Home » Faallo »

Go’aanada Shirka London oo la sii Ogaaday

Waxaa in mudda ah la hadal hayay shir ka dhici doona magaalada London oo looga hadli doono arrimaha soomaaliya, sida la ogyahay marna dowlada ingriisku ma muu jin siyaasad ka hor imaaneeysa midnimadda soomaalida lamana safan mid ka mid ah dhinacyada soomaalida ee iska soo horjeeday.

Hadaba waxaa isweeydiin leh shirkaa maxaa ka soo bixi doona? Yaa ka ah danleey? Waa maxaay caqabadaha suuragalka ah? Maxaa sababay in shirka inta aan la qaban go’aanadii ka soo bixi lahaa la sii diyaariyo, ka qeeyb galayaashuna iska aqbalaan? Maxeey yihiin 4 bog go’aanada ku qoran? .

Waxaa Qoray. Prof. Yaxya Sh. Caamir -- E-Mail: yahyamw4@gmail.com

Shirkan aad ayaa loo hadal hayay dowlada ingriiska oo markii hore daneeyneeysay lafteedu waa ka niyad jabtay, dhowr jeer ayeey dib u dhigtay, markii arrinta eey faragaliyeen dhinacya badan waxaa ugu horeeya xafiiska UNPOS oo asagu sheegta in uu masuul ka yahay siyaasada soomaalida,TFG duna eey isaga uga dambeeyso, asaguna uu soo gudbiyo magacyada shaqsiyaadka iyo kooxaha ka qeeyb galayo, si eeyna shirka uga soo bixin wax ka horimaanayo qorshaha siyaasadeed ee UNPOS dalka ku hogaamiso.

Dowlado eey ka mid yihiin Masaarida iyo Talyaaniga oo aan ogoleeyn in xal eeyna iyagu garwadeen ka aheeyn soomaaliya laga gaarin, ayaa ku shiray magaaladda Qaahira oo go’aan fashili kara kan landon lagu gaaray,si loo hirgaliyana la go’aamiyay in raiisul wasaaraha dowlada soomalida ROMA looga yeero .Labadaa culeeys iyo kuwa kale ayaa hami jabiyay dowlado iyo ururo badan oo markii hore shirka daneeynayay.

Go’aanada shirka oo eeyna ii suura galeeyn in aan halkan ku wada tarjumo,waxa eey yihiin 4 bog waana sidan, haddii aan mustaqbalka wax laga bedelin ama lagu kordhin.

A) Financial & Asset management in Somalia:

inta badan qeeybtan waxaa diyaarsaday dad shaqa doon ah oo Somali iyo ajnabi isagu jira kuwaa oo doonaya in miisaaniyad eey u helaan xafiis cusub oo UNPOS hoos taga .qodobka 2aad ee boggan waxaa looga hadlayaa guddi ka gooban TFG iyo deeq bixiyayal. Waxaase la isweeydiiyay dhowr su’aal oo bog kasta ku qoran.Joint TFG-Donor financial management Board. Waxa la yaab leh guddigan oo heer qoran iyo caalami isagu jira haddana shaqadiisu in eey tahay mid gobal, oo culeeyska saarayo dekada iyo Airporka xamar kuwa kalena leh shaqa kuma lihin. Waxa eey isweeydiiyeen su’aalahan, sidan u qoran.How this be achieved? How likely is success? How long it will take? Waxaa lagu jawaabay QUICKLY. Isla bugan qeeybta 3aad waxaa la isweeydiiyay: What do we want the London conference to achieve? ( WE, waa kuwama ?) WE, waxa eey ku koobeen jawaabta dhaqaale, maamul heshiis lagu yahay. kadib waxaa ku qoran su’aala kale: What do we want London conference to announce? WE mar kale waxeey isweeydiiyeen shirka maxaan ka sheegeeynaa? Ma dhahnaa qofkii ka horyimaada……., sida kii kampala, isma hubno, aan dhahno wada shaqeeyn TFG iyo deeq bixiyayaasha. Waxaa kale oo ku qoran. What we need to be done to secure agreement at conference? Inta aan shirku dhicin aan isla meel dhigno xubnaha gudiga, aana sharci cuksjino iyo sida soomaalidu wax u qeeybsato haloo qeeybiyo, ma waxeey uga jeedaan 4.5 ma oggi, qoraalkana kuma cadda, waase koox iswadata si kastaba wax ha ku qeeybsadaane.

