Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda isboortiga Soomaaliyeed una tacsiyeeyey

Muqdisho, April 6, 2012——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Isboortiga Soomaaliyeed oo uu si shaqsi ah uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olembikada Soomaaliyeed Aadan Haaji Yabarow (Wiish) iyo Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamud Nuur (Mugabe).

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa Daahir Xaaji Geelle, Wasiir ku xigeenka dhalinyarada, Isboortiga iyo shaqada iyo shaqaalaha. Dhanka madaxda Isboortiga waxaa ka mid ahaa Duraan Axmad Faarah, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Guddiga Olembikada Soomaaliyeed (GOS), Cali Saciid Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta, Maxamed Xasan Xuurshe (Eno) Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta, Maxamed Cali Caddow, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda laliska, Khadiijo Aadan Daahir, Ku-Simaha Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud, Abuukar Islaw, Xubin Guddiga fulinta GOS, Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiino), Xubin Guddiga fulinta Kubadda Cagta, iyo Mulki Nuur Muudey oo ah shaqsi caan ku ah Isboortiga Soomaaliya.

Kulanka ka dib shir jaraa’id oo lagu qabtay isla goobta waxaa ka hadlay Khadiijo Aadan Daahir, Duraan Axmed Faarah, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Khadijo ayaa sheegtay in geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wiish iyo Mugabe ay dhaawac weyn ku aheyd Isboortiga Soomaaliya iyo kan caalamka. Duran Ahmed Farah ayaa ku tilmaamay labada shaqsi ee Wiish iyo Mugabe, Waalid iyo wallaal qaali ah, sheegayna labadaba inay waqtigooda u hureen horumarinta Isboortiga, juhdi bandanna geliyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu danbeyntii ka hadlay goobta oo erayadiisa ay ka mid ahaayeen:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun

· Ugu horreyntii waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Isboortiga u dirayaa Tacsi Qaran geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olembikada Qaranka Aden Haji Yabarow Wiish iyo Madaxii Xiriirka Kubadda Cagta Siciid Maxamud Nuur (Mugabe).

· Gacan ka xaqdaran baa dishay, Dowladdu waxey bilowday baaritaan dhab ah oo ku wajahan sababta keentay in gabadhaas ay soo gasho Tiyaatarka oo ay qarax noocaas oo kale ah ka geysato goob ay ku sugan yihiin madaxdii dalka.

· Wiish iyo Muganbe waxey waqtigooda u hureen sidii Isboortiga Soomaaliya uu u horumari lahaa.

· Gaar ahaan Aden Yabarow Wiish waxuu in muddo ah ku soo dhexjiray Isboortiga waxuuna ahaa aabihii Isboortiga ee suurto geliyey in Somalia ay ka dhex muuqato cayaaraha olembikada Adduunka oo sanad walba uu ku matali jirey Soomaaliya. Gaar ahaan 20kii sano ee aan fowdada ku jirnay Wiish waxuu ku guuleystay in Isboortiga uu sii noolaado oo uu mideeyo shacabka Soomaaliyeed. Wiish waxaa kaloo lagu xasuusanayaa guulihii gabdhaha Soomaaliyeed ka soo hoyeen tartankii kubadda koleyga ee ka dhacay Doha, Qatar.

· Wiish waxuu ku howlanaa sidii Olembikada Soomaalida ay uga qeyb-qaadan laheyd tartanka Olembikada London ka dhacaya bisha Julay. Olembikada Soomaaliya waxaa laga rabaa inay sii joogteeyaan howlihii muhiimka ahaa ee uu waday Wiish.

· Siciid Mugabe waxuu waqtigiisa u huray horumarinta Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta, waxuuna ku guuleystay in cayaarihii gobolada ay dalka gudihiisa ku qabsoomaan sanadkii hore, iyo weliba in Muqdishu lagu qabtay tartankii degmooyinka ka dib markii kooxaha nabaad diidka ah laga xorreeyey caasimadda.

· Bahda Isboortiga iyo dhammaan Soomaalida waxaa laga rabaa inaysan ka yeelin kooxan argagaxisada ah inay hor-istaagaan is-dhexgalka bulshada iyo Isboortiga.

· Isboortigu waa muhiim waxuuna bulshada ku horseedaa is-dhexgal, wallaaltinimo, is-jeceyl iyo mdinimo. Isboortigu waa caafimaad isla markaana dhisa maskaxda dhalinyarada.

· Dowladdu waxy diyaar u tahay inay Isboortiga dhiirigeliso, isla markaana u fidiso waxii saacidaad ah. Sidoo kale Bahda Isboortiga waxaa laga rabaa inay sii labo-jibaaraan dadaaladooda.

—DHAMAAD—

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dhaawacyada Isbitaalada Madiino iyo Daarul Shifa

Muqdisho, April 6, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan kuxigeenadiisa Gaashaandhiga iyo Ganacsiga Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa saaka booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxii 4-ta bishan ka dhacay golaha Murtida iyo Madadaalada National Theatre xilli ay ka dhaceysay munaasabada sanadguuradii 28-aad ee TV-ga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay una weydiiyay xaaladooda inta badan dadkii dhaawaca ahaa ee jiifay Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa wuxuuna Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, wuxuuna dhanka kale tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxii fuleynimada ahaa ee ka dhacay National Theatre.

“Waxaan Alle idiinkaga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah idin siiyo, dowladduna waxay idiin balan qaadeysaa inay talaabo cad ka qaadeyso kooxihii falkan geystay, mana uga hari doonto dhiiga shacabka ee ay daadiyeen” ayuu yiri R/wasaaraha oo ku hanjabay in kooxaha dhagar qabayaasha ah aysan ka niyad jabin doonin shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhaawacyada uu maanta isbitalka ku booqday Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah shaqaalaha Xafiiska, Weriyeyaasha, Ciidanka Xooga, iyo ururada bulshada Rayidka, wuxuuna si shaqsi ah ugu duceeyey inuu Alle bogsiiyo.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu u mahadceliyay maamulada Isbitaalada Madiino iyo Daarul shifa, wuxuuna uga mahadceliyay sida taxadarka leh ee ay gargaarka caafimaad ugu fidiyeen shacabkaasi dhaawacyadu soo gaareen.

—DHAMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.