Home » Warar »

Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey)

Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 September 2009.

Gudoomiyaha JWXO oo hambalyada ciidul-Fitriga hawada u marinaya shacabka Ogadenya.

Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey).

Dagaalo iyo weeraro lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.

Barnaamijka Salaamaha iyo tahniyadaha Ciidda Barakaysan ee Ciidul-Fidhriga.

======================

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaaday ciidamada gumaysiga Itoobiya ee sida doolka ah kujooga Ogadenya,weeradaas oo khasaarooyin ba,an loogu gaystay ciidamada nacabka ah ayaa :

01-09-09 Tuulada baladul-Amiin ee gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa lagaga dilay 4 askari halka khasaaraha dhaawac aan faahfaahin laga haynin.

07-09-09 Leedileey oo ka tirsan gobolka Jarar weerar mir ah oo ay cutub ka tirsan ciidanka xoreynta Ogadenya ku weerareen ciidamada wayaanaha ayay kaga dileen 7 askari.

Ciidamada geesiyiinta xoreynta Ogadenya ayaa 13-09-09 miray ciidan gumaysi oo ku sugnaa tuulada Galadiid ee gobolka Qoraxay,waxaana weerarkaas mirta ah lagu soo gaadhsiiyey khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana aroornimadii lagu daldalay maydka askartii weerarkaasi lagu laayey diyaaradaha qumaatiga u kaca

14-09-09 Balli Dhuure oo ka tirsan gobolka Jarar dagaal ka dhacay waxaa ciidamada naflacaariga gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari halka 3 kalana lagaga dhaawacay

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.

Waxyeelooyinka kala duwan ee ay ciidamada wayaanuhu u gaystaan dadka rayidka ah ayaa maalin walba sii siyaadayada kadib marka ciidamada wayaanaha lagu jabiyo goobaha dagaalka ee ay iskaga hor yimaadaan ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya:

01-09-09 Tabaayo oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya si xun ugu jidh-dileen : Axmed Nuur Yusuf

Ciidamada boobka loo keenay ogadenya ayaa 05-09-09 Tuulada Cobole ee gobolka Nogob ku dhacay kadib markay si ba,an u jidh-dileen Tixaan Sheekh Yusuf waxayna ka dhaceen dhibanahaas badeeco qiimaheedu gaadhayo1000 Bir iyo 1000 Bir oo kaash ah.

07-09-09 Galaa Roobe oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada cadowga Itoobiya kaga dhaceen 7 neef oo Adhi ah : Haybe Cabdullahi Bile.

09-09-09 Tuulada Buku Dhawo oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar waxay ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya ku jidh-dileen dhaawacyo halis ahna u gaysteen

1- Axmed Koosar Catoosh
2- Maxamed Macalim

Dhankaasi iyo Degmada Baabili-na 10-09-09 tuulada Cobosha Mulli oo ka tirsan Baabili ayay ciidamada wayaanuhu ku jidh-dileen gabadha la yidhaahdo : Zeynaba Axmed Muse

11-09-09 Dhaqaya Boor oo ka tirsan gobolka Qoraxay waxay ciidamada dilka ku caan baxay ee gumaysiga Itoobiya ku dileen Alle haunaxariistee : Ibrahim Axmed Sahid

15-09-09 Golcaano oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya xadhig iyo jidh-dil ay dhawacyo xunxun soo gaadhsiyeen isugu dareen: Khayro Cumar Shuuriye.

21 kamid ah ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howlgala magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ayaa 07-09-09 ku kufsaday magaaladaas gabadh layidhaahdo Koos Faarax Xassan ,waxaana aad looga dayrinayaa xaalada caafimaad ee gabadhaas .

