Home » Warar »

Ardayda Soomaaliyed ee waxkabarata wadanka Bangaladhesh oo Shahada sharaf gudoonsiiyay safiirka Dalka Turkiya ufadhiya Bangaladhesh, kulanna laqaatay

Waxaa maanta (Maarso 4, 2012) safaaradada dowlada Turkiya ee wadanka Bangaladhesh kulan aad iyo aad muhiim ahaa ku yeeshay guddi matalayay ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Bangaladhesh iyo safiirka dowlada Turkiya ee wadankan.

Kulankaaas oo muddo saacad ku dhawaad ah ka socday hoolka shirarka ee safaarada, intuu socday shirka ayaa waxay isla soo qaadeen xaaladaha ardayda Soomaliyed ee waxkabarata wadankan ayadoona gudiga ardayda soomaaliyed ay u gudbiyeen safiirka document ay ku xusnaayeen mahad celin balaaran ee ay u mahad celinayeen dowlada turkiya dadaalkii hagar la’aaneed ay lagarab istaageen umada soomaaliyeed iyo dhibaatoooyinka mararka qaar soo wajahda ardayda somaliyed ee waxkabarata wadankan.

Safiirka ayaa aad iyo aad ugu farxay booqashada kuna dhiira giliyay ardayda inuu isku dayi doono inta tabartiisa ah inuu waxkaqabto dhibaatooyinka mararka qaar soo wajaha ardayda uuna ku dadaali doono siduu u garab istaagi lahaa, asagoona gudoomay mahad celinti ay ardayda u wadeen umada turkiya gaar ahaana xukuumada turkiya.

Safiirka ayaa ka dhawaajiyay inay garab istaagnaan doonaan ummadda Soomaaliyed iyo ummadda islaamka guud ahaan, asagoona ardayda ku dhiira giliyay inay u dadaalaan wadankooda ayna isku dayaan inay wax u qabtaan wadankooda hooyo asagoona tusaala usoo qaatay in shaqsi kaliya uusan wax qaban Karin balse intii waxbaratay oo is kaashato ay waxqaban karaan waxna badali karaan.

Intaasi kadib ayaa ardaydii Soomaaliyeed waxay gudoon siiyeen safiirka shahaado sharaf ay ugu mahad celinayeen walalahood Turkiga dadaalki hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen walaalahood Soomaaliyed gaar ahaan xukuumada turkiya, shahaada sharafkaas oo uu safiirka si farxad ay ku dheehan tahay ugudoomay asagoona ugu mahad celiyay ardaydii.

Ugu danbayntii waxuu safiirka balan qaaday inuu waxkaqaban doono codsiyadii loosoo bandhigay intii uu awoodo dadaalkiisana uusan ka hagran doonin ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata wadankan Bangladhesh.

Waxaa soo tebiyey:
mohamed abdulaahi warsame

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ardayda Soomaaliyed ee waxkabarata wadanka Bangaladhesh oo Shahada sharaf gudoonsiiyay safiirka Dalka Turkiya ufadhiya Bangaladhesh, kulanna laqaatay "

  1. Wan idin salamay marka hore bahda somaliatalk wana ugu mahadcelina warbaxinta noo soo gudbiyen intas kabacdi waxan halkan ugu mahadcelina umada turkiga mel kasta ay jogan waxan leyahay meel waliba qof turkiya lagu arko haloo mahadceliyo

  2. warsame says:

    Dawlada Turkiga aa ah dawlad qadiim ah hada kahorna ka talin jirtay afrika asia iyo yurub, ayaa hada usoo gurmatay umada soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye aafeeyeen mudo 22 sanadood ah.

    Turkiga oo ogsoon shirqoolka siyaasadeed ee reer galbeed ku jaha wareerinayo umada soomaaliyeed ayaa tusay caalamka in dacaayada laga fidiyay soomaaliya ee reer galbeed ka fidiyay oo ah in soomaaliya aduunku aanu tagi karin oo ay tahay meel dadka lagu qasho oo hilibkooda lagu cuno. dacaayadaas waxaa beeniyay TURKIGA oo ka dagay mogdisho aduunkiina tusay xaqiiqda jirta taasoo caalamkii oo dhan layaabeen meeshaba waxa joogaa inay yihiin dad macaluul u dhimanaya oo gargaar aadaminimo u baahan.

