Home » Warar »

Qaar ka mid ah Ergadii ka qayb Galaysey Shirka Garoowe Labaad oo Maanta Shirka Isaga baxay

Waxaa maalintii Labaad Gagaalada Garoowe ee Xarunta Pont Land ka soconayaa Shirkii wada tashiga Soomaalida wajigiisa Labaad.Shirkan oo ay ka qayb galayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Gal Mudug, PuntLand , Ahlu sunna iyo Beesha Caalamka ayaa wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in Shirka Maanta Madashiisa ay isaga baxeen Guddiga Dib u Habeynta Dastuurka iyo maamulka la magac baxaya Gal Mudug State kuwaasoo iminka shirka dibad joog ka ah.

Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya in sababta Guddiga Dib u habeynta dastuurku shirkaa uga baxeen in ay tahay iyagoo ka carooday Guddi kale oo sida la sheegey arrimaha dastuurka ah oo dibadaha laga keenay.Warku waxaa uu intaa ku daray in maamulka Gal Mudugna ay ka Caroodeen hanaanka awood qaybsiga oo ugu muuqday mid aan u cuntamayn iyadoo caro ay taa ka caroodeen darteeda ay isaga soo baxeen madasha Shirka.

Ma jiraan illaa iyo iminka wax isku day ah ama tallaabo loo qaaday sidii ergadaas shirka ka baxday dib loogu soo celin lahaa waxaana wararku sheegayaan in shirku weli uu soconayo.Shirkan Soomaalida ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Mahiga oo isagu ah Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaasoo sheedda kala socda sida uu shirkaas u soconayo.

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hore shirkaas uga hadlay ayaa sheegey in shirkan uu daba joogo Shirkii Garoowe One isla markaana lagu turxaan bixinayo wixii dhaliila ah ee ka jira shirkan shirkii ka horeeyay isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in ay ka soo baxayaan tallaabooyin wax ku ool ah.

xubno ka tirsan Baarlamanka ayaa hore u qaadacay shirkan iyo natiijada ka soo baxda iyagoona sheegey in aan la soo marsiin barlamanka sidaa darteedna waxa ka soo baxa ayan iyagu marnaba ansixin dooniniyadoo maalintii shaley ahayd Shir ay isgu yimaadaan Garabka Madoobe Nuunow ayaa Cod Aqlibiyad ku ansaxiyey in aysan marnaba aqoonsan doonin Shirka Garoowe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qaar ka mid ah Ergadii ka qayb Galaysey Shirka Garoowe Labaad oo Maanta Shirka Isaga baxay "

  1. Bashiir PB says:

    shirka Growe2 waxaan oran karaa waa guul hadiiba somali isu imaanayso oo wada hadlayso,
    waxaan ka soo horjeedaa shir kasta oo dalka dibadiisa lagu qabto, sababtuna waxaa weeye waan wax kasoo baxayn, wixii kasoo baxana waa somali lugooyadeed, marka waxan leeyahay somaliyeey intaan la idiin talin tashada oo heshiiya,

  2. sida aan ka dhanansaday shirka Garoowe wuxuu yahay mid wada tashi laakiin dhib aan nmarna laga baxayn ayaa na haysta oo ah in mar walba koox amd qolo laga soo tago, waxaan idin waydiinayaa Soomaaliya ma cid laga maarmaa jirta mise talada dalkaan intaan ayaa ku filan inay go;aan u gaaraan(Dawladda Federaalka Soomaaliya, Gal Mudug, PuntLand , Ahlu sunna iyo Beesha Caalamka).
    Waxaanana fahmin waa maxay sababta kolba in yar intay qol isugu soo xirta ay hadanba u sheegaytaa in taladii hayaan.
    Soomaaliya cidna lagama maarmo, 21 sano waa waqti dheer sow caqli iyo garasho ooma kororto.
    Shrika Garoowe lugooye kale dheh.