Home » Warar »

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalo Maanta ka Dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho

Talaada: Waxaa maanta Duleedka Muqdisho gaar haan Deegaanadda loo barakacay ka bilowdey Dagaalo u dhaxeeye Ciidamadda Dowladda oo gacan ka heleya Ciidamadda Amisom iyo Xarakadda Al-Sbabaab oo dhawaan ku biirtey Ururka All- Qaacida waxayna Dgaaladda ka bilowdeen halka lagu magacaabo Sarkuusta iyo Daarta Maslax ee Hormarta Wadada tagta Degamadda Afgoye.

Dagaaladan ayaa bilowdey ka dib markii Ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowladda ay gaareren halka lagu magacabo Sarkuusta waxaana weerar ku soo qaadey Ciidamo ka tirsan Xarakada Ashabaab waxaana la isweydaarsanayey Madaafiif aad u xoogan waxayna Madaaficdaan ay saameeyn ku yeesheen Dadkii degenaa Km13 iyo garasbaaley waxaana lagu waramey in halkaa ay ka bilowdaan Barakac si dadka uga nabadgalaan Madaafiicda la is weydaarsanyo

Dagaalkaa ayaa waxaa la sheegey in ay ku geeriyoodeen 4 qofood oo aha dad rayid ah oo la sheegey in ay Madaaficda ugu tagtey Guryahooda iyadoo wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Ciidamadda Amisom ay fariisin ka sameysteen halka lagu magacaabo Daarta Maslax oo sadex kiiloo mitir u jirta Xaruntii hore ee Asluubta iyadoo haatan labada dhinac ay isku hor fadhiyaan Duleedka Muqdisho

Dagaalkaan ayaa wxaa la sheegey in uu ka horeeyey dagaal kale oo xaley ka dhacay Ex Kontorool Afgooye ka dib markii ay halkaa weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarakadda AlShabaab waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen Madafiic waana mida maanta keentey in mar kale la isku farasaaro Wadada tagta Afgooye oo la sheegey in maanta gebi ahaanba ay xirneyd oo aysan jirin gaadiid labada dhinac isku kala gudbaya

Ciidamadii degenaa Isbitaalka Xooge ee Amisom ayaa maanta halkaa ka guurey waxaana lagu waramey in Ciidamadaas ay u dhaqaaqeen Xeradii hore ee Asluubta ee Dulkeedka Magaaladda Muqdisho wuxuuna Dagaalkaan ku soo beegmey Xili Xarakada Alshabaab ay si rasmi ah ugu biireen Alqaacida iyadoo maalintii shaley ahaydna Duleedka Muqdisho uu ka dhacay Banaanbax aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayey Isku biiritaankaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.