Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo weli Wada Duqeymaha ay ka geysanayaan Tuulooyin ka Tirsan Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya ay Duqeeyeen Tuulooyin ku dhow Magaaladda Baardheere kuwaas oo kala ah Ceel-Cadde iyo Ceel- Guduud waxayana Dadka Deegaanka ay sheegeen in Duqeyntaas ay waxyeelo ka soo gartey Dad Xoola dhaqato ah iyo Xoolahoodii waxaana la Xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa Lix Qof iyo Xoolo farabadan.

Duqeyntaan loo geystey Tuulooyinkaas ayaa noqonayaa ugu yaraan Markii Afaraad iyadoo Duqeymahaas is daba jooga ah ee loo geystey Tuulooyinkaas ay waxaa ku geeriyoodeen dad farabadan iyo Xoolahoodii hase yeeshee Dowladda Kenya ayaa ku celcelisa in ay Diyaardahooda Bartilmaameedsadeen Saldhigyo ay leeyihiin Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca Kale Siyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawladda KMG ee gobolka Gedo ayaa war baahinta uga war bixiyay duqeymahaas iyo khasaarihii ka dhashay. Sarkaalkan ayaa sheegey in duqeyntaasi ay ka dhacday degaano hoos yimaada magaalada Baar dheere, gaar ahaana halka loo yaqaano Ceel Cadde iyo Ceel Gaduud isagoona sheegey in diyaaradahaasu ay bar tilmaameedsadeen waa siduu hadalka u dhigaye fariisimo ay lahaayeen ciidamada Xarakada Shabaab.

Kaliil ayaa sheegey sida ay wararka ku heleen in duqeyntaasi ay ku dhinteen illaa iyo laba iyo Toban Dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada shabaab isla markaana lagu bur buriyay meelo talisyo u ahaa. Siyaad Cabdi Kaliil ayaa sheegey in ay sii wadayaan duqeeymaha iyo dagaalada ay kula jiraan ciidamada xarakada shabaab illaa ay ka saarayaan guud ahaan gobolka Gedo oo maalmihii u danbeeyayba ay ku dagaalamayeen dhinacyada isaga soo hor jeeda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.