Home » Warar »

Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda ku Meel Gaarka oo Sheegtay in Xiligaan keligeed ayan Wax ka Qaban Karin Ammaanka Dalka

Wasiirka Gaashaan Dhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ciise Carab oo ayaa soo hadal qaaday Doorka Ciidanka Dalka Soomaaliyeed uu ku leeyahay Sugidda amaanka iyo dib u soo celinta Nabadda.Wasiirka isla markaana Ra’iisul wasaare ku Xigeen ayaa farta ku fiiqay in guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida milateriga Boliiska iyo Nabad Sugidduba ay ku guuleysteen in ay wax badan ka qabtaan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho in kastoo weli halkii la rabay aan la gaarin.

Xuseen Carab ayaa hoosta ka xarriiqay in Ciidamadu Shacabka la’aantiis ayan waxba qaban karin sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in Shacabku la duubto Ciidanka si looga adkaado shabaab iyo inta Nabadda ka soo hor jeeda Wasiirka Gaashaandhigga ayaa amaanay Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegey inay gacan ka gaysteen falal Ciidanku ay ku xaqiijinayeen ammaanka magaalada haddii uusan shacabkaasi ciidanka garab siina aan la gaari lahayn Guulaha maanta la gaaray.

Wasiirka gaashaan dhigga xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay sii wadayaan Xoreynta Dalka isla markaana ay sii wadayaan Dagaalada ay ku doonayaan in ay kaga xoreeyaan Shabaab Gobolada ay weli ku sii sugan yihiin.Ma aha markii u horeeyay ee saraakiisha dawladda federaalka Soomaaliya ay sheegaan in ay qaadayaan Dagaal ay Xarakada Shabaab kaga saarayaan Gobolada ay iminka ka taliuyaan.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli ay sheegeen in wejigii labaad ee dagaalka haatan loo gudbay taana micnaheedu yahay in dagaalkii Muqdisho uu ka dhamaday Goboladana lagu jihaysan yahay.hase yeeshee Waxaa Muuqata in Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho , Gobolada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuiwa Kenya aymaalin weliba ka dhacaan Qaraxyo iyo Dilal taasoo Ilaa iyo hadda waxba ka qaban Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaarootmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.