Home » Warar »

Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Johannesburg oo Agoon , Barakacayaal, Bukaan iyo dadka Dhimirka la’ soo gaarsiiyey Deeq

Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Johannesburg oo Agoon , Barakacayaal, Bukaan iyo dadka Dhimirka la’ soo gaarsiiyey Deeq

Halkan ka daawo Sawirro Dheeraad ah (GUJI)

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dalka dibadiisa ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxay bilaabeen in ay gacan siiyaan dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira 20 sanno Hadaba Jaaliyada somaaliyeed Dalka Koonfur afrika gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Johannesburg waxay iska soo uririyaan deeq lacageed oo gaareysa 5 kun iyo sadex boqol iyo Todobaatan Shan doolar Deeqdaas oo loo soo marsiiyey Golaha Samadoonka iyo Horumarinta Soomaaliyeed waxaa loogu talagaley dadka Barakacayaasha , Agoonta, Dadka Bukaanka ee Ku jira Isbitaalada Muqdisho iyo Dadka dhimirkooda dhiman yahay ee ku jira Xarunta Ahlo-Khayr waxaa Boqolkiiba Todobaatan ay Jaaliyadu amartey in lagu iibiyo Raashin isugu Jira Bariis, Bur , Saliid iyo Timir iyadoo Boqolkiiba Toban loo qoondeeyey Caruurta Agoonta ah, Bqolkiiba Toban loo weeciyey Isbitaalada iyo Boqolkiiba Toban dadka Dhimirka la’

Markii ugu horeysey ayaa Kaamka Culusow ee deegaanka ceelasha biyaha waxaa raashin loogu qaybiyey Qoysas Barakacayaal ah oo tiradooda gaareysa 200 oo qoys waxayna qaybintaas ay u dhacadey sidii loogu talagaley waxaana halkaa ka Hadley Cabdirixiim Weheliye oo ah Xoghaya Golaha Samadoonka iyo Horumarinta wuxuuna ugu horeyntii u mahadceliyey intii soo dhiibtey Tabarucaadaaa isagoo sheegey in ay ku soo beegantey waqti ay dadka soomaaliyeed ay si aad ah ugu baahnaayeen deeqaas iyadoo dadkii loo qaybiyey ay sidoo kale u mahadceliyeen initii soo dhiibtey iyo intii isku soo dubaridey

Sidoo kale deeqdaas waxaa la gaarsiyey Dad bukaan ah oo Dhimirka la’ kuna jira Xarunta Ahlu Khayr waxaa la gaarsiiyey 15 Milyam oo shilin somaali ah waxaana la gudoonsiiyey Madax Xaruntaas Shiikh Cabdiraxmaan Macow Maxamed oo u mahadceliyey in tii isku soo abaabushey Deeqdaas wuxuuna u soo jeediyey Jaaliyadaha kale ee soomaaliyeed in gacan ka geystaan sidii loogu dhisi lahaa dadkaa bukaanka ah dhul gaaraya 10 boos oo ku yaal Garasbaaley isagoo sheegay in dhulkaas uu u iibiyey nin la yiraahdo Faarax Cali oo degan Dalka Kuweyt maadaama Guryaha ay haataan ku jiraan Agoonta iyo dadka waalan ay yihiin guryo Cariiri ku ah islamarkaana dadkii lahaa ay dhowr jeer ka saareen

Waxaana halkaa sido kale ka hadley Gudoomiyaha Golaha Samadoonka iyo Horumarinta Maxamed Tahliil oo oo u soo jeediyey Jaaliyadaha soomaaliyeed in gacan balaaran siiyaan dadkaa dhimirka l’a oo uu sheegey in ay u baahan yihiin daryeel aad u balaaran

Sido kale Isbitaalka Fiqi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa isna la gaarsiiyey Deeqdaas ay soo dhiibeen dadka soomaaliyee ee ku dhaqan Dalka koofur afrika waxaana mid mid loo siiyey Dadkii Bukaanka ahaa iyadoo Dr Maxamed Dheere oo ka mid Masuuliyiinta Isbitaalkaas uu u mahadceliyey intii soo uruurisey iyo ntii loo soo wakiishey waxaa kaloo deeqdaas la gaarsiyey Caruur Agoon ah oo ku jirta Xarunta Imaam Nawawi ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaa deeqdaas lacageed mid mid loo gudoonsiiyey Caruurta Agoonta ee ku jirtey Xaruntaas waxaan halkaa ka Hadley Maamulaha Xaruntaas Shiikh Cabduqaadir Shiikh Maxamed oo ugu horeyntii u mahadceliyey intii soo dhiibtey Deqqdaas wuxuu Ilaah uga baryey reer Koonfur Afrika in uu Ilaah ka badbaadiyo Dhibaatooyinka halkaa ku haysta waxaa kaloo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Golha Maxamed Talhliil oo ugu baaqey Jaaliyadaha kale in ay taageero u soo fidiyaan ummnadda soomaaliyeed dhibaatooyinka haysta si looga maarmo Gacan shisheeye

Dhinaca kale Kaamka Miicaad oo isna ku yaal Duleedka Magaalada Muqisho ayaa isna loo qaybiyey deeq uu soo dhiibey Urur NGO’ oo ka dhisen Dalka Mareykanka laguna magacaabo Haro oo marka la fasiro noqonaya Humanitarian African Relief Organization waxaana isna deeqadaas loo soo marsiiyey Golaha Samadoonka iyo Horumarinta soomaaliyeed waxaana loo qaybiyey dad gaaraya ilaa Boqol Qoys waxaa deeqdaas ka mid ahaa Bariis,Bur , Saliid iyo timir iyadoo dadkii loo qaybiyey Deeqdaas ay sheegeen in markii ugu horeysey deeq noocaas ah la soo gaarsiiyo waxay u mahadceliyeen intii soo abaabushey iyagoo ugu baaqey Jaaliyadaha kale in ay ku daydaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika waxaan kaloo Gudoonsiintaas ka Hadley Gudoomiyaha Golaha Maxamed Tahlil Warsame oo ugu horeyntii u mahadceliyey intii soo dhiibtey isagoo ugu baaqey Jaaliyadaha kale in ay gacan u fidiyaan Bulshada soomaaliyeed ee dhibaateysan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.