Home » AmiinYuusuf »

Suudaan: Dal Isku Tashaday | Amiin Yuusuf

Suudaan: Dal Isku Tashaday

1992-dii ayaa dalka Suudaan waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah iyo waliba dhinaca siyaasadda, hase yeeshee dalka Suudaan oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn qaaradda Afrika ayaa cunaqabateyntaasi waxa uu kaga gudbay midnimo guud iyo isutashi, waxayna halkudhig ka dhigteen (Waxaan Beerano Waa inaan Cunaa, Waxaan Sameysanana waa inaan ku Labisanaa), waana midda keentay in dalkaasi uu soo saaro shidaal, kaas oo qaarna dibadda loo dhoofiyo qaarna dalka gudihiisa laga isticmaalo, waxaana Magaalada Khartuum si aad ah ugu badan Gawaarida kuwaas oo hela shidaal aad u raqiis ah.

Dalka Suudaan gaar ahaan Caasimadda waxaa ku kulma labada Webi ee Niilka Cad iyo Niilka Buluuga ah kuwaas oo ka kala yimaada wadamada Itoobiya Yugaandha, waxayna Caasimadda ka kooban tahay Saddex Walaayo , Walaayada Khartuum, Walaayada Undurmaan iyo Walaayada Baxri waxa uuna dalka Suudaan ganacsi la leeyahay ilaa iyo Sagaal Dal oo uu xuduud la leeyahay, waxayna isdhaafsadaan ganacsi aad u balaaran, waxaadna Webiga Niilka ku arkeysaa Doomo waaweyn oo sida shixnado ganacsi kuwaas oo qaarkood ka tagay dalka Suudaan halka kuwo kalana ka yimaadeen wadamada deriska la ah Suudaan.

2005-tiii ayaa Dowladda Suudaan waxay heshiis la gashay Mucaaradka Koonfurta Suudaan oo uu hogaaminayey Mr John Grand waxa uuna heshiiskaani socday mudo dhowr sano, hase heeshee wadamada Reerl Galbeedka iyo Mareykanka waxay doonayeen in koonfurta Suudaan ay go’do, balse waxaa arrintaasi diiday John Grand kadib markii uu xisaabtamay waxa uu ogaaday in uusan waxba heleyn haddii ay koonfurta go’do, waxa uuna heshiiskaasi dhigayey in wixii dalka soo gala labo isla eg loo qaybsado, golaha wasiirada waxaa loo qaybsaday labo qaybood, golaha baarlamaanka labo qaybood.

John Garand waxa uuna xilka Madaxweyne ku xigeen hayey mudo 21 maalmood ah, waxa uuna soo halgamayey 21 sano, hase yeeshee dadweynaha Suudaan intooda badan waxay aaminsan yihiin in diyaaraddii la burburtay John Grand lagu dhiftay Gantaal, maadaama uu ka shaqeeyay midnimadda wadanka Suudaan.

Magaalada Abiyey oo ah Magaalada Qani ku ah Saliidda oo in mudo ah ku muransanaayeen Koonfurta iyo Waqooyiga ayaa markii dambe waxaa soo kala dhex galay Qaramada Midoobey waxaana Magaalada loo qaybiyey labo qaybood, qaybtii qaniga ku ahayd shidaalka waxay soo martay Waqooyiga, taasina waxay farxad gelisay dadka reer Waqooyiga ah oo iyagu ka cabsi qabay in ay dhinaca kale marto, waxaana dalka ka dhacay fantasiyo iyo damaadshaadyo lagu soo dhaweynayo arrintaasi

Dalka Suudaa oo laga isticmaalo lacagta Geniga ayaa waxay si aad ah uga sareysaa lacagta Doolarka, haddaad damacdo in aad Doolar suuqa la tagto cid wax kaaga iibsaneysa ma jirto, mararka qaarkood waaba lagula yaabaa haddii aad wadato Doolar, hase yeeshee waxaa jirta meelo gaar ah oo lagu sarifo lacagta Doolar ah, qiimo dhaca ku yimid lacagta Doolarka waxay keentay in lacagaha doolarka ah ee loo soo diro dadka reer Koonfurta ah gaar ahaan kuwa kirishtaanka aysan waxba u goynin, waxa uuna ii sheegay nin Suudaani ah oo aan la sheekeystay in haddii lacagta Doolarka ah sareyn lahayd in ay keeni lahayd in dadka koonfurta ah lacagtu wax u goyn lahayd ganacsi balaaranna ku heli lahaayeen, hase yeeshee dadka Suudaan ayaa waxay door bideen in lacagta Geniga ah ay qiimo u yeelaan.

Haddii aan dib u jaleecno Xaaladda Dahfur, markii ay heshiiska kala saxiixdeen Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan ayaa reer Galbeedku oo Mareykanka ugu horeeyo waxay bilaabeen in ay kiciyaan dadka Suudaanta ah ee ku nool Galbeedka iyo Bariga wadankaasi, iyadoo ujeedadoodu tahay in dalkaasi uusan marnaba ka dhamaan dagaal sokeeye, iyadoo reer Galbeedku ay doonayaan in si la mid ah koonfurta Suudaan ay iyana wax u helaan Galbeedka iyo Bariga, waxayna bilaabeen dagaal ay ku qaadaan dowladda, hase yeeshee waxay Dowladda Suudaan sameysay ciidan la magacbaxay (Jundi Jawiid) oo macnaheedu yahay (Ciidamadii Fardooleyda), waxayna ka hortageen kooxhii mucaaradka ahaa, reeb galbeedku markay ku guuleysan waayeen arrinkaasi ayay waxay bilaabeen in dambiyo dagaal loo yeelo Madaxweynaha Suudaan, hase yeeshee Madaxweyne Al-Bashiir waxa uu arrintaani ka helay sumcad dheeraad ah, waxa uuna tagay Gobolka Dahfur waxaana loogu soo dhaweeyey si aad u sareysa, sidoo kale dalka Suudaan oo aan horey looga aqoonin in Sawirada madaxweynaha lagu dhegso goobaha ganacsiga iyo Gawaarida ayaa hadda waxay bilaabeen shacabka Suudaan in ay si aad ah u qiimeeyaan Madaxweynahooda, waxaadna arkeysaa Gawaarida iyo Goobaha Ganacsiga oo uu ka muuqdo sawirka Madaxweynaha Suudaan, waxayna dadka Suudaan 100% yihiin kuwo aad u jecel madaxweynahooda.

