Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XX-aad

 

Weerarkii uu Jarmalku ku qabsaday Poland wuxuu ku magacaabay Ololihii Sebtember (September Campaign). Waxaa ka qeyb-qaatay ciidan tiradiisu dhan yahay 1,500,000 oo ay weheliyaan 2,750 oo taangi iyo 2,315 oo dayuuradood. Markii uu weerarkaas bilowdey, qiyaastii laba toddobaad kadib (17/ 9- 1939-kii), waxaa dhanka bari ka soo weeraray dalka Poland ciidankii casaa (The Red Army) ee Midowga Soofyeeti, kuwaas oo dowladdoodu ay horey Jarmalka ula dhigatey heshiis ay ku qeybsadeen dalka Poland. Ciidan tiradiisu dhan yahay 500,000 ayaa dagaalka soo galay dhanka bari. Waxaa weheliyay 4,736 oo taangi iyo 3,300 oo dayuuradood. Inkasta oo ciidamadii Poland ay dagaalameen, misana tabar ay ku hor-joogsadaan ma ayan lahayn gulufkan xoogga wayn ee bari iyo galbeed uga yimid. Dad-waynihii reer Poland waxay markaas bilaabeen dagaal-jabhadeed, iyaga oo isla-markaas dhistey dowlad qarsoon. Hoggaankoodii wuxuu fariistey magaalada London.

Maalinta uu Jarmalku galay Poland, hoggaamiyihii Talyaaniga Benito Mussolini, wuxuu ku baaqay, afar cisho dabadeed (5/ 9- 1939) in leysugu yimaado wada-hadal nabadeed si qaaradda Yurub looga badbaadiyo dagaal-wayne ka dhaca. Laakiin Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka daba hadlay oo Jarmalka siiyey digniin kama danbeys ah. Waxay u qabteen wakhti gaaban oo ku eg 3/ 9- 1939-ka (markay saacaddu tahay 11:15 barqanimo) in uu kaga baxo dalka Poland. Markii uu wakhtigii dhacay, labadaas dowladood waxay ku baaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Labadan dal, inkasta oo ay arkayeen in ayan Jarmalka is-hureynin, misana markaas waxay tix-gelinayeen heshiis ay horey ula dhigteen dowladda Poland oo la xiriira, haddii midkood la soo weeraro in ay colaadda isga hiiliyaan. Heshiika Faransiiska iyo Poland (Franco-Polish Alliance) wuxuu dhacay 19/ 5- 1939-kii. Midka Ingiriiska iyo Poland (Polish-British Commom Defence Pact) ayaa isna wuxuu dhacay 25/ 8- 1939-kii.

Dalka Poland ma ayan laheyn awood ay kaga hor-tagaan xoogagga soo weeraray. Haddii ay is-dhiibaanna waxay ka cabsi qabeen in dalkooda la xalaaleysto oo sidii Austria oo kale, Faransiiska iyo Ingiriiska ay kula heshiiyaan Jarmalka. Sidaa darteed xooggii yaraa oo ay lahaayeen ayay ku mitideen in ay ku difaacdaan dalkooda. Ciidankii weerarka ahaa, muddo dhowr toddobaad ah ayay ku wiiqeen xooggii ciidanka Poland. 27/ 9- 1939-kii, ciidankii Jarmalka waxay qabsadeen degmada Warsaw oo ah magaalo-madaxdii Poland. Laba cisho dabadeed (29/ 9- 1939) Soofyeetiga iyo Jarmalka waxay ku heshiiyeen xuduuddii ay ku qeybsadeen dalkan ay ciiddiisii la wareegeen. Lix sano dagaal ah ayaa u bilowdey, kaas oo bartamihii 1945-kii ay ku adkaadeen xooggii xulufada iyo Soofyeetigii oo goor danbe ay colloobeen Jarmalka. Dadka ka dhintay Poland muddadii uu dagaalku socdey, lagama hayo tiro sax ah. Waxaase lagu qiyaasaa tiro ku dhow 5,000,000 oo qof. Waxay isugu jireen askar dagaalamaysey, kuwo jabhado ahaa, rayid ku dhintay dagaalka iyo dad la geeyey xeryo leysku ciqaabo.

