Home » Warar »

Qaraxii ka dhacay Nairobi oo la sheegey in ay korordhey Khasaarihii ka dhashey Qaraxaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Nayroobi ee Dalka Kiinya ayaa sheegey in xalay fiidkii qarax nooca gacanta laga tuura ah in uu ka dhacay meel ay dadku ku badnaayeen.

Qaraxan ayaa inta la xaqiijiyay in tirada dadkii ku dhintey ay sii korordhey taasoo gaartey tirada dhimasha ilaa lix qof oo la sheegey in ay meel kaliya ku wada sugnaayeen iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa Soddomeeyo waxaa kale.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ahayd meel Boosteeja ah ayaa wararkii ugu horreeyay ee aynu halkaa ka helnay waxaa ay sheegayaan inuu gaystay Nin la socday gaari kaasoo Bamka ka soo tuuray gaariga gudihiisa dabeetana goobtii isaga cararay.

Sarkaal u hadlay Booliiska dalkaasi ayaa sheegey in iminka ay soconayaan baaritaano ku aaddan sidii loo soo ogaan lahaa cidddii qaraxaas ka danbeysey wallow warar hor u dhac ah oo boliisku soo gudbiyay ay ku sheegeen in qaraxaas ay ka danbeeyeen Xarakada Shabaab.Boliiska Magaalada Nayroobi ayaa weli wada baaritaano dheeraad ah si xaqiiqda ciddii ka dambeysey falkaas loo soo ogaado iyadoo saaraakiisha dawladda Kiinyana ay sheegeen in ayan marnaba is dhiibeyn oo dagaalka ay kula jiraan Xarakada Shabaab ay sii wadayaan.

Ma cadda illaa iyo iminka qaraxa xalay ka dhacay magaalada Nayroobi in ay ku jireen dadka ku waxyeeloobay Soomaali iyo in kale iyadoo tafasiisha ugu danbaysa ee goobaha caafimaadka laga sugayo caddeynta dadka ku waxyeeloobay qaraxaas xalay ka dhacay gudaha Kiinya.

Wararka ugu dambeeyey ayaa tibaaxay in ugu yaraan 70 qof ku dhaawcmeen qaraxaas.

Video:

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.