Home » Warar »

Ururka Dhaqaatiirta Xirfadleyda Xoolaha ee Gobalka Banaadir oo Ololaha Talaalka Xoolaha iyo Daaweyntooda ka Bilaabey Gobolka Banaadir iyo Agagaarkiisa

Ururka Dhaqaatiirta Xirfadleyda Xoolaha ee Gobalka Banaadir Banadir Livestock Professional Association BANELPA ayaa maanta agagaarka Gobalka Banaadir ka furay mashruuc lagu daweynayo 75 kun oo neef oo isugu jira ArI cad iyo Ido kuwaas oo laga daweynayo cudurka PPR oo ah cudur inta badan asiiba xoolaha ay Dhaqdaan Ummadda Soomaaliyeed .

Halkan ka daawo sawirada

Mashruucaan oo lagu talaalayo xoolahaasi ayaa socon doona mudo bil ah, waxaana ka qaybgalaya Dhaqaatiir xirfadley ah oo si aad ah loogu tababaray dhinaca caafimaadka Xoolaha, waxaana xafladdii lagu furayey mashruucan ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, Hay’adaha qaabilsan dhinaca Caafimaadka xoolaha iyo martisharaf kale.

Mashruucaan oo ay maalgelineyso hay’adda Cunta iyo Beeraha FAO ayaa waxaana ugu horey halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka PANELPA Nuurto Sheekh Maxamed oo sheegtay in sababaha loo qabanayo mashruucaan lagu talalaayo xoolaha uu yimid kadib markii la ogaaday in xoolo fara badan cudurka PPR ay dhintaan maalin walba.

Guddoomiye Nuurto waxay kaloo sheegtay in maalmaha hore ee mashruucaan uu noqon doono mid wacyigelin ah, waxayna kula dardaaran tahay dhakhaatiirta ka hawlgalaya mashruucaan in ay si wanaagsan ula dhaqmaan xoolaha dhaqata oo ah dad ka duwan dadka reer magaalka ah sidoo kale waxay sheegtay in in mashruucaan uu yahay mid la doonayo in lagu ciribtiro cudurkaasi oo ay sheegtay in uu dhibaato weyn ku hayo xoolaha Soomaaliyeed, waxay kaloo ka hadlay xoghayaha guud ururka dhakhaatiirta xirfadleyda Gobalka Banaadir Axmed Taakow Xasan oo u mahadceliyey intii isku soo dubariday mashruucaan oo uu ku tilmaamay mid faa’iido weyn ugu jirta xoolaha dhaqatada soomaaliyeed oo iyagu dhibaato weyn ku qabay cudurkaasi, isagoo sheegay in mashruucaan lagu badbadi doono xoolo badan oo la il daran cudurka PPR.

Waxaa kale oo ka hadlay sarkaal ka socdy Hay’adda FOA Mudane Fanax oo u mahadceliyey ururka BANELPA oo uu sheegay in uu bulshada u hayo hawl aad u wanaagsan oo la xiriirta sidii xoolaha Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwo caafimaad qaba isla markaana xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ay yihin kuwo si aad ah ugu dhib qabay, wuxuuna u soo jeediyey hawlwadaneeda ka qaybgalayey mashruucaan in ay la yimaadaan hawl hufan.

Waxaa kaloo ka Hadley Marwo Shariifo oo ka socotey Mid ka mid ah Hayadaha ku howlan Caafimaadka Xoolaha waxayna sheegtey in Hayadooda ay aad ugu Faraxsan tahay Mashruucaan lagu Daweynayo Xoolaha ku nool Gobolka Banaadir iyo Agagaarkiisa waxayna u mahadcelisey Ururka Banelpa oo ay sheegtey in uu yahay Urur isku Xilqaamey Badbaadinta Xoolaha Soomaaliyeed

Ugu dambeyntii waxaa mashruucaan xariga ka jaray Agaasimha Waaxda Caafimadka, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane C/raxmaan Shariif oo u mahadceliyey intii isku hawshay fulinta mashruucan oo socon doona mudo bil ah, isagoo sheegay in wixii kale oo baahi ah oo jirta ay Dowladda Federaalka kala qaybqaadan doonto sidii loo badbaadin lahaa xoolaha Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.