Home » Faallo »

Dayaxa Waa IIB

Tan iyo markii la magacaabay Dowladda uu Madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009, waxaa soo noqnoqday heshiisyo ku aadan Badda iyo Dhulka Soomaaliya, waxayna arrintaani ka dhiidhiyey Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qoray qoraalo fara badan oo Dowladda looga digayo in heshiisyo noocaas ah gasho iyadoo heshiiskii 7-dii April ee sanadkii 2009 ay dowladdu si weyn ugu fashilantay kadibna waxaa arrintaani laalay Baarlamaanka Soomaaliyeed, mar la wareystay Wasiirkii xiligaasi saxiixay heshiiskii loogu Magacdaray Heshiiska Isafgaradka Badda Soomaaliya iyo Kenya wuxuu sheegay in heshiiskaasi ay Dowladdii xiligaasi jirtay ay ku amartay in uu saxiixo.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra’isul Wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise uu saxiixay heshiis dhex maray Dowladda Federaalka iyo Shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabo HallidayFinch kaas oo qorayey in Shirkaddaani ay bixin doonto shatiyada lagaga kalluumaysanayo xeebaha Soomaaliya iyo in ilaaliso Badda Soomaaliya kana ilaaliso Maraakiibta sida sharcidarada ah uga kalluumeysanaya, kuwa doonaya in ay Sun ku shubaan, la dagalaanka Burcad Badeedka iyo Tababarida Ciidanka Badda Soomaaliya.

Waxaana heshiiskaan markiiba ka hor yimid qaar ka mid ah Xildhibaanada, Siyaasiyiin iyo aqoonyahano oo sheegay in heshiiskaan ay Dowladdu gashay uu yahay mid ay ku hoos duugan yihiin danooyin fara badan, sidoo kale qaybo kamid ah Dhulka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo si sharcidaro ah ku soo galay dalka, kuwaas oo dadka qaar ay ku macneeyeeen in ay tahay mid Dhul balaarsi ah oo aan soomaali loogu adeegeeyn, ilaa iyo haddana dowladda Federaalka kama hadlin Xadgudubka dhulka Soomaliya lagu hayo.

Nin Abwaan ah oo wax badan kala socda heshiisyada Dowladda Federaalka ay la gashay Dowlado iyo shirkado Shisheeye ayaa mar aan kula kulmay Baar ku yaala Magaalda Muqdisho ayaan weydiiyey in uu aragtidiisa ka dhiibto heshiisyadan ay dowladdu mar kasta galeyso, inta qoslay ayuu yiri “Saaxiibkeygiiyow iga dhaaf in aan xiligaan ka hadlo arrimahaasi”.

Waxaan u sheegay in taladiisa iyo codkiisaba loo baahan yahay maadaama weli ay socdaan Heshiisyadii la xiriiray Badda Soomaaliya , markaas ayuu si kooban ii yiri “Waxay maanta mareysaa in Dayaxu uu iib yahay” War sidaa ha dhihin Dayaxaan Iib ma noqon karee ” Maya walaal kuwaan in sidaa yeelayaan waa wax dhici kara waayo haddii ay Damiir leeyihiin Badooda iyo Dhulkooda Heshiisyo kuma geleen marka walaal maxaa ku diideysaa in Dayaxa la iibiyo maadaama Baddi Gorgortan la geliyey ” wuxuu sii raaciyey “ Walaal in Dayaxu uu iib yahay ma maqlin miyaa oo ii dheh loo sameeyey” Walaal ma Maqal markaas baan iri “oo sidee baa Iidheh loogu sameeyey” Saaxiib waad huridaa ma maqal miyaa IIdheda Dayaxa ee la soo bandhigey” Ha iila yaabin ma maqal”Walaal bal wax iiga sheeg Iidhehdaas ama Ogeysiiskaas ”markaasuu yiri “ Iidheda waxay ahayd oo Cinwaan looga dhigey “Dayaxa Soomaalia waa Iib´” Waxayna Iidhehda u qorneyd sidatan” Dayaxa Soomaaliya aad buu u iftiimayaa , oo Cirka uu ku socdo wax Daruur ah ma laha , marka la gaaro 14 aadka aad uu u ifayaa oo looma baahna Iftiin kale , marka uu bilaabanayo aad buu u Qurxoon yahay marka uu ku dhex jiro Cirka Quruxdiisa aad bay u soo baxaysaa , sidoo kale Dayaxa Sooomaaliya marka ay hareerihiisa aad eegto waxaa kuu muuqanaya Xiddigo aad u Qurux badan , hadaba Ciddii dooneysa in ay iibsato Dayaxa Soomaaliya waxay kala soo xiriiri karaan ….. …. …

Inta Qosley ayaa iri war ninyahow war weyn baad ii sheegtey markaaas baa iri “ wax jawaab ah ma la heley oo ku aadan iibsiga Dayaxa Soomaaliya waxa uu yiri “Shirkado badan baa isku hardinaya inay iibsadaan Dayaxa Soomaaliya goor dhow baa la filyaa in Cidii ku guuleysatey iibsiga Dayaxa lagu soo bandhigo Faafintsa Rasmiga ee … …. ….. Waxaan weydiiyey ma la sheegey Qiimaha lagu iibsanayo Dayaxa “ markaasuu yiri” Saaxiib qiimahaas lama shaacin balse waxaa lagu gaabsadey in Dayaxa Soomaaliya uu iib yahay” Waxaan iri arinta aad ii sheegtey waa arrin aan la fududeysan Karin kuwaana waa ka suurta gashaa in ay iibiyaan Dayaxa Soomaaliya waxaa ii ri Goormaa isagana la iib geynayaa Cirka iyo Qoraxda “markaasuu yiri”ha sugi waayin mar haddii Dayaxii la iibgeynayo waxaan ka cabsanyaa inaga oo dhex fadhina in maalinka dambe Shirkado la soo baxaan Dukumentiyo la leeyahay” Shirkadeena ayaa iibsatey Dayaxa , Cirka , Xiddiga, Qoraxda iyo Dhulka oo sidaa lagu Dhaxal wareegiyo. Dalkeenni Hooyo..

Marka dhadhansadey Sheekadaan la yaabka leh oo ii sheegey Saaxiibkey waxaa ii soo baxay sheekadii ahayd Hebel waxaa uu taabsadey Gurigaan marka waxaa ka Cabsi qabaa in marka Dambe la yiraahdo Dalkaan anagaa Taabsaney oo sidaa ku weyno dhulkaan Qaniga ah marka Ilaah ha badbaadiyo Dhulkaan oo aan dhihi karo waxaa u heshiiyey Kooxo Damiir laawayaal oo aan ka Naxayn dad iyo Dal ,Ilaah ha u soo bxiyo dadkii lahaa dhulkaan , kuwa ku jira Heshiisyada waxaan leeyahay mar ay ahaataba waa la idiin Xisaabin oo ha moodina in la idiin hilmaamey , Diwaanka Taariikhdaa idiin sheegi doonto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.