Home » Warar »

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo Gaarey magaalada Baydhaba ee ay haystaan Gumeysiga Itoobiya

Iyo Sh. shariif oo u dhoofay Suudaan iyo C/lahi Axmed Caddow oo gaarey Xamar iyo Gaas oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika…

Guddoomiyihii hore ee ay xilka ka qaadeen Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan sh. Aaden, ayaa maanta (Axad Maarso 18, 2012) waxa uu gaarey magaalada Baydhaba oo ay dhawaanta qabsadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Si rasmi ah warbaahinta looguma sheegin ujeedada rasmiga ah ee uu guddoomiyihii hore u tegey magaalda ay haystaan ciidamada Itoobiyaanku. Waxayna ahayd Febraayo 22, 2012 marka ay ay ciidamada gumaysiga Itoobiya galeen magaalada Soomaaliyeed ee Baydhabo ayagoo ka soo tallaabay xad beenaadka.

Madaxweynaha DFKMG oo u dhoofay dalka Suudaan

Madaxweynaha Dawladda FKMG Sh. Shariif ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda dalka Suudaan.

Safarka Sh. Shariif ayaa warar laga helay xukuumadda KMG waxay sheegaan in uu ku saabsan yahay marti qaad uu ka helay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Cumar Al-bashiir ayaa raadinaya xulafaysi cusub oo ka dhan ah xukuumadaha Itoobiya iyo Kenya, kaddib markii ay labadaas dal xiriir is xulafaysi la yeesheen xukuumadda dhawaanta laga soo gooyey ee Koonfurta Suudaan, ayagoo Kenya iyo Itoobiya ay ku hawlan yihiin sidii shidaalka K/Suudaan loogu samayn lahaa khad laga dhoofiyo oo ah deked laga dhisayo magaalaada Lamu, oo ay dhawaan dhagax dhigeen Kibaki, Zenawi iyo Kiir.

Lama oga marti qaadka Al-bashiir u fididiyey Sheikh Shariif raadka uu ku yeelan doono xiriirka xukuumadda FKMG iyo labada dal ee Kenya-Itoobiyo oo ciidamadoodu ay haystaan qaybo kamid ah Soomaaliya.

Cabdullahi Axmed Caddow oo gaarey Muqdisho isagoo u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya

Maanta waxaa Muqdisho gaarey Cabdullahi Axmed Caddow isagoo laga soo xigtey in uu isu sharaxayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Safarka musharaxa uu ku yimid Muqdisho waxay ku soo beegmay xilli ay Baarlamaanka Soomaaliya isu diyaarinayaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la qabto bisha April 2012.


Warsaxaafadeedka hoose waxa uu ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Muqisho March 18, 2012——-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Mr. Alexder Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo ururkaasi Midowga Yurub oo kaalin mugleh ka qaata taageerada Dowladda.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Xafiiska ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada isaga oo xusay in Mr. Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanay inay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loom eel marin lahaa qorshaha Tubta Nabadda (Roudmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaaga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed xilliga kala guurka.

“Midowga Yurub waxaan ku ammaaneynaa taageerada ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waana taageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshe howleedka dowladda ee Roudmap” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale tilmaamay inay ka wadahadleen sidii ururku uga fulin lahaa dalka mashaariic kala duwan sida, Caafimaadka, Beeraha, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dib u dhiska.

Dhankiisa waxaa isna warbaahinta ka hadlay Mr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuu markii labaad muddo kooban booqasho ku yimaado Madaxtooyada Villa Somalia uuna wadahadalo miro dhal ah la qaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isula meel dhigeen.

“Waxaan ku faraxsanahay guulaha laga gaaray sugida Amniga ee caasimadda iyo dardargelinta howlaha Roudmap-ka, waxaana taageersanahay dhameystirka qorshe howleedka Roudmap-ka” ayuu yiri Mr. Rondes oo xusay in dowladda Soomaaliya ka sugayaan sidii ay u gaari laheyd dhamaamba gobolada dalka si looga bilaabo mashaariic horumarineed.

—-Dhamaad—-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.