Home » Maqaallo »

Qaylada armey Shariif Xasan ka weyn tahey | Deeq

Qaylada armey Shariif Xasan ka weyn tahey!

Waxaan la yaabey dadka qaar, marka hawluhu u socdaan sida ay jecel yihiin, kan dadka ugu dhaliisha badan agtooda waa ka awliyo Alle , marka sida aysan naftoodu rabin ay wax ku socdaana si aan ka fiirsi laheyn ayey udbahooda u soo qaataan, waxeyna afarta dhinac u firdhiyaan hoog iyo ba’ wixii calooshooda ku jira, ayagoo si isku duub ah, iyo si kali kali ah weerar ugu qaada cidda markaas ay is yiraahdaan danahiina ayey hortaagan tahey, ama carqalad ayey idin ku yihiin.

Waxaa middaas la mid ah, dagaalka qaraar ee ku socda Wasiirka Maaliyadda ahna R/wasaare kxg mudane Shariif Xasan, iyo kan aan ka dhicin ee isna ku foorara Wasiirka Kalluumeysiga ahna R/W kxg koowaad Mudane: Proff.Ibbi, oo aan qiyaasayo labada qorshe dagaal in isku hal meel laga soo hurinayo laakin qaabka tacbiirka hadalka iyo xujooyinka loo daliilsanayo ay kala duwan yihiin iyo waliba dadka loo adeegsanayo in ay ka qeyb galaan la dagaalanka shakhsiyaadkaas.

Waxaan aaminsanahey maanta waxey taagan tahey labadaan mas’uul, laakin mar aan dheereyn waxaa liiska lagu soo dari doonaa kuwo kale oo fara badan oo ayaguna la marsiin doona wadada kuwaani mareen, iyo waliba madaxweynaha oo ay muuqato inuu noqon doono taargetka dhow ee kooxahaan danleyda ah ay weerari doonaan, waayo waxaa dawladda ku adag oo aan u laqmi kareyn in laga hago awaamiirteeda iyo go’aanadeeda maamul goboleedka Puntland .taasna waxey keeni doontaa in taageerayaasha maamulkaas iyo maamulkuba ay soo saaraan liis ay ku taxan yihiin dadka ugu jira Black list-ha Puntland, kuwaasoo loo aqoonsan doono cadowga P/land isla markaas dacaayado iyo fadeexeyn raqiis ah lagu furi doono, sida hadda ku bilaabatey Shariif Xasan iyo Prof.Ibbi.

Mar kaliya ayaa waxaa af labdiis yeerey bogogga afka puntland ku hadla, ayagoo banaanka soo dhigaya ceebo gacan ku sameys ah oo ka dhan ah Proff.Ibbi, ayadoo ujeedka ka danbeeyana uu yahey xoogaaga burcad badeeda laga shaqshaqanayo anaga reer p/land ah ayey nagu wanaagsan tahey, Proff-kuna waa nin daacad ahe wuxuu leeyahey ha idinku filnaanto xoogaaga aad madax furashada uga qaadataan maraakiibta lagu afduubo xeebaha P/land ee wiilashiina aad u dirsateen, dadkaan heysta Proff-ka ayaan maalina ka hadlin qabsashadii xabashidu ay qabsatey Soomaaliya waayo adeerkood ayaa horkacayey, laakin maantey waxey si cod dheer uga hadlayaan saxiixii badda, saxiixii Jabuuti, waxeyna cuskanayaan saxiix kale oo dhankooda faa’ido ugu jirto oo ah kii Gaalkacyo, waxey leeyihiin kuwa aan maslaxaddu noogu jirin waa xun yihiin laakin kan anaga xaqa dheeriga na siinaya waa lama taabtaan. Jawaabta aan ka bixiyey hadaladaas dacaayadda ah ee makarafoonka bateri la’aanta ah ay ku baahinayaan kooaxahaas waxaan ku qorey bogagga qaar cinwaan oranaya “ Ma Burcadland baa! Mise waa Puntland? Qofkii rabaana halkaas ayuu ka daalacan karayaa.

