariyahan ayaa noqonaya kii Labaad ee u shaqaynaya Idaacadda Shabeelle oo Sanadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Muqdisho iyadoo wariye kale oo sedaxaadna laguna magacaabo Xusni isla sanadkan lagu dhaawacay Degmada Wadajir oo la deris ah Degmada Dharkeenleey.

Ma jiraan cid ka hadashay illaa iyo iminka dilka weriyahaas iyadoona wararku ay sheegayaan in Ciidamada Degmada Dharkeenleey ay iminka ku guda jiraan baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii dilkaas gaystay sanadkan ayaa waxaa uu noqonayaa sanadkii ugu dilalka badnaa ee Soomaaliya ka dhaca iyadoona qiyaastii weriyaasha Sanadkan lagu dilay gudaha Soomaaliyana ay gaarayaan illaa Toddaba Wariye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG

War Saxaafadeed 56/2012

Dowladda waxay cambaarayneysaa dilkii wariyaha Shabelle ee Muqdisho

(Muqdisho, May 24, 2012) Dowladda Soomaaliya ayaa aad u cambaareyneysa dilkii Axmed Caddow Canshuur, oo ahaa wariye ka tirsan iddaacada Shabelle kaas oo maanta ay rag aan la garaneyn ku dileen agagaarka suuq Boocle ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa maanta la hadlay Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA, “Waxaan aad uga xun nahay dilkii wariye Axmed Caddow Canshuur, oo ahaa mid qof aad looga yaqaan saxaafada Muqdisho sumcad weyna ku lahaa.”

Wasiirka wuxuu ku daray, “Dowladda waxay aad u cambaareyneysaa dilkaa wuxuushnimada ah ee lagu waayay naf wariye qaali ah,” taas oo ka dhigeysa wariyihii lixaad ee sanadkaan lagu dilo dalka, oo ay idaacadda Shabelle ku waysay wariyihii labaad.

Axmed waa qofkii ugu danbeeyay oo falal danbiyeedka noocaan ah lagu dilay, iyadoo ay ku jiraan maamuleyaal, madax idaacadeed iyo xubne kale oo bulshada rayidka ka tirsan. Weerarka lagu hayo saxaafada iyo dadka waxtarka u leh bulshada waa mid u dhigma kan lagu hayo dowladda sababtoo ah waxay dadkaas yihiin qeyb laf-dhabar u ah horumarka
nabadda iyo guusha ay magaaladda Muqdisho ku tilaabsatay bilihii lasoo
dhaafay.

Dowladda waxay tacsi u direysaa qoskii uu ka tagay marxuumka. Dowladda waxaa ka go’an in ay baarto oo xaqiijiso in danbiilayaasha la hor keeno maxkamad sharci.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wariye Axmed Caddoow Canshuur oo Lagu Toogtay Gudaha Degmada Dharkeenleey "

  1. calanle says:

    Alaha haunaxarisoto amin amin amin walawada dhiman