Home » Maqaallo »

Su’aalaha Sheikh Sharif Sh. Axmed ? | xuseen

Su’aalaha Sheikh Sharif Sh. Axmed ?

Gendisch Oct 2009

Waxaa qaarada waqooyiga ameerika soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Mudane Sh. Shariif sh. Axmed oo inkasta oo uu magac ku yeeshay nabadii maxaakiimta ee lixdii bilood 2006 , kadibna noqday hogaamiyihii ARS markii la jabiyey maxaakiimtii , waxaa si sahlan loo magaacaby madaxwayne inuu u noqdo somaliya, sidii kuwii ka horeeyey ma jiraan wax la yaqaan ooo la taaban karo dalka dalka laga qabtay marka laga reebo xoogaa dhinaca arimha dibada iyo gaashaandhiga ay muujiyeen dhaqadhaaqyo siyaasadeed oo ummada raja galin karay, waxaan ay arintaas hal bacaad lagu lisay noqotay markii dowladu ay meesha ka baxeen ragii ay u muuqatay in ay ugu dhaqdhaqaaq bada yihiin wasiiradii dowlada , arintaas waxaa ay la yaab ku noqtay shacabka somaliyeed ee dalka iyo dibadiisa jooga. Sh shariif waxaa u ku dhiiraday in dalka mareeykanaka yimaado oo jaaliyada dibada u ogolaado ka wada munaaqishoodaan meesha aanay marna suurtaglin In kuwii ka horeeyey ay shacabka hor yimaadaan , jaaliyadaha degan dalka mareeykanka gaar ahaan nawaaxiga washigton DC iyo Mineapolis , MN waxaa u soorto geli doonta in ay madaxwaynaha suaalo badan

Suaalha ilaa hada jawaabtoodii la la’yahay waxaa kala yihiin sida soo socota anigoo ku soo koobaya ilaa toban

Dhinaca Maamulka iyo maareeynta

Mudane : marka ugu horeeysa waa ku salaamay, salaam kal iyo lab ah, marka xiga waxaa ku waydiiyey waxaad dowladiinu jirtaa 8 bilood, maxaa keenay in wali ciidamadii qaranka somaliya aan la dhisin, kuwa jiraana ay yihiin ciidan beeleed and hogaamiye kooxeed ( ciidanka cabdi qaybdiid , ciidanka goobaale , ciidanka shaaweeye, ciidanka indhacade iwm) islamarkaan aanu lahayn taliyeyaal ciidamada qalabka oo aqoon u leh xirfada ciidan , military, bolis iyo nabadsugid , iyo asluub oo si hufan u gudan kara shaqada loo igmaday maxaa gadaal kaaga dhigay in aad magacoowdo saraakiishii sare sare ee ciidanka ugu muhiimsanaa xagga dagaal galinta ( Military) . Raadinta nabada degaanada ( policing ) , iyo maareeynta sirta qaranka ( intelligence )
Wadanka soomaliya ma jiraa waxaa la yiraahdo la taliyaha madaxwaynaha xagga amaanka iyo nabadgelyada ( national security advisor ) maxaa u diiday madaxwaynana inuu yeesho .kaasoo isku duba rida hanaanka nabadgelyo ee qaranka ?
Maxaa u diiday Dowlada inaan wali la magaacaabin wasiir ku xigeeno, iyo agaasimiyaal guud fududeeya dhibaatda awood qaybsiga beelaha somaliyeed , si beelaha oo dhan iskaga arkaan dowlada iyo safaaradihii somaliya oo intooda badan ay shacabku aamin san yihiin in ay ka muuqato habacsanaan. Iyo isu dheelitir la’aan.

Dhinaca amaanka iyo Nabadgelyada

Tan iyo markii itoobiya dalka ka baxday , ee u dagaalkii mucaaradka uu sii xoogeeystay waxaa magaalada muqdisho ku socday madaafiic aan loo aabo yeelin oo lagu garacayo shacabka , ee degmooyinka muqdisho intooda badan lagu garaacay , kaasoo ay soo ridayaan ciidamada UNISOM. Waxaa ugu danbeeyey madaafiicdii ay ku garaaceen Hodon iyo howlwadaaag, gubta iyo dayniile oo dad badan ku dhinteen kadib markii ciidamadaas la isku qarxiyey ( ismiidaamin) xeradooda xalane ( bootiko) . waxaa muuqata in ujeeda ciidankaas aanay ahayn in ay iska difaacaan meel madfac looga soo tuuray oo ujeedadoodu tahay in shacabka oo dhan la dhibaateeyo sidii iyagoo masuul ka ah , dibindaabyada mucaaradka ( collective punishment ) , miyaadan ogeeyn in aad masuul ka tahay madaafiicda ay ridayaan UNISOM ee shacabka ku dhaceeysa ?