Haddii aan kalimado kooban ku cabiro nuxurka hadalkeyga ma jiro ruuxaan laheyn ceebo, laakin waxaa xun in ujeedooyin hooseeya laga leeyahey soo bandhigidda ceebahaas, isla markaana dadka la isugu muujiyo in la iftiiminayo xaqiiq jirta, taas oo ah mid laba wajiilanimo iyo munaafaqeyn dhabarka ku heysa.

Sida aan kor ku xusey liiska u eedeysanayaasha Puntland iyo taageerayaasheeda waa soo kordhayaa maalinba maalinka ka danbeeya, waxaa hadda lagu soo dhex tuurey Shariif Xasan oo ah nin karmeed karti iyo caqli badan ilaahey ku manneystey, laakin Shariifka waxaa laga soo galey xagal kale oo ka duwan tii Proff Ibbi looga yimid, waa dhanka Baarlamaanka, oo xubno uu ka mid yahey Mawliid Macaane (oo ku soo caanbaxey sanidihii u danbeeyey in uu ka mid yahey shaqaalaha maamulka Puntland u jooga K/Soomaliya) iyo kuwa kale oo si hoose ay u soo abaabuleen xubno ka tirsan kuwa ka soo jeeda Puntland oo baarlamaanka ku jira ayaa ayaguna birqalax ka daba yeeriyey Shariif Xasan, qoraal la soo xardhey oo aad moodid midka maxkamadaha laga hor aqriyo oo qodobeysan oo lambareysan ayey saxaafadda u soo bandhigeen, kaasoo shariifka ku eedeeyey arimo la yaab leh sida:

Khilaafkii asaga C/hi Yuusuf dhex marey inuu ku qaldanaa
Imaanshihiisii Xamar iyo nabad raadintiisii inuu ku eedeysan yahey
Isbaheysiga Asmara inuu ku biiro in ay khalad aheyd
In uu nabadda iyo wadahadalka qaato in ay aheyd arin foolxumo ah
Inuu mansabkiisa ku shaqeeyo oo uu heshiisyo dawladdu la og tahey uu soo galo in ay tahey arin uusan xaq u laheyn

Waxey ku eedeeyeen lacag ay sheegeen in Sudán lagu sameynayo inuu ka danbeeyo, ayagoo og lacagaha xaashiyaha Foorjariga ah ee dalka laga isticmaalo hadda in warshadaheedii yaallaan P/land oo halkaas lagu soo sameeyo, Shariif xasana aysan aheyn inuu faragashado arinkaas.
Iyo ugu danbeyn inuu diidan yahey heshiiska Gaalkacyo.

Si kasta oo ay kooxahaani madaxa geedaha ula dhaceen waxey ka fursan waayeen in qodobka biya dhaca ah u soo daadagaan waana midka lixaad iyo kan todobaad oo dhamaan qodobada kale ay yihiin marmarsiiyo iyo hadal qurxin waayo labada danbe kaligood afka laguma balaarin karo, oo waxey manca ku hayaan in hadda turubkii la wada bartey, ayagoo waliba u digey madaxweynaha, una ekeysiiyey arinka haddii lagu sii adkeysto inaan Punland sadbursiga ay dooneyso loo sameyn, in dawladdii KMG aheyd ay burbureyso.

Xadiith ayaa wuxuu oranayaa “ haddii aadan xishooneyn waxaad doonto samee”, maamul haddey noqon laheyd, kuwa qormooyinka sameeya, iyo kuwii xildhibaanada ahaa intuba waxey u soo tafaxeynteen raadinta danaha hal deegaan oo Somalia ka mid ah uu leeyahey, ayagoo iska indha tiraaya dalkaan iyo maamulkaan in uu yahey mid dadkoo dhan ka dhexeeya, sida qolo gaar ahí ay wax u dooneyso kuwa kalena ay wax u doonayaan, suurtagalna ayasan noqoneyn in hal meel loo wada gacan galiyo xuquuda inta kale leedahey.

