Home » Warar »

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Qorsheynaya in Dowladda Itoobiya ka Dhaadhiciyo in loo qabto Gobolada Bay iyo Bakool

Xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa noo sheegey in Shariif Xasan Shiikh Aadan haddii uu ka tanaasulo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga qaaday in ay u qorsheysan tahay in Dowladda Itoobiya uu ka codsado in Ciidamadeeda ay ku gacan siiyaan Sidii Xarakadda Al Shabaab looga Saari lahaa Gobolada Bay iyo Bakool.

Qorshaha uu wato Shariif Xasan Shiikh Aadan ayey Siyaasiyiintaas ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool waxay sheegeen in haddii uu u hirgalo waxaa uu ku dhawaaqi doonaa Maamul Goboleed Hoos yimaada Gobolada Bay , Bakool iyo Shabeelada Hoose ka dib waxaa u qorsheysan in marka uu u hirgalo Qorshahaas uu Madaxweyne ka noqdo Gobolada Bay iyo Bakool sidaana uu ugu sii jiro Siyaasada Soomaaliya, waxayna sheegeen waa Hadii uu waayo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga qaaday ee haatan weli ka taagan Khilaafka .

Fikirka u qorsheysan Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa lagu waramey in ay la wadaan qaar ka mid Siyaasiyiin ka soo jeeda Goboladda Bay iyo Bakool , waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in Dalka Itoobiya Gaari Doona Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay isla meel dhigi doonaa qaabka ugu haboon ee Xarakada Alshabaab looga saari karo Goboladda Bay iyo Bakool islamarkaana maamul loogu sameyn karo.

Shariif Xasan oo dadka siyaasadda odorosaa ku tilmaamaan Siyaasi is rog rog badan ayaa waxa uu Dowladda Shiikh Shariif ka noqdey Wasiirka Maaliyada wuxuu awoodey in mar kale uu soo ceshedo Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuuna Daaqada ka saarey Gudoomiyihii hore Shiikh Aadan Madoobe, waxayna dad isaga ku dhow dhow ay sheegeen in uu ku haminayo in uu mar uu madaxweyne ka noqdo Dalka Soomaaliya iyadoo Fikirka ah in Dalka Madaxweyne ka noqodo ay si aad ah u taageersan tahay Dowladda Itoobiya.

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Saaxiib dhow la ah Dowladda Itoobiya ayaa markii  Xildhibaanada Baarlamaanka xilka ka qaadeen isaga dibadda ku maqaan ayaa markii uu dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdiho wuxuu Dowladda Itoobiya ugu baaqey in Ciidamadeeda ay soo galaan Soomaaliya taasoo ay si aad ah uga caroodeen  Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku tilmaamey mid wax u dhimeysa Qaranimadii Soomaaliya hadiiba shaqsi Codsi intaa la eg u jeedinayo Dowlad kale , hase yeehsee Ciidamada Itoobiya waxaa moodaa in ay u Hogaansameen Codsigaas ka dib markii ay Duulaan ku soo qaadeen Magaalada Beled weyne , Hadaba la arki doonaa halka uu ku dambeeyo ama uu saldhigto Shariif Xasan Shiikh Aadan oo weli ku adkaysanaya guddoomiyanimadii baarlamaanka kaddib markii Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanku ka qaadeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Qorsheynaya in Dowladda Itoobiya ka Dhaadhiciyo in loo qabto Gobolada Bay iyo Bakool "

  1. Maay says:

    Waxaan idin xusuusin lahaa dhamaantiin
    Digit io mirifle,raxawayn In ay ka gudubtay waqtigii siyaasadeeda Hal albaab oo laga soo galo ay lahayd
    Waxaan xusuustaa in alle ha u naxariistee zoobe uu aha furaha laga soo galo siyaasadeeda digit mirifle xukuumadii na soo martay ee kacaanka,waxaan filaayay in waxaan laga gudbay,waxaan dhiirigalinayaa in An halsiyaasi loo dabafariisan siyaasadeeda raxawayn furaha uusan noqon nalagasoogalo “………..

  2. Ahmed oday says:

    Waxaan filaayey inaad tihiin website dhexdhexaad ah oo ka hadla arimaha murugeysan ee Soomaaliya laakiin nasiib daro ma garan karo waxa aad u kala taageersantihiin madaxda Soomaaliyeed oo dhamaantood aan oran karo waa qaldanayaal siyaasadeed, fadlan dacaayada iska daaya oo sumcadiina iyo karaamadiina meel ha uga dhicina, shariif Xasan hadii uu isku soo sharaxo madaxweynanimona waa muwaadin u dhashay deegaanka lixda gobol ee uu ka asoo jeedo, deegaankaana Soomaali waa degtaa laakiin dadka hada maamulka u sameeystay oo boqolkiiba sagaashan dega oo aduunka u ictiraafsanyihiin waa digil-mirifle oo ku dhawaaqay southwest state ku dhawaad toban sano ka hor, markaa yeeysan idiin dhibin xaqiiqada hana noqonina website mooryaan oo waxaad mudantihiin sharaf iyo ixtiraam ee iska ilaaliya shaqsiyaadka wax ku soo qora oo dano gaar ah leh ama shaqsi madax u gefaayo inay sumcadiina websiteka ay ku ciyaaraan. Hadii aad diidantihiin xuquuqda aan leeyahay oo aan inaan fikirkeeyga ka dhiibto qaladaadka shaqsiyaadka qaarkood oo aadan ogoleeyn inaan jawaabteeyda dhiibo oo aad ka tirtirtaan mar walba oo aan arko xadgudub noocaan oo kale markaa waxaad diidantihiin dhabcan runta waxaana aan aaminsanahay in ay jirto xad ina kala haga (boundary of legality) oo mudan in aan isku xaqdhoowrno si aysan arintu faraha uga bixin.

