Home » Warar »

Kulana si weyn looga soo Horjeedo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey Soomaaliya oo ka Dhacay Magaalada Muqdiasho

Soomaalida oo ka soo horjeedsatey qorshaha Mahiga ee kala qayb-qaybinta Soomaaliya….

Waxaa isa soo tarayo Mucaararada lagaga soo horjeedo wakiilka Qaranmada ee Soomaaliya Ambasadoor Mahiga ee ku wajahayan Road Map-ka , Dasuurka, dib u heshiisiinta iyo Qaabka ay noqoneyso Dowlada Soocota.

Ayadoo taasi ay jirto ayaa kulan looga soo horjeedo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgaley Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaaqlka ,Qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna dhamaantood isku raaceen in Mahiga uu ka shaqeynayo sidoo soomaaliya loo qayb qayb qabin lahaa islamarkaa soomaaliya loo gelin lahaa Maxamiyad.

Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim ayaa afka ku balaariyey in ergeyga gaarka uu hareer marey arrimihii loo xilsaarey islamarkaana uu yahay ergey iska horkeenayo Ummada Soomaaliyeed , wuxuuna ka codsadey Qaramada Midoobey in deg deg loo bedelo inta lagu guda jiro Xiliga kala Guurka iyadoo intii uu socdey Kulankaas dadka ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kamid ahaayeen “Ha dhaco Mahiga, hala bedelo Mahiga iyo erayo si weyn looga soo horjeeda ergeygaas.

Waxaa kaloo ka Hadley Kulankaas Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyed Shiikh Axmed Dhicisow oo sheegey in ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soonaaliya uusan xiligaan u qalbin in uu xilkaa Sii hayo waayo waxaa uu bilaabey in uu iska indhatiro Talooyinkkii Qaybaha kala duwan ee Bulshada sidoo kale wuxuu sheegey in haatan u muuqdo nin iska maamulanayo Masiirkii Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Dastuurka Qabyada iyo Road Map-ka wuxuuna isna soo jeediyey in deg deg loo Bedelo.

Intii uu socdey Kulankaas ayaa waxaa lagu soo bandhigey Kaartoono si weyn looga soo horjeedo Mahiga mid ka mida Kortoonadaas ayaa waxaa uu u egaa Mahiga oo leh laba waji iyadoo laba waji mid uu qaramada Midoobey uu ugu shaagayo in arrimaha Soomaaliya haatan ay mareyso meel wanaagsan, midka kale ayaa ah mid ku kala qayb qaybinayo dadka Soomaaliyeed gaar ahaa qaabka loo hirgelinayo Dastuurka qabyada , qaabka loo hirgelinayo Road Map-ka iyo qaabka loo soo xulayao Xildhibaanada Soomaaliyeed.

Iyadoo dhowr Bilood ay ka harsan tahay Xiliga kala guurka ayaa waxaa durba bilowdey qas iyo Jahwareer la xiriirta sida loo wajahayo ama looga baxay Xiliga kala guur waxaa haatan bilaabantey in isqabqabsi uu dhexmaro Siyaasiyiinta Soomaaliyeed , Odoyaasha Dhaqanka oo iyana lagu mashquuliyey in ay soo doortaan ruuxii umatalaya Beeshooda Xubnaha Baarlamaanka , waxayna arrintu sii xoogeystey markii Wasaarada arrimaha Gudaha ay sheegtey in Odoyaasha dhaqanka ee wax soo xulaya in ay noqon doonaan odey dhaqameed si weyn loo yaqaan iyadoo beelaha qaar ay la yimaadeen odoyaal dhaqameed fara badan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail aminkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulana si weyn looga soo Horjeedo Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobey Soomaaliya oo ka Dhacay Magaalada Muqdiasho "

  1. Runtii waa arin marhore loo baahnaa in laga qayliyo waayoo cidna kama qarsoona sida quursiga badan ee ninka Mahiiga la leeyahay kula dhaqmayo qaranka Soomaaliyeed, dadkiisa, dowladiisa iyo dastuurkiisaba oo hadana ay raali uga yihiin kuwii ehelka u ahaa oo madaxdiisa sheeganayey. aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa in umadda somaliyeed ay ka gilgilato quursiga mahiiga iyo wixii la halmaala.