Aan u soo daadego hadalkeyga, Shariif Xasan khalad wuu yeelan karaa oo ma oranayo danbi ma lahan, sidoo kalena ma oran karo waa danbiile mar haddii aanan hayn caddeymo sax ah oo meesha ku haboon lagu soo bandhigayo, waxaana aaminsanahey waxaa la xisaabtami kara golayaasha dawlada ee caqli gal ma noqoneyso in la saaro maxkamad qabiil oo iska xukunta waxey doonto, isaga hadaaqda hadalo xambaarsan naceyb iyo kaarar ka gobid, waxaanse hubaa in dad badani ku necbaadeen ninkaas odoyga ah (anigoo ixtiraamaya ra’yigooda) booska weyn ee uu joogo iyo kalsoonida badan ee uu ka heysto madaxweynaha oo ay yihiin laba nin oo halgan dheer isla soo marey, aysana suutagal aheyn in si fudud ay ku kala furtaan.

Kooxdii xilmadhibaanada aheyd ee shirka jaraa’id qabatey, oo ay iska muuqatey hadafka ay ku shaqeynayeen iyo cidda qoraalada u soo diyaarisey, waxey fahmi waayey qoraalka ay saxaafadda ka hor aqrinayaan in ay iska fiiriyaan waxa uu xambaarsan yahey, ee ninkii ay rabeen in ay ceebeeyaan ku hor faaniyey saxaafadda soona tiriyey wanaaggiisii mudadii uu xilalka kala duwan hayey, inkastoo ay ku jireen qodobo xadgudub been abuur ah sida lacag ayuu qasnaddiisa ku shubtey … iwm.

Hadaba waxaan qabaa in xildhibaanadaan oo arimo dawladda dhexdeeda la rabey in looga hadlo haddii ay mas’uul wax ka tirsanayaan, inta ay ka tan badatey naceybkooda shakhsiga ku saleysan iyo baadigoobkooda xaq aysan laheyn waxey kala garan waayeen waxa ay sheegayaan ma Shariif Xasan ayer wax ka sheegayaan mise waaba ku faaninayaan, waxey ixrtiraami waayeen dastuurka baarlamaanka oo ay aheyd waxey tabanayaan in ay u gudbiyaan guddoonka baarlamaanka, ee aysan aheyn in saxaafadda laga hor aqriyo dacaayad la soo dhoodhoobey, taasna ay noqoneyso in kooxdaan xildhibaanada lagula xisaabtamo ku tumashada nidaamka baarlamaanka. Waxey ku eedeynayaan Mas’uul inuu garab marey nadaamkii dawladda ayagiibaana sidaas nidaamka ugu xadgudbaya waayo waxey fulinayaan fariimo uga soo dhacaya dhanka P/land oo la doonayo in khalkhal lagu galiyo habsami u socodka hawlaha dawladda, ama la doonayo in lagu burburiyo dawladda midnimo qaran si maamulkaasi uu ugu gacan banaanaado dhaqangelinta qorshayaashiisa maldahan.

Gabagabadii qormadeyda dadka dhaliilsan Shariif Xasan waa badan yihiin, qaarkoodna wax wanaajin ayey ka tahey laakin qaar kale ayaa ka ugaarsanaya biyaha calowga ah dhexdooda, kuwaan danbe ayey jawaabteydu ku socotaa, ayagoo ugu soo gabanaya cinwaano kale iyo beenabuur sida kuwa xildhibaanada sheeganaya waxey la hor yimadeen saxaafadda, ayagoo doonayo in ay ku jilciyaan oo uu u soo dabco cadaadiskooda ka dibna uu u fuliyo danaha gaarka ah ee ay leeyihiin, taasoo ka fog anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan, sidaas awgeed waxaan soo jeedin lahaa inaan loogu kaalmeyn kooxahaas in dacaayadahooda lala qaadqaado oo aad noqotid ruux dagaal qolo kale ka macaasheyso ku jira.

DEEQ MAXAMED AXMED

Qaranimo2009@yahoo.com

Muqdisho

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.