Home » Warar »

Kulan looga hadlayey Xaalada Soomaaliya islamarkaana uu soo Qabanqaabyey Suldaanka Guud Beesha Tunni oo ka dhacay Muqdisho

Kulan aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimeya ayna ka soo qaybgaleen Culima’udiin Odey dhaqameedyo, Siyaasiyiin , Xildhibaano , Waxgarad, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo lagu qabtay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlayay Kulankaas xoojinta nabadda iyo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd nabad. Islamarkaana Beesha Tunni Door Muhiim ah uga yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliya ee Waqtiga kala Guurka.

Suldaanka Fiqi Sayid Suldaan Fiqi oo ah Suldaanka beesha Tunni oo ka mid ah beelaha dega Koonfurta Soomaaliya oo soo qabanqaabiyay kulankan, waxaana dadkii kulanka goob joogga ka ahaa oo dhan ay taageero u muujiyeen Suldaanka.”Haddii aan wax walba loo hurin badbaadinta Soomaaliya, maanta waxaa la joogaa heerkii ugu dambeeyay oo ay dhici karto in Khariidadda dunida laga tiro Soomaaliya haddii aan Qarannimada dib loo soo celin,” ayuu yiri Suldaanka oo sheegey in halgankii SYL ay beesha ka ahayd Hormuud isagoo sheegey in ay ku lahaayeen laba xubnood oo kala ah Cabduqaadir Sakhaawadiin iyo Maxamed Cismaan Baarbe maanta loo baahan yahay in Beesha ay Hormuud u noqoto Samatabixinta Ummadda Soomaaliyeed wuxuu intaas sii raaciyey

“Adduunka wuxuu la yaaban yahay dad isku Diin ah, isku Dhaqan ah islamarkaana isku Midab ah in ay is dilaan waxaana taas ugu wacan isu tanaasul La’aanta waxaana uga bixi karnaa dhibkaas iyadoo la isku tanaasulo isla markaana si wanaagsan ugu dhaqano Diinta Islaamka”waxayna Beeshu sheegtey in ay go’an tahay in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagta iyadoo waxgaradkii iyo siyaasyiinta goobta ka hadlay ay iyaguna soo jeediyeen in si aad ah loogu dadaalo sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.
“Waxaa la joogaa kaalintii Suldaannada waa inay iska eegaan waxa la doonayo in la soo hordhigo oo dastuurka ah, waana inaad ogaataan halkii Soomaali aad geysaan ayaa noqonaysa meesha la dagayo,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo kulanka ka hadlay oo intaa sii raaciyey “Xiligii Gumeysiga waxa Ingiriisku Odayaashii Xiligaa jirey u soo jeediyey in dadka ay Bixiyaan Canshuur hase yeeshee SYL ayaa ku hanjabtey in Ciddii Canshuur Gumeysiga siisa la dili doono waxay markii dambe Odoyaashii raaceen Go’aankii SYL marka maanta waxay taagan xiligaas waxay Odoyaasha soo qaadaan bay Shacabkuna qaadanayaan”

Sidoo kale, waxaa hadlay Col. Yuusuf Cali Cagey oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan weligiis arkin goob ay ku shirsan yihiin beesha Tunni, wuxuuna dhallinyaro iyo Odoyaasha ka dalbaday inay dhexda u xirtaan sidii ay Soomaalida uga dhaqi lahaayeen dhibaatadii soo martay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay kasoo qaybgalka kulankan, balse waxaa doonayaa in aan idinka codsado inaad nabadda xoogga saartaan, waayo waxaad tihiin dad aan ka qaybgelin burburka Soomaaliya, waana inaad ka qaybgashaan dib u soo celinta Qaranimada Soomaaliya,” ayuu yiri Col. Cagey.

Xildhibaanad Caasho Cabdi Sheekh oo iyaduna ka hadashay madasha ayaa soo dhaweysay suldaanka beesha Tunni waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay in la isugu yimaado kulan looga hadlayo nabadda iyo soo celinta dowladnimadii Somalia. Waxgarad iyo Salaadiintii kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay ka hadleen dhibaatada dalka soo martay iyagoo ugu baaqay Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii lagu soo celin lahaa nabdda iyo dowladnimada Soomaaliya muddo dheer kaddib islamrkaana ay isu Tanaasuli lahaayeen .

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.