Home » Maqaallo »

Xaalado Mushaar la,aan ah oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee AMISOM

Xaalad lacag la,aaneed oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee
AMISOM kuwaas oo aan wax mushaaro ah aysan garin mudo 5 bilood ah
inkasta oo ay gaareen goobo ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho .

Arinta mushahar la,aanta ah waxaa wax ka qorey wargeysyo reer galbeed ah
oo wax kala socdey xaalada dhaqaale ee heysata ciidamada midowga
Africa ee AMISOM waxaana arintaa u fududeeyey oo xiriir xaga
taleephonka ah qaar ka tirsan ciidamada mushaar li’ida ku dhacday
qeybta Uganda ee AMISOM.

Warkaan ayaa waxaa sii buunbuuniyey ilaa xaaladu cirka isku shareertay
xubnaha ehelada ciidamada joogo gudaha dalka Somaliya waxayna ku
doodeen in wiilashoodu aanay helin dhaqaalihii loogu talagalay ayna
soo wajahday xaalado dhaqaale waxayna gaarsiiyeen in wiilashoodu qadan
wax mushaaro ah mudo bilooyin ah.

Captain Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidamada howgalada somaliya ee
AMISOM ayaa wargeyska u sheegay in ciidamada mushaar ay qaataan ay ugu
danbeysay sanadkii hore bishiisii 11 aad
“Waxaan xaqiijinayaa in Ciidamadeenu aanay wax mushaar ah qaadan, ilaa
bishii November, xilligaas ka horna mushaar la’aan ayay ahaayeen muddo
shan bilood”ayuu yiri Paddy Ankunda oo la hadlay Wargeyska The
Observer.

Afhayeenka ayaa ku dooday in ciidmada gunadooda ay heli doonaan ka dib
marka uu kala hadlo madaxda AIMSOM balse uu qirey in ay ka maqan tahay
xuxuuqdooda lacageed.

Marka la eego hishiiska dhanka mushaaraadka ah ee uu qaadanayo askari
walba oo AMISOM ka tirsan ayaa ah $750 bil walba oo u dhiganta
(1million iyo sideed boqol oo shilin ) , waxana $100 oo lacagtaasi ka
mid ah askariga AMISOM ka tirsan lagu siiyaa gudaha Soomaaliya halka
haraagana loogu shubo banki ku yaala dalalkooda, si halkaasi ay uga
qaataan eheladooda , laakin askari ka mid ah AMISOM ayaa wargayskan u
sheegay in xaaskiisa ay la soo hadashay islamarkaana ay u sheegtay in
Accounka uu ahaa mid faaruq ah ilaa iyo bishii November ee sanadkii
tagay ee 2011.

Ciidamada amisom marka la eego wadamada ay ka yimaadeen waa kuwo
dhaqaale fiican ku heysta howsha nabad ilaalineed waxaana jira
shaqsiyaad ciidan u qorta si ay mar uun uga mid noqdaan ciidamada
AMISOM ee Muqdisho jooga si ay lacago ugu helaan qoysaaskooda shaqona
uga dhigtaan .

Arintaa ayaa ah mid soo noqnoqotay waxaana dhacada in xiliyada qaar
mushaar aan la siinin ciidamada midowga Africa ee AMISOM ,waxaana
jirta in ay qoysaskooda biilal u diraan kuwaas oo aan u dulqaadan
Karin lacag la,aanta soo wajahday ciidamada .

Somalisan@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
0699907666
0615576666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.