B) Main messages and initial conclutions:

Waxaa lagu bilaabay qeeybtan: It is clear that August,2012 is a key dead line .markaa waa in loo yeero dhinacyada maqan. Hayadaha doowliga ah ee hadda jira halaga bedelo nooca eey yihiin, hana la helo wax u eg baarlamaan !!!!! maxaa laga wadaa wax u eg….? Hala sameeyo maamul ku meel gaar ah!!!!! Sow tii la lahaa Augusto waxaa laga baxaa dowlad ku meel gaar ah, kuwani maxeey u daneeynayaan in aan ku sii jirno KMG, Dowlada ingriisku maka ogolaanee? Waxaa kale oo la isku khilaafay sida qoraalka ku cad ,hala adkeeyo sadaxda maamul ee Soomaliland, Puntiland iyo Galmudug salna ha u noqdeen dowlada iyaguna ha horkaceen ,qaar kale ayaa yiri : MAYA dowlada ayaa iyaga sal u noqee. Aaween gobaladii kake? Waxaa la yiri; waxii shirkan ka soo baxa waxeey ku egyihiin bisha august 2012,dhinaca nabadgalyada, waxaa lagu soo koobay in laga foojignaado xirfadaha cusub ee shabab, in AMISOM dhaqaale loo raadiyo iyo in la taageero howlgalka Kenya.

C) Promoting local stability in Somalia:

Waxaa la yiri: hala helo deegaano isku filan oo laga saacido nabad galyada ,shirar dib u heshiisiin halaga bilaabo gobalada dhexdooda ,hala sharciyeeyo awooda maamulada gobalada (( maxeey uga jeedaan anagaa qabaneeyna shaqadii baarlamaanka hadda is khilaafsan oo waxeey isa siiyeey awoodii sharciyeeynta, …..sidaa wax kuma sharciyeesmaan)))) waxaa lagu daray soomaalida hala baro maamul dowlad wanaag( good governance) …. taa horaa loogu qaraabtay u maleeymaa in lacag looga helayo deeq bixiyayaasha.. timirtii horaa dab loo waayay. ka dibna waxaa la isweeydiiyay su’aalihii hore.. sideen u suura galinaa? Waqtigeey naga qaadee?

D) Somali Political Track

waxaa la soo jeediyay in heshiiskii Jabuuti, Kampala iyo Road mapka loo isticmaalo xal.waxaa la raaciyay in iskaashi ciidan loo abuuro.AMISOM, ciidamada TFG iyo Kenya .waxaa la raaciyay in laga shakisanyahay Road mapka oo dana gaar ah ka muuqdaan, in la isku dayo in Road mapka lagu baabiyo shirka haddii eey suuragal u muuqato iyo in aan wax la kordhin bisha Augusto kadib.

Intaa ayaan ka ogahay shirka ku darso inta aad adiguna ka ogtahay….Shirkii loo hanweeynaa wuxuu noqday ( Buuraa Foolatay wixii la Sugaba Cirbad ayeey Dhashay).

Halkii noloogu tashanayay ALLAAH waa joogay. wixii ummadda U dan ah ALLA hana waafajiyo.

Waxaad xor u tahay in aad Dhaliisho, wax ku Darto, Beeniso, Rumeeyso, wax ka Bedesho Qormadaan.

Waxaa Qoray. Prof. Yaxya Sh. Caamir
E-Mail: yahyamw4@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Go’aanada Shirka London oo la sii Ogaaday "

  1. aisha says:

    Marka ug horeeysa waxaan mahad iyo inuu Allah kaa jasaaid siiyo sida daacadnimada leh, aad maqaalkan noogu soo gudbiso, waana sidaa aad sheegtay, ‘Shirka London wax faaido ah Soomaali uma soo siddo’ Ingiriis wax faa’iido waqooyi Soomalua uma soo hayaan, Talyaanina wax faa’iido uma hayn koonfur Soomalia, Amisoom wax faaido uma hayaan TFGga,kuwan tangiyada soo geliyey Jubbada Hoose, Gedo iyo Beletweyne faa.iido uma hayaan Soomali, kuwa Khaatuma iyo Awdal dhegta been ugu shubaayaana faa.iido Soomali uma hayaan. Soomaalia Soomali baa leh, waa dhul balaaran oo qani ah, inagu wada filan, nagaba badan, aanu difaacano !!

  2. abuu mascab says:

    scw walaal prof qayr illaah hakaa siiyo. laakiin sida casayr sheegay kusoo lifaaq origanalka si loo aqristo, sharta gaalada iyo munaafaqiinta illaah hanaga hayo AAMIIN AAMIIN

