Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo u ambabaxay Adis Ababa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa sheegay “Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.”

Waxaana warku intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya uu gaaray Addis Ababa kulana muhiim ahna la qaatay beesha caalamka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oodhamaystiran:

Halkan ka dhegeyso Prof. Gaas oo ka hadlaya safarkaas

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo u ambabaxay Adis Ababa.

Muqdisho, Axad, 20, May, 2012———- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaraha horkacayay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.

“Socdaalkeena Waxa uu ku saabsan yahay shir aan kaga qeyb galeeno magaalada Adis Ababa Saxiixayaashii Roadmap-ka, Waxaana ku kulmeenaa Soomaalida iyo Bulshada Caalamka”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Shirka Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS islamarkaana lagaga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa Barnaamijkii Roadmap-ka ayna tahay in la isku yimaado oo laga arrinsado hor u sii socodsiinta howlihii Roadmap-ka waxii hormar laga sameeyayna laga wada hadlo wixii dhiman sidii loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isna ka soo qeybgeli doono shirka maadaama uu ka mid ahaa Saxiixayaashii Roadmap-ka Iyadoona ay Maamuladda Galmudug iyo Puntland ka soo qeyb galayaan.

-DHAMAAD –

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa kulana muhiim ahna la qaatay beesha caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Addis Ababa, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla maanta kulamo muhiim ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u tagey Addis Ababa si uu uga qeyb galo kulanka ay yeelanayaan Saxiixayaasha Roadmap-ka oo beesha caalamkuna ay goob joogayaal ka ahaan doonaan kulankaas. Kulankan ayaa la filayaa in Madaxda Soomaalida ay go’aanno muhiim ah ku gaaraan oo ku wajahan sidii loo dhameystiri lahaa Xilliga Kala Guurka ah. Bacdamaa lagu jiro dhameystirkii Xilliga Kala Guurka ah ayaa la filayaa in dhowaan Ergeda Ansixinta Dastuurka ay ku kulmaan Muqdisho si ay uga doodaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay u ansixiyaan si KMG ah inta laga qabanayo Afti Dadweyne, iyo in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnihii Baarlamaanka cusub si August loo helo Dastuurk KMG ah oo Dowladda Rasmiga oo taamka ah ay ku dhaqanto, Baarlamaan tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladdan adag iyo Dowlad Rasmi ah oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu la kulmay sida ay uga go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga, kalsooni fiicanna ka heysta shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi iyo mas’uuliyiin kale ee ka tirsan beesha caalamka gaar ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo haatan ku sugan Addis Ababa iyo Safiirka UK ee Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.