Faransiiska iyo Ingiriiska, inkasta oo ay ku baaqeen colaad ka dhan ah Jarmalka, misana midkoodna ma hayn qorshe u diyaarsanaa oo ay ku weeraraan Jarmalka. Garabkii xulufada ee dowladihii Yurubta Galbeed waxaa wal-wal badan uu kaga yimid dhul-boobka Jarmalka iyo is-fitaaxinta maamulka Naasiga ah. 1/ 9- 1939-kii, markii uu Jarmalku qabsaday Poland, isla-maalintaas dalka Faransa waxaa looga dhawaaqay diyaar-garow buuxa ee dagaal. Laba cisho dabadeed dowladihii xulifada ahaa waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Dowladahaas oo markoodii hore ahaa Faransiis iyo Ingiriis, ayaa waxaa goor danbe ku biirey dowlado badan oo la garab noqdey. Ciidamada Faransiiska waxay ahaayeen kuwa iyaga xuduuddooda weerarka kaga bilaabay Jarmalka. 3/ 9- 1939-kii, Faransiisku waxay weerar ku qaadeen gobolka la yiraahdo Saarland ee ku yaal koonfur-galbeed dalka Jarmalka. Weerarkaas oo ay tuulooyin ku qabsadeen ayaa Faransiisku 12 km. oo keliya ay gudaha ugu galeen xuduudda Jarmalka.

Laba toddobaad ayay Jarmalkii ku qaadatay in ay Faransiiska ka soo saaraan xuduuddoodii. Faransiiskiina waa uu joojiyay in uu sii wado weerarkii uu Jarmalka la damacsanaa. Wuxuu xujo ka dhigtay, in xooggii iska-caabinta ee Poland la wiiqey. Taas waxay muujisay sida dowladihii xoogga lahaa ayan weli diyaar ugu ahayn dagaalka Jarmalka. Sidaas ayaa dagaalkii Yurub ka dhacay qeybtiisii hore wuxuu ku qaatay magaca ah Dagaalkii Bugta ahaa (Phony War).

Ingiriiska isaga oo dagaal ka carar ah ayuu wuxuu qorsheeyey, isaga oo aanan la dagaalamin Jarmalka misana in uu dhaawac u geysto. Sidaa darteed raggii caynaanka siyaasadda u hayay waxay ku fekereen in ay cuna-qabateeyaan gaadiidka badda ee u adeegaya xukuumadda Naasiga ah. Sida la ogsoon yahay dhulka Jarmalka waxaa badaha waawayn ku xira xeebaha uu ku leeyahay badda Baaltika, taas oo ah bad gudaha ku jirta. Bad-waynta Atlantika iyo badda Baaltika waxaa isku xira madiiqa Denmark (Denish Strait). (The Illustrated History of World War II. Owen Booth and John Walton. Chartwell Books, Inc. 1998. Pages 44 – 49).

Jarmalka qudhooda kama maqneyn fahamka ah in Ingiriisku uu ka cuna-qabateeyo xagga badda. Iyagu waxay si wanaagsan u garanayeen culeyska ay arintaas ku keeneyso mashruucooda dhul-boobka ah. Haddaba maamulkii Jarmalka si uu uga hor-tago cuna-qabateynta ay filayeen, waxay guddoonsadeen in ay weeraraan dowladaha Scandinavian-ka ee ku-yaal waqooyiga qaaradda Yurub. Saddexda dal oo magacaas wadaaga (Sweden, Norway iyo Denmark), inkasta oo dhamaantood ay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah, misana laba kamid ah, Jarmalkii kama uusan aqbalin dhex-dhexaadnimadii oo weerar ayuu ku qaadey. Norway waxay ka doonayeen xeebta dheer oo ay la leedahay bad-waynta Atlantika. Degmooyinka dekadaha leh ee ku yaal xeebaha galbeed ee dalka ayaa waxay ahayeen hanti uusan Jarmalku ka maarmain. Waxaa kaloo jiray waddo tariin ee isku xirta dhulka birta hodanka ku ah ee waqooyiga Sweden ee degmada Kiruna iyo degmada dekadda wayn leh ee la yiraahdo Narvik (waqooyiga Norway). Xilliga uu kuleyluhu jiro, hantidaas birta ah waxay ka dhooftaa dekadda ku taal degmada Luleå (Sweden) ee ku dhacda xeebta badda Baaltika. Xilliga qaboobaha oo baddaas ay barafka tahay, birta waxaa laga dhoofiyaa dekadda degmada Narvik, taas oo ku taal xeebta bad-waynta Atlantikada.

