Shirkii Wada Tashiga Soomaalida wejigiisa Labaad ee haatan ka soconaya Magaalada Garoowe ee magaala madaxda Maamulka Pont Land ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo.Af hayeenka Maamulka PuntLand Axmed Cumar Libaax Joorax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in shirka aan wax heshiis ah laga gaarin isagoona arrintaa ku tilmaamay is garasho la’aan soo kala dhex gashay Ergadii Shirka ka qayb galaysey.
Af hayeenka ayaa sababta is af garan waaga ku sheegey iyadoo qolo waliba ay doonayso in ay soo xusho Gudiga qaban qaabada Doorashada iyo arrimaha Dastuurka.Joorax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ergpooyinka ka soo qayb galay shirkaasi ay ka mid yihiin Maamulada Gal Mudug, Pont Land iyo Ahlu sunna iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya taasoo uu sheegey in qolo waliba ay iyadu u xaglinayso in iyaga looga danbeeyo arrimaha maamulka Shirka.Ugu danabayntii ayuu sheegey Axmed Cumar in shirka la filayo in maanta uu soo dhamaado iyadoo Xiritaankiisana ay ka qayb galayaan Mas’uuliyiintii goob joogga ahayd.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa la sheegey in ay ka qayb gali doonaan Xiritaanka Shirkaas isagoona saacadaha soo socda ka duulaya Magaalada Muqdisho.Waxaa kaloo Maalintii shalay soo gaaray Magaalada garoowe wafddi ka socday Xukuumadda Jabuuti oo uu hoggaaminyaya Wasiirka Cadaaladda iyo Awqaafta si ay uga qayb galaan Xiritaanka Shirka oo maanta lagu wado in Munaasibaddiisa ay ka dhacdo Magaalada garoowe.
waxaan la garanayn natiijada Rasmiga ah ee shirkaasi ka soo bixi doonta iyo waxa ay ku heshiin doonaan Ergada haatanba arrimaha isku maan dhafsan walow uu goobta ku sugan yahay Ergayga Qaramada midoobay ee Soomaaliya Mahiigga kaasoo laga yaabo inuu cadaadis ku saaro Ergada in ay qaataan Mowqif keliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Aad ayaan u dhiiri galinayaa in dib laysu waydiiyo si miyir leh dagaalada sokeeye ee soomaaliya inta ay socdaan ilaahada yaan is orankaraa shisheeyaha way buun buuninayaan oo sii shidayaan dhibta soomaaliya taal?
Soow inoo ma cadaan in dalkeenu leeyahay shidaal aad ufarabadan? soow ma orankaro markaynu jilicnay oo baabanay ayaa ninkii inoogabanaa soo ifbaxay oo banaanka iskeenay oo yiri hadaan dawlad u dhisayaa kaasoo ah kuwii dalkeena kala qaybsaday 1884 baarliin kii u waynaa.
Ma iswaydiiseen soomaaliyeey inagoo ah dad isku af ah isku diin ah wada dhalanay oo haldal inaga dhaxeeyo waxa laynoogu qasbayo fadaraal? soow macnuhu maha in laynakala qoqobo oo reerba geed lagu xiro oo markaa shidaalka dalkeena ceegaaga aydoon cid yac dhihi kartaa jirin layska gurto si sifahaas loo gaarana soow inta layna baabi iyay hadana fadaraal laynooma bixin oo macnuhu yahay ceelkaan baaro oo soo saaro shidaalkiisa cida dagtaa leh hadii nin soomaaliyeed ka hadlana soow la oran maayo meeshu waa fadaraal ku ekoow goofkaaga??
soomaalidu ma fahmin miyaa waxa ingiriis ka wado fadaraal? soomaali sidee ugu baahantahay fadaraal maxaa loo abuurayaa baahi aan jirin oo soomaali u baahneeynba? waa ayaan daro.waxaa yaableh umadii soomaaliyeed oo daawanaysa madax aan u hadayn danta dadka iyo dalka soomaaliyeed oo macnahoodii oo dhan noqday jago iyo lacag iyagoon fahan sanayn jagada iyo lacagtaba in reer galbeed ka tuurayaan sidii sadam oo ay mudo usacibin jireen iyo qadaafi iyo xusni mubaarak bal ii sheegay nimankaa xaalkooda? yaa madax ka dhigay? yaa hubka siin jiray? yaa dulmiga ku taageeri jiray? markii danbana yaa dhulka ku jiid jiiday oo caruurta iyo dumarka hilbahooda u waray? ragaa reer galbeed yay ka jeclaayeen bal iisheega?
Hada ma cidbaa soomaaliya dadkeeda wax ku falaysa shidaal baa larabaaye oo waliba inta layna wareeriyay laynaga dhacayaa inagoo wareersan ee ma waxkalaa meesha jira?
dib haloo xisaabtamo soomaaliyeey iska daaya dhexdiina is nacaybka doqonimada ah noqda wadani iyo nin dalka iyo dadka dhaaf sanaya jago iyo lacag waa in sidaa lookala baxaa nina qabiil haku raacina.