Home » Warar »

UN: Shir wax looga qabanayo uunka oo sii kululaanaya

Xog haye guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegaya in shir hal maalin ah, oo laga yeeshay cimiladda is badaleysa uu dar dar cusub galiyey dadaalka wax loga qabanayo uunka sii kululanaya,

xoghayaha guud ee QM oo ka hadlayay ka hadlayey xeritaanka shirkaasi ayaa ku amaanay madaxda caalamka sida ay ugu duubteen wax ka qabashada cimiladda hadalkiisana waxaa ka mid ahaa waxaa uu yiri “ isbadelka cimiladda ayaa waxa ay qexeysaa caqabada waqtigan na heysata shirkan maanta waxaa uu tilmamay sida hogaamiyasha caalamka ay ugu go’an tahay in ay wax ka qabtaan caqabadaan” isla markaana lagu gaaro heshiis wax ku ool ah kullanka Copenhagen

Hogaamiyeyaal badan ayaa si qiiro leh u hadlay iyagoo ka wal walsan saameynta guracan ee cimiladda is badelaysa ay ku yeelanayso dalkooda oo mar horaba la arkay Mr. Ban oo soo koobaya ujeedooyinka ugu waaweyn ee laga filayo shirka soo socdo ee cimiladda ee Copenhagen ee la qabanayo bisha December ayaa waxa uu tilmaamay

Waxaa uu yiri heshiiska Copenhagen waxaa waajib ah inuu noqdo mid wax ku ool ah oo lagu xaqiiqsanayo sidii lagu dardar galin lahaa tilaabo lagu taageerayo dadka aadka u nugul iyo kuwa saboolka ah sidii ay uga samata bixi lahayeen saameynta ay ku yeelanayso is badelka cimiladu qodobka labaadna waxaa weeye
Bartilmaameedka dalalka warshadaha ku hor maray ay hoos ugu dhigayaan gaasaska hawada wasaqeeya, qodobka sadexaadna waxaa waaye talaaboyinka qarameed ee wax ku oolka ah ee dalalka horumaray ay ku geysanayaan tageerada muhiimka ah qodobka afaraadna waxa weeye in aad loo dar dar galiyo xaga dhaqaalaha iyo xaga technology-yada qodobka sharaadna waxaa weeye in la dhiso haykal maamul oo cadaalad ah

Xog hayaha guud ee QM Mr. Ban ayaa waxa uu sheegay in aragtida siyaasadeed ee had jirta ay aad u doorbideyso sidii heshiis lagu gaari lahaa, kulanka xiga ee lagu qabanayo dalka Denmark ee is badelka cimilada isagoo ka hadlaya markaana waxa uu yiri “ waxaa wadnaheyga aad u tabatay inaan ka maqlo madax badan iney diyaar u yihiin in ay ka gudbaan danahooda qarameed oo ay u gudbaan hogaan caalami waxaad balan qaadeen iney idinka go’naato ilaa iyo inta heshiis laga garayo shirka Copenhagen ugu dambeyntii
Xog hayaha guud ee QM Mr. Ban Ki-moon ayaa waxa uu xusuusiyey madaxda caalamka in si deg deg ah loogu baahan yahay in ay erayadooda u badalaan fal wuxu yiri “ erayadiina caalamka oo dhan ayaa maqlay waxaa loo baahan yahay in la arko ficilkiina waqti badan nooma harin wuxuu yiri fursada mas’uuliyadda looga baaqsanayo masiibo ka dhalata cimilada is badelaysa ayaa waxa ay tahay arin hada gacmahiina ku jirta

Waxaa soo tebiyey
Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.