Jarmalku wuxuu u baahnaa hantida ceyriin ee birta ah, taas oo gudaha dalkiisa uusan ka heli karin. Qalabka ah Taangiyada, madaafiicda, qoryaha waawayn iyo kuwa yar-yar, tariinada iyo waddooyinkooda, baabuurta iyo maraakiibta waxay ahaayeen agabka uu ku duulaan tegayay. Birta uu ka sameynayay wuxuu markii hore ka soo dhoofsan jirey gobolka Lorraine ee Fransiiska, kaas oo birta hodan ku ah. Wixii ka danbeeyey sebtember 1939-kii, fursaddaasi waa ay joogsatay. Meesha keliya oo sida fudud uu bir uga heli karo waxay noqotay waqooyiga dalka Sweden (degmada Kiruna) oo ah degaan hodan ku ah birta, una dhexeysa labada dekad ee ah Luleå iyo Narvik. Dekadaha iyo baahida birta waxaa u weheliya oo Jarmalku uu ku doonayay weerarka dalalka Scandinavian-ka, in uu saldhig u helo ciidankiisa cirka. Wuxuu arintaas ku doonayay meel uu ka weeraro dalka Ingiriiska. Waddanka Denmark ayaa iyaduna waxay uga maarmi-waayeen degaanka ay ku taal oo ah dhulkii ay sii mari lahaayeen. Waa dal xuduud la leh Jarmalka, dhinaca kalena, xud biyo ah la leh Norway. Isla-markaas waxaa ku yaal madiiqa leysaga gudbo badda Baaltika iyo bad-waynta Atlantika.

Weerarka uu Jarmalku ku qaaday waddamada Scandinavian-ka wuxuu lahaa dhacdo hor-dhac u ahayd. Markii Ingiriisku ku baaqay colaadda Jarmalka, wuxuu cuna-qabatayn ku bilaabay maraakiibta Jarmalka ee ku gooshaya bad-waynta Atlantika. Isaga oo adeegsanaya booska istraateejiyadda ah ee dalkiisa uu ku yaal ayuu Ingiriisku wuxuu ciriiri geliyay maraakiibtii uu Jarmalku ku adeeganayay. Waxaa halkaas ka bilowdey dagaalkii La magic baxay Battle of Atlantic, kaas oo socdey muddado shan sanadood ka badan. Khasaaraha uu geystey waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen tiro ka badan 80,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira ciidan iyo bad-maaxyo. Waxaa ku gubtay 3,500 oo maraakiibta ganacsiga ah. Waxaa kaloo ku gubtay 175 markab dagaal iyo 783 maraakiibta biyaha quusa. (White, David (2008). Bitter Ocean: The Battle of the Atlantic, 1939-1945. New York, United States: Simon & Schuster. p. 2.).