08-09-09 Tuulada Qoriile ee gobolka Doollo waxay ciidamada gumaysigu kala tageen kadibna ku xidheen magaalada Dannood sadex nin oo la kala yidhaahdo:

1-Cabdullahi Cabdi Khaliif.
2- Rashiid Xuseen Gadhyare
3- Axmed Qorane

Isla gobolkaasi Doollo 08-09-09 tuulada Bambaase waxay ciidamada cabudhisku si xun ugu jidh-dileen : Aamina Khadar Xuseen

09-09-09 Tuulada Buku Dhawo ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya jidh-dil ba,an ugu gaysteen Maxamed Calooleey XalXal ,kadib markii lagu jabiyey dagaalkii cuslaa ee 9-9-09 ka dhacay tuuladaas oo khasaare ba,an oo dhimasho iyo gubid gaadiid dagaal loogu gaystay.

11-09-09 Degmada Eimay-da Bari ee gobolka Shabeelle waxay si xun ugu jidh-dileen ciidamada wayaanuhu

1- Axmed Dalab Maxamed Cali
2- Cismaan Weli Cabdiraxman
3- Geni Amardiid Cabdille

Ciidamada Naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa 13-09-09 ku dilay Tuulada Isma Dhaxal ee gobolka Jarar alle ha unaxariistee Shafeec Faroole Cabdi Aaden,waxay sidoo kale tuuladaas kala tageen 4 nin oo aan ilaa iyo hada la ogayn meel iyo xaalad ay ku sugan yihiin waxayna kala yihiin afartaasi nin:

,1- Cabdullahi Cumar Shiil
2- Dheeg Aadan Cilmi Shiil
3- Cabdinasir Cabdullahi Qawdhan
iyo midka afraad oo aanaan magaciisa weli helin.

Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey).

Wariyaha RX ee magaalada Goday ayaa noo soo xaqiijiyay in gabi ahaanba dhulka lalasimay Buundadii magaalada Goday. Buundadan ayaa halbawle u ahayd isu socodka gobalada Ogaadeenya iyo dadka beeraleeyda ah ee deegaanka Goday.

Buundadan oo ay ciidamada Itooboiya burburiyeen ayaan ilaa iyo hada aan lagaranayn sabata ka danbaysa burburinteeda.

Burburinta buunda Goday ayaa sababtay kala go,a ganacsiga iyo wax soo saarkii beeraha.
Masuuliyiin kusugan magaalada Goday oo aan la xidhiidhnay ayaa noosheegay in ayana aad ula yaabaynin falkan waayo Itoobiya wax walba oo dhib ah waa kasuurtagal.

Radio Xoriyo

21 September 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey) "

  1. ibraahim says:

    a/c
    waxaan salaamayaa saaxiibkay odhaahdan soo galayiy halkan waxaan rabaa inaan wax yar ka idhaahdo odhaahdiisa ah waxaad ku soo cel celiseen ogadenia ee dhulka soomaali oo dhan baa dagta,
    la islama diidana inay soomali oo dhani dagto dhulka waana mid aan ku faanayno hadaan nahay reer ogadenia waana dhulka magaciisa ee ma ahan qabiil magaciisa hadii aad isleedahay way is waafaqayaan ogadenia iyo ogaden uma arko inay tahay wax dhib ah maxaa yeelay wadanka sucuudi caribiya oo carabi dagantahay qoyska boqortooyada ayaa loogu magac daray wadankii oo dhan ee sidaa ula soco sxb mida kale waxaad tiri wax ka keena meesha waa la idiin daynayaa waxaan filayaa ilaa hada inaana kaa hayn wax taageera ah mahadsanid sxb

  2. Ina Bahal says:

    War hal mid aya idinka qaldan oo ah oo waxan ad lawaregeysan ee ah Ogadenia Adeerow mahan sidaa ee waaa dhulka Somaliada laheysto hadaad manta odhan ku heyso dhulka ogadenia adeerow imisa qabiil aya degan war dhulka somali odhan aya degan marka waxa uu dhulkaasi harumar ogariwayey waxa weeye adeerow hade waxa isasiiyey dhulki dhamaa Ogadeen hade waa ka xal ka keeena an idin aragnee meel somali odhan degantahey aya oranayaan dhulka ogadenia an aragno Ogaden waxa u ka keno far qurana fol madhaqdo nabadey