Home » Warar »

Sheikh Shariif oo sheegey in Casuumaddii Tiyaaterka lagu qabtay ay ahayd mid Borotakool ahayn

Madaxweynaha DFKMG oo Balan qaadey in wixii Haatan ka dambeeya Amaankooda la sugi Doono Wariyayaasha

Munaasibad ballaaran oo Casha sharaf ah ayuu Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya Shiikh Shariif xalay ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Munaasibaddan oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah war baahinta ka hawl gasha Magaalada Muqdisho iyo fanaaniin ayaa Madaxweynuha DFKMG waxaa uu aad u ammaanay doorka saxaafadda Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada Nabadda.

Sh. Shariif ayaa farta ku fiiqay in saxafiyiintu door muhiim ah ay kaga jiran horumarinta nabadda isagoona ku nuux nuuxsaday in looga baahan yahay wariyaasha in ay ka shaqeeyaan waxyaabaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta lagu horumarinayo.

Madaxweynaha DFKMG oo khudbaddiisu dhinacyo badan ay taabanaysey ayaa tibaaxay oo soo qaatay qaraxii dhawaan ka dhacay Golaha Murtida isagoona sheegey in Casuumaddii halkaa lagu qabtay ay ahayd mid aan habeysneyn isla markaana Borotakooli aan ahayn, kuwaasoo uu sheegey in aysan lahayn wax shaanbad ah oo lagu aqoonsado in ay yihiin kuwo sax ah isagoona is weeydiiyay cidda samaysey waraaqahaas Invitationka ahaa.

Madaxeynaha ayaa u ballan qaaday saxafiyiintii kulankaas ka qayb galay in dawladdu ay ballan qaadeyso sidii ay u sugi lahayd ama u Ilaalin lahayd Ammaanka wariyaasha isagoo wariyaashana weeydiistay in ay ka qayb qaatan sidii si wadajir ah nabadda looga shaqayn lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isaguna munaasibaddaas ka hadlay ayaa saxafiyiinta qaarkood ku eedeeyey inay ku lug leeyihiin hurinta colaadaha isagoona sheegey in ay ku shaqeeyaan hanaan aan ahayn hanaankii saxafinimo ee Saxaafadda lagu yiqiin.

kulankii xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ku soo gaba gaboobay si farxad leh iyadoon suxufiyiintii ka qayb galayna ay haysteen balan qaadka ah in xukuumaddu ilaalinayso amaanka suxufiyiinta, sidoo kale Madaxweynaha DFKMG waxaa uu sheegey in Dowladda ay Daryeel Caafimaad ay u fidineyso Saxafiyiintii iyo Fanaaniinttii waxyeeladu ka soo gaartey Qaraxii ka dhacay 4 Bishaan Golaha Tiyaatarka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.