Weerarkii Scandinavian-ka waxaa hor-dhac u ahaa dhacdo kamid ah colaaddii Atlantka. Waxaa jiray markab dagaal oo Jarmalku leeyahay (Admiral Graf Spee), kaas oo koonfurta bad-waynta Atlantika ka ugaarta maraakiibta Ingiriiska. Wuxuu halkaas ku dejiyay maraakiib dhowr ah oo Ingiriisku leeyahay. Waxaa kaloo jiray markab kale oo kaas wax dejiyay la shaqeynayay oo isna la yiraahdo Altmark. Markabkan danbe ayaa wuxuu soo qaaday rag 299 ah oo Ingiriis u dhashay. Iyagu waxay ka badbaadeen maraakiibtii bad-waynta lagu dejiyay. Maxaabiis ahaan ayaa Jarmalku u soo qaatay. Si haddaba Altmark uu uga badbaado indhaha maraakiibta Ingiriiska, wuxuu u baxay dhanka waqooyi ee bad-waynta Atlantika. Halkaas ayuu kaga soo leexdey xeebaha dalka Norway.

Waxaa jiray doonyo yar-yar oo Ingiriisku leeyahay kuwaas oo ku howlanaa ilaalinta badda ku wajahan dalka Norway. Dayuurado uu Ingiriisku leeyahay ayaa waxay soo sheegeen in markab Jarmal leeyahay uu ku wajahan yahay xeebaha koonfureed ee Norway. Dabadeed basaasiintii Ingiriiska ayaa waxay heleen taarkii sirta ahaa oo markabkan uu kula xiriirayay xaruntii laga hagayay. Waxay markaas ogaadeen in markabku yahay Altmarka, maxaabiis Ingiriis ahna ay saran yihiin. Maraakiibtii Ingiriiska ee ilaalada ahayd waxay la soo hadleen Norway, iyaga oo ka codsanaysa in maxaabiista Ingiriiska ah ay ka soo deyso markabka Jarmalka. Norway waxay ku jawaabtey, in ay laba jeer baareen markabkan. Raad ciidan leeyahayna ayan ku arag. Sidaa darteed ay u oggolaadeen in uu biyahooda soo galo. Dowladdii Ingiriiska ayaa arinkii soo fara-gelisey. Kadib markii ay u sheegtey in ay si toos ah wax uga qabaneyso arinkaas ayay amartay in raxan ciidamadeed badda ah ay weeraraan Altmark.

16/ 2- 1940-kii, goor ay fiidnimadii tahay oo Altmark uu doonayay in uu baxsado ayaa ciidan Ingiriis ah ay weerareen. Markab kuwa dagaalka ah oo la yiraahdo HMS-Cossack iyo ciidan khaas ah oo saaran ayaa ka qeyb-qaatay dagaalkan. Arintaasina waxay ka danbeysey mar ay ka codsadeen in ciidamada Norway ay kala qeyb-qaataan weerarka, laakiin waa ay ka diideen. Dhowr saacadood ayay qaadatay in markabkii iyo maxaabiistii saareyd lagala wareego Jarmalka. Dhacdadaasi oo lagu magacaabo (Altmark Incidet) waxay Norway ku furtay xaraj siyaasadeed. Dowladdii Jarmalka waxay arintii u aragtay fursad ay ugu mar-marsiinyooto sidii ay ku weerari lahayd Norway. Waxay markaas sabab ka dhigtay, haddii ciidamadii xulufada ay xadka biyaheeda ku dagaalamayaan in dhex-dhexaadnimadii ay ka baxday.

Qorshaha weerarkan oo ay ku magacaabeen (Operation Weserübung) ayaa wuxuu ahaa mid horey loo dejiyay. Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyey oo ciidamada Jarmalku ay qaadaan iyaga oo qeybihiisa ay wada socdaan (cir, dhul iyo bad). Maalinta uu weerarku bilaabanayay waxaa ka horeeyey ayaamo ay xabbado isku rideen ciidamada fadhiyay xuduudda Jarmalka iyo Denmark. 9/ 4- 1940-kii, danjirihii Jarmalka ahaa (Cecil von Renthe-Fink) ee fadhiyay Denmark wuxuu la kulmay wasiirkii dibadda ee Denmark (Peter Rochegune Munch). Markuu ka soo baxay 20 daqiiqo dabadeed, wuxuu sheegey in ciidamadii Jarmalka ay xuduudda soo tallaabeen iyaga oo doonaya in ay qabsadaan Denmark. Arintaasna wuxuu sabab uga dhigay in looga hor-tegayo weerar ay Faransiiska iyo Ingiriisku doonayaan in ay ku soo qaadaan dalkan. Isla-markaas danjiruhu wuxuu dhaleeceeyey weerarka iska-caabinta ah oo ay wadaan dad Denmarka u dhashay. Wuxuu u digey dowladda Denmark oo uu u sheegey in xagga circa laga duqeyn doono magaalo-madaxda Copenhagen, haddii ayan ciidamadooda xabbad-joojin sameyn.

