Home » Warar »

Ciidamada Itoobiya oo 20 Gaari Xamuul ah oo ay leeyihiin Dad Shacab ah oo Soomaali ah ka Qafaashay Deegaanka Doolow

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya eek u sugan qaybo ka mid ah gobalkaasi ay halkaasi ka qafaasheen ilaa iyo 20 gaari oo kuwa xamuulka ah oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed, waxaana gawaaridaasi lagu xareeyey saldhiga degmada Doolow, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qafaalashada gawaaridaasi, Qaar waxay sheegayaan in gawaaridaasi lagu soo daabuli doono Ciidamo Itoobiyaan ah oo la filayo in ay soo galaan Gobalka Gedo, warar kale ayaa tilmaamaya in gawaaridaasi ciidamada Itoobiya ka shakiyeen.

Mid ka mid ah Darawalada Gawaaridaasi ayaa wuxuu sheegay in arrintaani aysan aheyn markii ugu horeysay ee ciidamada Itoobiya qafaashaan gawaarida waaweyn ee Soomaalida Leedahay isagoo sheegay in ay horey u dhacday, isla markaana gawaarida xamuulka ah ay ciidamada Itoobiya qafaashaan kadibna u isticmaalaan soo daadgureynta ciidankooda, wuxuuna sheegay in gawaaradaasi mudo dhowr bilood ah la haysto, wuxuuna intaasi sii raaciyey “Waxaa la yaab leh in dowlad dhan oo la doonayo in ay gawaaridu milatariga ah u dhameystiran yihiin balse shacabka mar walba ku dhibaateeya qafaalashada gawaarida”.

Warar goor dhow naga soo gaaray Gedo ayaa sheegaya in isgaarsiintii gobalkaasi ay hawada ka maqan tahay iyadoo halka lagu magacaabo Bohol Bashiir oo u dhow degmada Luuq uu ka bilowday dagaal aad u qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Kenya oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka iyo Xarakada Alshabaab, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo deegaankaasi uu dhowr jeer ku soo noqonoqdeen dagaalada ka dhacay gobalka Gedo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.