  3. Samo Doon says:

    Qayaamooyinka qaran ee soo noq-noqday meeshoodaba ha joogeene, su’aashu waxa ay tahay ma u qaban karaan haddiise ay u qabtaan odogu ma leeyahay awood uu ku heeysto?

  4. Ahmed oday says:

    Waad ku mahadsantahay warbixntaada xiisaha leh, waana wararka la isla dhexmarayo oo hada loogu hadal badanyahay, laakiin Mr Amiin waxaanan fahmin waxa keliya oo aad ugu soo koobtay gobolada baay, bakool, sh-hoose, sida waaqiciga ee jirta oo xogagaal gudaha iyo dibadaba ay noo sheegeen in arintaan ay soo dedejisay dawlada Itoobiya oo rabta in maamulkii koonfur galbeed Soomaaliya ee lixdii gobol ee uu madaxweynaha u doorteen kol hore Xasan-shaargaduud in dib loogu magacaabo sharif Xasan oo markii mudadiisa uu dhameeystana u isu taago madaxweynanimo ay dabada ka riixeeyso itoobiya iyo igad waana taas xaqiiqada la saadaalinayo.

  5. warsame says:

    Waa arin soo dhawayn mudan in shariif maanta uu habaynayo in raxan weeyn dhisato dawlad u gaara oo yeelato madaxweeyne isna ka naqdo. soomaalida runta marabaan inay islugooyaan bay dan moodeen mudadaas aadka u dheer ee 22 sanadood ah. marabaan dawlad nimo iyo in uu jiro qaran soomaaliyeed waxaa beelaha qaar bilaabeen inay itoobiyaan u tagaan oo zanaawi soo caleemo saaro sida beelaha hargaysa iyo beelaha garoowe iyo beelaha baraxleey iyo beelaha ximan iyo xeeb iyo beelaha cawl lanad iyo beelaha azanaia iyo beelaha cabud waaq.

    waxaa wax ismooday kuwa u tagay zanaawi oo beel u fakaraya taasoo beelihii kalana ay ka daba qaateen oo ku daydeen wuxu maha fadaraal dawlad ku dhisan ee waa jifo iyo beel maamul ku dhisan. beelihii utagay oo sida xun uugu tagay shisheeyaha ayaa khaldan waloow kuwa kadaba tagayna aysan sax sanayn hadana waa la xintamayaa maatama dalka wax u dan qadaa jirin oo aynaan rabin dawlad nimo oo qabiilku inagala waynaaday iyo jifadaydaa madax weeyne ah.

    Hada majiri doonto mardanbe in jifo jifo kale isugu sheegto madaxweeyne ayaan ahay!!! waayo zanaawi baa ka dhigay jifa walbana haday u tagto wuu ka dhigayaa sida hada shalay hargaysaa utagtay wuu ka dhigay dawlad hadana khaatumo ayaa utagtay wuu ka dhigay dawlad waxaa kaloo utagay awadal state wuu ka dhigay sidaas ayaa waxa usoconayaa.

    Hada in raxan weeyn utagto zanaawi oo baayland loo sameeyo waa sax waayo beelahay ku dayanayaan sidan danta mooday.hadaba markii tuulo walbaa yeelato madaxweeyne u gaara sidaa halagu kala joogo ama dhaha dani kuma jirtoo dhab u heshiiye oo dhista dawlad si aad u noqotaan soomaaliyeey qaran jira.

    Hadaan qarankii iyo dawlad nimadii larabin beeli yaysan daba galin beel danaheeda u shaqaysanaysa oo aan iyaga waxba u haynin maamulkana u haysta waxoodi beel ahaaneed.waa soo dhawynaynaa in raxanwayn dhisato dawlad mana dhib badana waa intaad iska arkaysaan uun zanaawi oo ruqsadan bixiya.

  6. garaad says:

    a/s/c/ waxaana usheegaya umada somalia ina dhibata kudhacaday somalia waa kafagasha alle marka waxaana usheegayaa ina ducada subixii laqariyo ina kutimida nimakii beeta usheegay nabiga oo sheegay ina muslimena oo dilay 70tanakii nabigu kudaray marka xasuuta oo usheega culimada iyo waxa garada iyo aqoonayahaka