Isla-maalintaas ayaa Jarmalku uu weeraray Denmark iyo Norway. Kadib markii ay ciidamadiisu ka yimaadeen xagga badda, cirka iyo dhulka, muddo lix saacadood ah ayay ku qabsadeen magaalo-madaxdii labada dal. Sidaa darteed dagaalkaas waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu wakhtiga gaaban oo dal dibadda lagaga soo duuley misana lagu qabsaday. Arimaha u sahlay Jarmalka qabsashada labadan dal waxaa kamid ahaa, xogta uu ka hayay xaaladdooda, ciidanka circa oo si xooggan uga qeyb-qaatay iyo maraakiibta xowliga ku socda oo maalin ka hor gaarsiiyay ciidamo badan degmooyinkii xeebaha ku yiil ee fogaa.

Denmark waxay ka doonayeen in ay ka dhigtaan kaabad ay ku gaaraan Norway. Waxay bar-tilmaansadeen magaalooyinka waawayn ee dekadaha leh oo ay kamid yihiin Oslo, Trondheim, Kristiansand iyo Bergen. Dagaalkaas oo kedis ahaa ayaa wuxuu sahlay in Jarmalku ay si fudud u caga-dhigtaan degmooyinkii ay galeen. Gacanka Oslo (Oslofjord) oo degmada kaga yaal dhanka koonfur, wuxuu ahaa mid ay ciidamada ku aaseen miinooyin si ay u hakiyaan ciidamada Jarmalka ee badda ku imanaya. Arintaasi waxay sababtay in muddo laba saacadood ah ay magaalada dib uga dhacdo xilligii ay ku tala-galeen Jarmalku in ay ku qabsadaan. Saacadahaas ayaa waxay fursad u noqotay xubnihii dowladda iyo boqorkii (King Hakoon VII) in ay ku baxsadaan. Boqorkan ayaa horey u diidey in uu heshiis saaxiibtinimo la saxiixdo dowladda Naaziga ah. Laakiin boqorka Denmark (King Christian X), isagu saxiixii ayuu dhiibey, sidaas darteed wuxuu ku sugnaa magaalo-madaxda, illaa uu dalka ka xoroobey.

Ciidamadii labada dal waxay bilaabeen in ay isu habeeyaan qaab jabhadeed. Iyaga iyo dad-waynihii waxay bilaabeen weerar dhuumaaleysi ah oo ay kaga soo hor-jeedaan Naaziga. Shan sano oo cadaab ah ayaa u bilaabatay, taas oo ay dad badan ku hoobteen. Bishii may 1945-kii ayaa ciidamadii xulufada ay ku guuleysteen in ay si buuxa u xoreeyaan waddamada Scandinavian-ka.

Harka iyo habeenkiyo subxiga hiirta soconeysa
Waxaa dunida howsha ugu wacan haatan la ogaaye
Hawo soo siyaaddaa nafluhu haabo leeyahaye
Hadaftiyo habaas gulufka iyo hor isu qaad-qaadka
Hubka leysu doonanahayiyo soo-hayada yeeri
Sharta leysu hoosimahayaan lagu heshiineynin
Hud-hudkaasi wuxuu soo wadaa had iyo leysaane (Maxamuud Il-Dab)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XX-aad "

  1. aad iyo aad baad u mahadsantahay dadaalgaat ugu jirto taariikh soomaaliya adoo ay yartahay cid sidaado kale si hufan uga haqabtirta daiyarta taariikhdii awoowayaashood