Home » Warar »

Xildhibaan Woosh “Waxaa Shirkadahu Kenya Heshiiska kula galeen waxaa ka mid ah Aagga loo yaqaan BLOCK L5, kaas oo Qiyaas ahaan 3900 Sq Km Gudaha ugu jira Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda-

Warbixin ay Jimacdii (Maarso 9, 2012) qortay Shabakadda Petroleum Africa, waxay muujisay in shirkadda Anadarko Petroleum Corp. ay sahamin ku samaysay qaybo ka mid ah Dhul badeedka Somaliya iyadoo shidaal baaris heshiis kula gashay Dowladda Kenya.

Qaybahaas ay shirkadahu Kenya heshiiska kula galeen waxaa ka mid ah aagga loo yaqaan BLOCK L5, kaas oo qiyaas ahaan 3900 Sq Km Gudaha ugu jira Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya. Arrintaas oo si waadax ah u muuqata in Kenya ay ku xad gudbeyso qarannimada ummadda Soomaaliyeed, ayaa haddana DFKMG waxay iska indha tireysaa arrintaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammniga Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdisamad Maxamuud Xasan oo Wabsetka Somalitalk wareysi gaar ah kula yeeshey Hotel Kempinski ee Caasimada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo la weydiiyey “dowladda Kenya waxay shidaal ka baareysaa qayb ka mid ah dalka Soomaaliya oo la yiraahdo Block L5, maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha gudaha soomaaliya, arrinkaas maxaad ka leedahay?” Wasiirku waxaa uu ku jawaabey “Run ahaantii arrinta aad sheegayso wali wax xog ah kama hayo, qaabkeedu wuxuu yahay aad ugama war qabo, waan maqlayey xoogaa warar is af-dhaafsan, laakiin wax xaqiiqo ah oo aan arrintaas ka hayo ma jiraan”.

Markii Wasiirka mar labaad la weydiiyey; Haddii uu jiro arrinkaas maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha gudaha maxaad ka leedahay?- Wuxuuna ku jawaabay “taasi waxay noqon doontaa, siyaasad guud oo dowladda soomaalida u taalo, wixii Dowladda Soomaaliya ka qaadato ayaan ku camal faleynaa, haddii Alle yiraahdo” ayuu jawaabta su’aasha ku soo koobay Cabdisamad Maxamuud Xasan.

Hadaba Mudanayaal Qorshayaasha la damacsan yahay ayey ka mid tahay ee aan horey qoraalkii kan ka horeeyey idiinkugu soo gudbiyey in,kheyraadka Shacabka Somaliyeed ay xaqa u leeyihin duulaan lagu yahay,loona baahan yahay in lagu baraarugo,\ la iskana kaashado sidii wax looga qaban lahaa arrintaa ay ku dhaqaaqday Dowladda Kenya,iyadoo weliba Ciidamadeedu ay ku jiraan gudaha Dalka Somaliya,BarlamaankaSomaliyeedna aan waxba lagala socodsiin soo gelista Ciidamada Dalka Kenya.

Wabilaahi Towfiiq
Hon. Maxamed Sh.Cali Axmed (Woosh)

AmIInYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.