Home » Warar »

Jerry Rowling oo Dhexdhexadin ka dhex Bilaabey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee khilaafka u Dhaxeeyo

Jerry Rowling ayaa dhexdhexaadin ka dhex Bilaabey Xildhibaanada Baarlamaanka oo muddooyinkaa uu u dhaxeeyey muran muddo soo jiitamayey kaasoo ka dhashey markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna ku tilmaamey mid Sharcidaro ah oo Xadgudubna ku ah heshiiskii Kambala

Jerry Rowling oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga afrika una dhashey Wadanka Gaana, shaleyna soo gaarey Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmey labada dhinac isagoo koox weliba uu ka dhageystey qaabka ugu haboon ee xal lagu gaari karo iyadoo kooxda uu Gudoomiyaha uu u yahay Madoobe nuunow ay sheegeen in aysan marnaba ka tanaasuli doonin Xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Shariif Xasan islamarkaana waxay u sheegeen in Shariif Xasan si sharci ah looga qaadey Xilka

Kooxda Shariif Xasan ayaa u gudbisey qoraalo ku aadan in Xil ka qaadistii Shariif Xasan ay ahayd mid sharci darro ah kuwa sameeyeyna ay yihiin kuwa qaswadayaal ah oo aan marnaba dooneyn in baarlamaanka uu u shaqeeyo sidii loogu talagaley

Jerry Rowling ayaa marka uu dhameysto dhageysiga labada dhinac ee Xal u helida Baarl;maanka Soomaaliya waxaa uu ula laaban doonaa Midowga afrika iyadoo kulankii ka dhacay Adis Ababa dhawaan ee ay isagu yimaadeen Madaxda Afrika si weyn loogu taageerey Gudoomiyanida Shariif Xasan hase yeeshee waxaana arrinkaa ka gigishey Xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow oo ku tilmaamey hadalkii ka soo yeerey Midowga afrika mid sii kala fogeynaya Xaaladda Soomaaliya

Shirkii dhawaan ka dhacay Dalka Jabuuti ee ay yeesheen Kooxda Xiriirka soomaaliya ICG ayaa waxay sheegeen in haddii Baarlamaanka soomaaliya uu xal deg deg ah ka gaarin arrimaha la isku haysto lagu soo rogi doono Cunaqabteyn uusan sheegin waxay ay tahay

Wararka laga helayo dhinaca Xildhibaanada ayaa waxay sheegayaan in Midowga afrika uu doonayao labada dhinac uu ka takhaluso ka dibna la doorto Gudoomiye Cusub oo ay doorashadiisa Goob jog uu ka noqon doono Wakiilo ka socda Midowga Afrika hase yeeshee labada dhinac ayaa iyagu ka soo horjeeda Fikirkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.