Home » Maqaallo »

ONLF iyo TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska Afrika ? | Gundiid

ONLF iyo TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska Afrika ?

Waaxaa hubanti ah in Geeska Afrika ay ku loolamayaan xoogagga ONLF iyo ururka haya talada wadnka Itoobiya ee TPLF.istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha labadaasi urur ay kawada duulayaan ayaa waxaa la odhan karaa midba kan kale waxa uu kuyahay liddi.

Tan iyo intii ay TPLF ay gacanka ku dhigtay talada wadanka Itoobiya waxaa jiray muraayad gooni ah oo ay eegto jabhadda ONLF ee matasha dhulka Ogaadeenya,si hadaba ay TPLF uga takhalusto ONLF, sandihii sagaashanaadkii iyo horaantii labo-kunaadkii waxa ay adeegsatay qab-qanlayaashi Soomaaliyeed oo xiliyaasi mid waliba uu raalli galintii ugu waynayd usameeyay Itoobiya, si midba midka kale uu ugaga dheereeyo TPLF.Dhulka Soomaalidii xorta ahaan jirtay badankiisna waxa uu noqday meel aad loogu ugaadhasado dadka kasoo jeedo dhulka Ogaadeenya oo iyadoo aan shacab iyo jabhadtoona loo kala eegin loogu gacan galiyay cadawgoodii iyagoo garbaduuban.

Hase ahaatee talaabooyinkaas oo dhami markii ay wax guul ah ka keeni waayeen Tigreegu isla markaana uu halganku maalin walba kor usii kacay ayaa Tigreegu waxa ay qaateen istaraatijiyadii ugu dambaysay oo ahayd in gabi ahaanba ay gacanta ku dhigaan magaalo madaxda Soomaaliyeed ee Muqdishi,iyagoo markaas filayay in ay tahay meesha ONLF ay kasoo duusho,amaba in qabashadeedu quusiso cid kasta oo ay kujirto ruux Soomaaliyeed oo xalaal ahi.dhanka janbhadda ONLF taas lidigeed go’aaan ah ayay qaadatay waxa ayna gashay dagaaladii ugu waawaynaa oo ladhihi karo waxay dib usoo nooleyeen mooraalkii iyo yididiiladii Soomaaliyeed ee dhulka tagtay markay Tigreegu qabsadeen Muqdisho.

Dadaba hadaan usoo daadago nuxurka qormadan Itoobiya waxaa ka go’an in ay mar uun aragto amaba ku guulaysato Jamhuuriyaddii xorta ahayd ee Soomaaliyeed oo noqota:-
· Banaadir land
· Jubba land
· Puntland
· Somaliland
· Southwest land
Oo dhamaantood ay maamusho Itoobiya,xebohoodana siiday rabto kayesho, waa arinta sida dhabta ah uga go’an ruux kasta oo Itoobiyaan ah,waana hamiga dhabta ah ee ay iska dhaxlayeen xukuumadii badnaa ee isga dambeeyay Itoobiya,taasna waxaa markhaati fur u ah,Malase iyo Minguiste oo aynu ognahay colaadda ka dhexaysa ayaa markii Tigreegu ay qabsadeen Muqdisho waxa uu Mingista usoo hambalyeeyay Malase oo uu kuyidhi (waxaad Itoobiya usoo hoyisay guul taariikhi ah oo hortaa ayna cidina samaynin,waxaad rumaysay riyadii Itoobiya), akhristoow waxaa halkaas kaaga cadaatay iyo Mingiste iyo Malse ay jirto wax ka dhexeeya oo ay wada ilaashanayaan,taasoo ah jiritaanaka Itoobiya iyo qabsashad Soomaaliya mar uun.

