Home » Warar »

Laba Sarkaal oo ka tirsan Xarunta Madaxtooyadda oo Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Warar aan ka heley Xubno ka shaqeeya Xarunta Madaxtooyada Filla Soomaaliya ayaa noo Xaqiijiyey in Laba Sarkaal oo Madax ka ahaa Xarunta Madaxtooyadda ay Istaqaaladii Islcasi;laada u gudbiyaan Madaxweyne Shiikh Sharif Shiikh Axmed ka dib markii Labdaas Sarkaal ay sheegeen in aysan sii wadan Karin Howshii ay ka hayeen Xarunta Madaxtrooyadda islamarkaan shaqooyinkoodii ay Caqab ku noqdeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Labadaan Sarkaal ayaa lagu kala Magacaabaa Axmed Shiikh Saalax oo ahaa Agaasimihii Chief Staff ee Madaxtooyada Dowladda Federaalka , Sarkaalka kale ayaa lagu Magacaabaa Cabdulahi Xaydar wuxuuna isagana ahaa Madaxii Protocol-ka ee Xafiiska Madaxweyne Shiikh Shariif iskastoo aan si dhab ah loo faahfaahin Iscasilaadooda waxa ay ku timid hadana waxay dad ku dhow dhow Madaxtooyada ay noo sheegeen in labadaas Sarkaal oo Hawl Muhiim ah ka hayeen Madaxtooyada ay isku Casileen ka dib markii ay Caqabado kala kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo aan la sheegin Cidda ay ahaayeen

Labadaan Sarkaal oo dhawaan ka amababaxay Magaaladda Muqdisho ayaa Boosaskii ay baneeyeen waxaa Araaji u soo qortey dad fara badan oo doonaya in ay buuxiyaan Labadaas Boos ee ay baneeyeen labadaas Sarkaal iyadoo Warar kale ay sheegyaan in Dib loo soo celiyey madaxhii hore Chief Staff ee Madaxtooyadda Mudane Mursal oo isna sidaan oo kale isaga Casiley Xilkisii ka dib markii la sheegey in howshiisii uu ka wadan waayey Madaxda ka tirsan Dowladda Federaalka

Iscasilaada Labadaan Sarkaal ayaa la sheegey in ay dhabar jabku tahay Dowladda Federaalka waayo waxay ahaayeen laba Sarkaal oo dhaqaajiyey Howlihii Xarunta Madaxtooyada hadaba la arkii doonee Cidda lagu bedelo labadaan Sarkaal oo ilaa iyo haatan wax war ah aaney ka soo saarin Dowladda Federaalka iscasilaadoodii..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.