Home » Badda, Warar »

Baarlamaanka DFKMG iyo Heshiiska Badda

Dowlada FKM oo Baarlamaanka Waydiisatay inay ansixiyaan Heshiiskii Kenya ay la gashay (Isniin July 27, 2009)

Muqdisho:Somalitalk: Maanta ayaa Baarlamaanka Kumeelgaarka ah shir aan horay loo sheegin oo ay isugu yimaadeen ayaa DFKM waxay ku codsatay in Baarlamaanku an sixiyo heshiiskii Dowladu Kenya la gashay. ” fadhi aan horay loo sheegin oo aan maanta yeelanay Madaxweyne Sh Shariif-na kasoo qaybgalay ayaa loogu qaybiyay Md-yaasha Barlamanka HINDISE SHARCIYEED ay Xukuumadda Federaalku ku waydiisanayso in la ansixyo waxa loogu yeeray IS_FAHAM dhexmaray xukuumadaha labada Dowladood. Waxay ila tahay sida ka muuqatay ama ay ku guuxayeen Md-yaasha badankood,inaysa Xukuumaddu heli doonin kalsoonida ay golaha soo waydisatay” sidaas waxaa noo sheegay Mudane aan doonayn in magaciisa la shaaciyo oo Somalitalk lasoo xiriiray. Barri ayaa Baarlamaanku u balan sanyahay inuu ka doodo arintaas, lamana garanayo wax kasoo bixi doona..

Codsiga Dowlada ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay ka hartay laba asbuuc (14 bari) oo kaliya xiligii ladhagaysan lahaa Dowlahada Xogtoodii soo gudbiyey horaantii May 2009. Warsaxaafadeed kii Qaramadda Midoobay soo saartay May 15,2009 ayaa lagu lagu xusay arintaas wuxuuna u qoraa sidan: “Waxaa xusid mudan Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha, Mr. Rajan, in uu sheegay in dalalka akhbaarta iyo xogta soo gudbiyey wixii ka horaysay May 8, 2009 in ay noqon doonaan kuwa akhbaartooda ka hor akhriya Guddiga QM. Waxaa la ogyahay in Soomaaliya (ay gudbisay April 14, 2009) iyo Kenya (oo gudisay May 6, 2009) oo sidaas labaduba ka horeeyaan taariikhda uu xusay Mr. Rajan. Halkaasna laga fahmi karo in ugu yaraan Kenya ay ku jirto dalalka loo tixgalinayo cabbirka badda marka la gaaro August 10, 2009”.

SomaliTalk.com | July 27, 2009

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka DFKMG iyo Heshiiska Badda "

  1. abshir says:

    walaal hada iyo jeer waxaad u doodaan xuquuqda umada somaliyeey iyo dulka somaliya waadna ku mahadsantihiin halka dadka qaarkood ay heshiisyo ay xolaha somaliyeey ku baneesteen ay galayaan walee dowlada tani xisaab ayaa sugeeso waa cadowga uma somaliyeed dowlada tan

  2. cawil says:

    hadaan madax ahaan lahaa waxaan webka somalitalk siin lahaa bilad dahabi ah waxaana aan ug a helaa sida hufan ee aad usoo diyaarisaan qoraalada iyo araysiyada waad ku guulaysateen halgankii qayb kamida ilaahoow yaa og kenya waxay leedahay webkasaa nafashiliyey hadii uusan jiri lahayn waa noo hirgeli lahaa arinkaasi ilaahay baanse u qorin sheekadoodu waxay ahayd ku qabso ku qadi mayside si aan nfd na looga wada hadlin mar danbe oo intii aan haysanay lainagu qabsado waad mahadsan tihiin aswc