    Waabeenoobay warkii reer galbeed ay soomaaliya ku godoomiyeen. dhab ahaana shabaab dadka madaxda u ah ee hogaanka u hayaa waa dad reer galbeed ah oo sirdoon ah si caalamka lootuso soomaaliya argagixiso aya joogta oo sidaas ayaan ciidamo ugaynay soomaaliya waa gabaad.

    Waxaa la hortaagan yahay si cadaan ah in soomaali ay iska qabato shabaab,iyo inay amaanka dalkooda soomaali soo ceshato waa la hortaagan yahay oo lama ogola. waxaa la diidan yahay in soomaali ciidan yeelato si ay dalkooda amaankiisa u hantaan. waxaana malaayiin doolaar lagu bixiyaa ciidamo lasoo kiraystay oo afrikaan ah oo aan garankarin rabitaanka reer galbeed ee afrika lagu adoonsanayo waana ceeb in qarnigaan ninkii madoobaa wali la raranayo oo cadaan u adeegayo isagoo waliba dawlad sheeganaya.

    Ciidamada lasoo kiraystay ee afrikaanka ah ee cadaanka u shaqaynaya ayaa lagu gaarayaa danaha gumaysi ee lala rabo laguna hayo umada soomaaliyeed. waxaa laga dheereeyay umada soomaaliyeed hanaan dawladnimo hadaad u fiirsataan dalkana ciidan waa lood iiday.

    sababtoo ah nin ujeedadiisu tahay in uu adiga kaa dhigo shacab oo adiga raba in uu ku qabsado kuuma dhisayo ciidan madama waxa larabaa uu adiga yahay u jeedaduna tahay in lagu gumaysto oo lagu bahdilo kadibna khayraadka dalkaaga adoo u jeeda la qaato dalkana lasoo dago adoo aan waxba ka orankarin heerkaas ayaa lagula rabaa sidaas ayaa loo diidan yahay ciidan qaran oo soomaaliyeed-

    Waxaa kale oo la diiday in TURKI ciidan keeno soomaaliya oo nabadeeyo waxa uu turkigu diyaar u yahay in uu dib u dhiso una qalabeeyo ciidan soomaaliyeed laakiin waa ladiiday madaxda hada joogtana way diideen madama ay reer galbeed u shaqeeyaan markaa turki xoog kumalaha hadii madaxdii soomaaliyeed diideen in turki ciidan keeno xoog kuma uu keeni karo dhibtu wataa. reer galbeed dalkeena waxa uu ugu marmarsanayaa waa alshabaab oo ah urur uu maalgaliyo oo uu wado.

    Dadka soomaaliyeed waa in ay dareemaan dhagarta reer galbeed oo ah cadaw kala qabyiya umada soomaaliyeed iyo afrikaba oo khayaadkooda duulan ku ah kana qaata ama xoog ama xeel. soomaalidu ha u codeeyaan baarlamaan ahaan in dalkooda ay ka baxaan ciidamada amisom markaa gaalo waa fashilmaysaa,ama ha u codeeyaan in ciidamo carab iyo turki ah soo galaan soomaaliya oo nabada wax ka dhaliyaan maha uun colooshood u shaqaystayaasha afrikaanka ah ee jooga soomaaliya, arintaan reer galbeed sidi laysaga celin lahaa waa baarlamaanka oo codeeya aduunyada xoog majiro hadaad codaysaan dalka inagaa leh markaa lagu qasbimaayo hadii lagu qasbana waa gumaysi cad oo toos ah taasna aduunyada kama shaqaynayso dad la qasbo maanta.

  3. Xujaale says:

    In Shacabka iyo dowlada Turkiga loo mahadceliyo waa wax aad u fiican, balse Somaliyeey iska ilaasha in dano gaar ah oo wajiyo badan ah Turkida ula tagtaan, taasoo berito keeni karta in somali oo dhan albaabka laga xirto markey arkaan is dhexyaaciina iyo danta farabadan ee loola tagaayo safaarada iyo hay’ada turkiga sida dad ay hadda ka wadaan gudaha turkiga iyo qaar ka mid ah safaaradaha turkiga ee dibada.

    Danteena iyo mahadcelinteenu ha noqoto kaliya saleysan dadka iyo dalka soomaaliyeed oo kaliya.