Hadaba ONLF oo haysata khibrado badan oo ay kasoo dhaxashay halgamadii hore isla markaana aad ugu baraarugsan caqabadihii naafin jiray halgamada ayaa waxa ay daraasad dheer kusamaysay qoomiyadaha Itoobiya oo 80% ah dad qasab lagaga dhigay Itoobiyaan,xilgan hadda la joogana kujira gumaysigii ugu xumaa oo ayna cidina ka warqabin,waxaa kale oo ONLF ay daraasad ku samaysay in Itoobiyaanimadu ayna ahayd aalad tiir culus ku taagan hadii lahelo ciddii fahmi lahayd.Sidaas daraaded waxay ONLF xoogga saartay sidii ay xidhiidh joogta ah ula yeelan lahayd ururada Itoobiyaanka ah ee ka jira Itoobiya,isla markaana fakir midaysan ay uga wada qaadan lahaayeen in jiritaanka Itooya uu yahay mid uhiilinaya dadka asal Abasiniyiinta ah ee daggan dhulka (high lands) ka ah,waa Tigreega iyo Axmaarada e,laguna hadimeeyo dadka kale.
Hadaba ONLF waxa iyadana ka go’an oo Himiladeedu yahay in lawaayo wax layidhaahdo Itoobiya,oo dadka Itoobiyaanka lagu sheegaayi ay noqdaan:-

· Oromo land
· Ogaden land
· Southern land
· Amara land
· Afar land
· Tigree Land

Markaas in Geeska Afrika ay ka dhashaan dawlado walaalo ah oo ay Minority kuyihiin Tigreega iyo Axmaaradu, ayna awoodda ugu saraysa leeyihiin dadka Kushitka ah (Oromo,Somali,Canfar iyo Sidaamo),halkaasna ay kuhadho faragalinta joogtada ah ee ay Itoobiya kuhayso jamhuuriyadda Soomaaliya,oo markaas wadanigii Soomaaliyeed uu helo fursad uu dalkiisa ugu xasilin karo dawladna ugu sameeyo.

Akhristoow waxaa laga yaabaa sidan faalada qormadu sheegayso in ay kufarax galiso hadana aad naftaada kula showrto in waxani yahay Cali-katiin (waxaan dhici Karin),waxaan hadaba kuusheegi labada istaraatijiyadood ee ay Itoobiya iyo ONLf ay kala wataan in ay ka ifafaalo dhow dahay ama ay muuqataba tan ONLF,waayo waxaa marag madoonta in maanta xoogga ugu wayn ee Itoobiya udbeheeda shidanaya uu yahay kan ONLF,dhamaan ururadii mucaaradka ahaa ee Itoobiyana ay iyada kudaba fayshan yihiin,taasi miyayna ahayn guul usoo hoayatay Umadda Soomaaliyeed?, miyayna Itoobiyaanimadii maanta ahayn midda xataa reer Galbeedkii ay badbaadin la’yihiin?.

Hadaan waxyar ka taabano saadaasha sii jiritaanka Itoobiya,qabiilkan maanta lada wadanka haya waa qabiilkii Itoobiya kala diri lahaa,waayo masii hayn karaan xukunka intan ka badan oo waa dad laga tira badan yahay,isla markaana qoomiyadihii Itoobiya oo dhanna ay mucaarad kuwada yihiin,marka xalka kaliya ee ay haystaan waa qodobka iyaga kaliya ugu yaala tastuurka ee 39-aad in ay meel mariyaan,taasoo waliba laga yaabo in ayna ku nabad galin hadii ayna samaynin si sidaas ka balaadhan.

Iskusoo wada duuboo loolankaa dheer ee udhexeeya labadan urur oo ay ku baraarugsan yihiin Itoobiyaanku ayayna Soomaali badani aynaba dhooroofsanayn,waxaa aad loo saadaalinayaa in qrniga 21-aad u noqon doono qarnigii jograafiga cusub ee Geeska Afrika.

Moktar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " ONLF iyo TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska Afrika ? | Gundiid "

  1. khadar says:

    Qormadaan waa qormo ku salaysan xaalada Ka jirto Geeska afrika waana sida RUnta ah
    Gundiid aqoon yahan ayaad tahay wax baro

  2. sxb waa qormo i farxad galisay runtii waxayna nokhon laheeyd a (dream come true)
    oo ay ku hamin jireen awoowyaashana (ahmed gureey ,nur ibnu mijaahid, sayid mohamed,c/rashiid and mohamed siyaa barre iyo inta iimaan,oday dhakhameed, garaado,suldaano, ugaasyo soo maray dhulkaas soomaaliyed,illahoow nolol nagu tus great soamli nation oo 1 wada ah..aamiin.somali ha israacdo