Dalka Suudaan waxaa looga hadlaa 215 Luuqadood, waxa uuna dalkaasi ka kooban yahay 36 Walaayo oo 18 tahay Koonfur, 18-na tahay Waqooyi, waa dad ku faana Qabiilka hase yeeshee kuma dhaqmaan sida Soomaalida oo kale, sidoo kale markaan fiirino xagga guurka waxay isku guursadaan ilmo adeer, gabadhana waxaa laga bixiyaa lacag aad u fara badan oo u dhiganta 15-kun oo Geni, waxaana dalkaasi ka jira guurka ay soomaalidu u taqaano Qudba-sirada, waxaana isku guursada Dhallinyarada gaar ahaan kuwa ku jira Waxbarashada, waxay kalloo dhaqan u leeyihiin in qoysku banaanka ka soo cunteeyo oo aan guriga waxba laga karin, hase yeeshee markay carruur joogto ayaa waxaa carruurtaasi u shaqeeya ama cunno u kariya jaariyad.

Aad baan ula yaabay markaan arkay Gabdho Suudaan oo isku giijiyey Surweel isla markaana gashan Funaanado aad ugu dhegan timuhuna ay faydan yihiin, waxaan weydiiyey nin Suudaan ah maxaa lagu maagay gabadhii Lubna markii lagu eedeeyey in ay gashatay Surweel haddiiba sidaan Suudaan looga labisanayo, wuxuuna ku jawabaay “Gabadhaasi arrimo siyaasadeed ayaa lagu haystaa”.

Magaalada Khartuum marba marka ka dambeysa waa sii balaaraneysaa waxaad ku arkeysaa Daaro aad u dhaadheer oo isugu jira kuwo si gaar ah loo leeyahay iyo kuwo ay dowladdu leedahay, waxaana ka dhaca dabaylo wata hanfi aad u kulul, sidoo kale kuleylku waxa uu mararka qaarkood gaaraan 60degree, intii aan ku sugnaa dalka Suudaan waxaana la kulmay saddex isbedel oo xagga cimiladda ah, maalin waxaa dhacayay Dabayl aad u kulul, maalintii xigtay wax dabayl ah ma jirin, laakiin waxaa jirtay cadceed aad u daran, maalintii saddexaadna roob ayaa da’ay, isku soo wada duuboo dalka Suudaan waxaan dhihi karaa waa dalk isku tashtay oo waqti aan sidaasi u fogeyn gaari doona isku filnaasho dhan walba ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Suudaan: Dal Isku Tashaday | Amiin Yuusuf "

  1. UDUB IYO HANGOOL says:

    asc dadka suudaan iyo dadka soomaalidu waa dad isku soo dhaw marka la eego diinta iyo marti soorka laakiin markay noqoto wadan jacayl aad bay inooga duwan yihiin.anigu 1994 ayaan tegey maalmo ayaan joogay hase yeeshee waan dersey waxyaalaha aynu ku kala duwanahay. dadka suudaan waa dad aad ujecel soomaalida waxay inoo hayeen kalgacal xad dhaafa oo aan layaabnay wax kasta oo aad uga baahato way kusahlayeen xataa hadaad tiraahdo hotel bilaasha iseexiya way kuseexinayeen. waxaanse xusuustaa baahi badan iyo biyabadanba waa ku hafiyaan. soomaalidu iyadaa is yastay iyagoo aduunka qiima kuleh maanta heer waxaynu gaaray jhon garankii koonfurtu uu gabdhaheenii cidla kagurto…..
    maalin ayaan aniga iyo wiil aanu saaxiib ahayn oo soomali ah ayaa makhaayad soo fariisanay nin suudaani ah ayaa na dhinac fadhiya intii aanan wax dalban ayuu nawaydiiyey ma soomaali baad tihiin haa baanu ugujawabnay markaas ayuu nooga horeeyey mudalabkii wuxuuna noo dalbay cunto uu markaa islahaa waa u wanaagsan tahay runtii anagase waa naga degi weydey aniga iyo saaxiibkay waxaa nalasoo hordhigay laba saxan oo muluukhiye ah runtii gaajo ayaa nahaysay oo waanu cunay laakiin ma, aanan jeclaysanayn siiba saaxiibkay markii aanu dhamaysanay cuntadii ayuu nawaydiiyey kawarama waxaanu niri way fiicnayd wuxuu yiri aduunka lagama helo meel aan suudaan ahayn runtii hadalkaasi wuu igalay waxaana u turjuntay inaga iyo suudaaniyiinta inaynan isku mid ahayn xaga wadan jacalka iyo wixii kasoo baxa meeshii markaan ka kacnay aniga iyo saaxiibkay waxaanu in cabaara kasheekaysanayney muluukhiyihii waryaa dhareer buu ahaa iyo wax lamida kk markaa suudaaniyiinta weligeen gaari mayno inta sidaa aynu nahay wscw