Ciidanka dowladu waxaa ay dhacaan shacabka , waxaa isbaaro u taal jidadka magaalda , waxa ay maalin kasta isku dagaalan controlada iyagoo u hubeeysan sidii qabiil, kuwa mucaaradku meesha ay joogaan waa nabadgelyo , inkasta oo iyaguna gacmo gooyn iyo luga gooyn , iyo toogasho dad basaas lagu sheego ay jirto miyeey kuu muuqataa in suguda nabdgelyada ay roontahay dhulka ay ka taliyaan Mucaaradku meeshii laga rabay in dowladu roonaato ?
Sunna wal-jameeca waxaad sheegtaan in ay saaxiib hoose dowalada la yihiin oo aad hub siiseen kal hore , maadaama ay alshabaab iyo xisbul islaam dagaal kula jiraan inkasta oo itoobiya ay dabada ka riiixeeyso, maxaa u diiday in ay dowlada ku soo biiraan. Oo aay ka mid noqdaan dowlada . , maxaa diiday in aad gobolada uga dhigtaan godoomiye gobolka sida galgaduud , Mudug( ) , hadii ay diidaanse miyeeysan idin muuqan in ay noqon doonaan mucaarad cusub oo aad idinku wax ka aasaasteen.
Waxaa kal hore bishii Luulyo ku shirry Washington, saraakiishii ciidamada qalabka siday ee somaaliyeed kuwii ugu aqoonta badnaa, kuwii ugu magac wanaagsanaa , kuwaas oo intooda badan aaneey ka qayb qaadan dagaalkii sokeeye, ma ku soo gaaray taladoodii iyo tusaaleeyntii ay bixiyeen. Hadii aad taladooda maqashay maxaa kaaga baxay ?

Dhinaca siyaasada Arimaha dibada :

8. Itoobiya waa dal daris nala ah , waa dal ay ka muuqato inaanay marna rabin in ay arkaan dowlad danbe oo soomaliyeed , marna ma ku fikirteen inaan talo soomali leedahay aan itoobiya laga raadin ( nin qorax kaaga tagey hoos kuuma jiido ) , oo aad kaashataan ilahay na abuuray , dowladaha qaban karan sida , america , yurub , kuwa carabta , iwm, oo ka codsataan in itoobiya in arimihiina soomaaliyeed faraha kala baxdo markaad u aragtaan in ay daandaansi wado ?

9. Maxaa keenay in howladeenadii ugu dhaqdhaqaaqa ronaa golaha wasiirada shaqadoodii laga bedelo, Kuwaas oo u muuqda in ay ahaayeen rag adiga kugu dhow dhow , miyaad raali ku tahay arintaas , miyaaneey ku muuqan in wadashaqeeyta dowlada dhexdeeda ah ay hooseeyso loona baahan yahay in marmarka qaarkoodna aad u baahan tahay goaan qaadasho adag ?

10. Jaale madaxwayne , golaha baarlamaanka soomaliya waxaa lagu kala qaybiyey wax la yiraahdo 4.5 oo aan ku dhisneeyn xaq , cadaalad, iyo sinaan midna , maxay kula tahay in dib loogu noqdo, laguna jaangooyo wax dhaama sida degmooyinka iyo qiyasta dadka degan oo lagu yaangooyo dadka ka imaya gobolka ama degmada ee ka mid noqonaya golaha shacabka?

Hussein abdikarim Ahmed-Gendisch

Raleigh, NC, USA

Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Su’aalaha Sheikh Sharif Sh. Axmed ? | xuseen "

  1. rashid says:

    waxaan leeyahay dadka duray ama wax ka sheegaya shariifka, hort ninka wax diidan oo aan hadana wax uu ku badasho heysan wax uu diidan yahay baan jirin marka hore su’aashu wax weeye yaa lagu badahsaa ma daahir Aweys mis godane
    hort taasaa muhiim ah

  2. hahaha
    what about bada ay iibsadeen,iyo suaal kale oo muhiim ah ,miyuusan u arkin si dadka iyo dalka loo badbaadiyo in uu qolyaha miyilka adag la fariisto sali xitaa hadii ay tahay in uu kursiga isaga dago illaan meeshaan wax kama soconaayaan soomaali dhan oo kaa soo horjeesato xita anaga shacabki aheen waan kaala laabanay kalsoonidii inta qabiilka caabuda oo cidaada ah maahane,sabatuna waxaa weeye tii c/laahi oo la waxad ogeeyd ku kacday taadiibaba ka daratay.xilka dhiib sheekh shariif miyaadan ogeeyn in aakhiro lagu soo taagayo oo masuuliyadeeda aad leedahay inta dhiig qubanaya,tolloow ragaan ma oga miyaa in la dhimanayo o aduunku maalmo yahay,ma geesisinima ayeey moodeen in alahaii abuurtay kallmkiisa laga soo horjeesto miyeesan ka bakheeyn i la cadaabo.nabad billaa sharuud ah in somalia