  3. Sheekhul says:

    ASC Prof Salaamulaah. waxan filayaa Profsooradu dhibka waa arkaan ama heli ogyihiin laakiin sida looga baxo ma baran!! Miyaa? mise. sababtoo ah intas waxan webabka ku arkaa profesor dowlad lid ku ah ama maamul laakiin wali ma arag prf xalkiisa haakah lagu dhahay. somalidu waxay dhehdaa (sartu halka ay ka qurantay waa halkaa.) su,aalshu waxy tahay dowdalahan shirarka qabanaya iyo hay,adahan aad sheegtay ee shaqa doonka ah dhamaantood sow dad wax bartay ma ahan profosore hadaba hadii aanu nahay soomali halka aan ka dhimanay waa dadkii wax noo bartay oo aan dhinacna jirin soomaliya markay tagaan Qabiil ayay galayaan dibadahan marka ay joogana in ay wax mucaaradaan maahine macno kale ma hayaan. sidaas darteed waxa laga wanaagsanyahay sidaas waa la yiri ee profosore inta aad u horaysa oo soomali wax u baratay intaad is raadsataan soomali meesha ay joogta ka qaada cidna uma maqno ceelna uma qodno oo Ragaas mashaariicda ku raadsanaya dhiiga umadda soomaliya idiinkama xigaan idinkaa ka xigee ka kaca fadhiga…..

    ….waxaan ka bixinayaa raali galin buuxda qoraalkayga hadii Khalad loo arko aniga waxaan ula jeedaa dhiira galin. hadii uusan ku haboonayn in uu ka muuqda boga tirtira mamulka somalitalk. wabilaahi Towfiiq,

  4. kaafi says:

    Proff.Yaxye aad ayuu u mahadsan yahay, laakiin waxaan qabaa maanta haddaan helno wax isu keen kena 10 sanoba ha ina gumeysteene waan u baahannahay, maadaama aanaan lahayn caqli nagu filan oo aan dawlad ku noqon karno…. caalamku 22 sano ayuu ina sugayay.. ma sidaan nahay baan adduunka ku dhamaysan doonnaa????? ciddii ina qabsata dan kama lihin kamana liidan doonnno sidaan nahay ee inaka daaya shakiga aan qiimaha ku fadhiyin.. waa aragtidayda

  5. A/C Prof. yahya aad iyo aad ayaad umahad santahay hadaan somalinahay waan og nahay intee wax u ilaaban tahay oo horaaloo yiri fulay xantii mamooga ILLAHAYN wuxu cadeeyey in aan gaal marna abaal kuu gelayn,,,, balse shirka LONDON way caday in laba arimood mid uun laga soosarayo labaad qodob oo kal ah 1) in somalia marlabaad dib loo gumaysto ama indhaarakti ha noqoto ama sitoos ah hanoqoto ee
    2) oo ah in lagu sameeyo shirkaas dawlad ku sheeg ay maamulaan dadkaa shirkaa qaban qaabinaya markaa ay somaliya noqoto meel istaraatiiji ah oo halbawle unoqota wadamada ree galbeedka…. su aashuna waxa weeye goormay somaliye somali dhab ah noqonaysaa………………

  6. maxmd cabi says:

    salaan qali ah prof yahye.waa cadahay danta reer galbeedku balse mar hadaanan ahayn walaalo soomaaliyeed oo meel kasoo wada jeda (waxan kawadaa dad is raba) maxaa lagu hurayaa in sidaan iyo midka xunba aan hoos tagno,ilaah baan lee nahay waa run,balse gobanimadii soomaaliyeed oo dhiigu ku daatay rag badan u dhinteen hanashadeedii
    in maantay halkaan joogno arin noqoto rabi nama badin,waa mid dadkeenii soomaaliyeed is dhigeen.aad baan uga xumahay rabiyoow magantaa.

  7. casar says:

    A/C Prof. waan ku salaamay marka hore. Marka xiga warabixintaada waan akhriyay waxaana ka oranayaa saddax qodob (1) warbixintan xagee lagu faafiyay ma sirbaa oo adigaa helay haday sidaas tahayna ayadoo dhameystiran maxaad u soo daabici weyday ileen aduunkan maanta waa layiri kama socoto, macnuhuna ma,ahan inaan ku tumayo laakiin cadaaladaa sidaa ah.
    (2) Tan labaad waxaa weeyo miyaadan prof. ogoyn dhibaatada annaga somaalida ah aan isku haynu inay ka weyntahay dhibaatooyinka dibadda nooga imanayo. sidaa darteed nin asaga isgowracay oo gal galanaya geeriduna hayso cadawgu muxuu ku fali gowriciisa gacmahana isaga wasakheyn.
    (3)Tan sadaxaad luuqadda uu ku qornaa maqaalku tafatirid badan ayuu u baahnaa. siday koley aniga ila tahay.

  8. asc/ mahadsanid prof/ yaxya sida quruxda badani aad usoo gudbisay macluumaadka waxaana hubaal ah in aysan dani ugu jirin umada soomaaliyeed shirar loogu qabto dalka dibadiisa waxaana isweeydiina mudan uk xageey bay jirtay 20 sano aynu isleeyneeynay mise hada ayey kubaraarugtay in boobka soomalaiya qeybta ay kula hayd halis kujiro.
    mahadsanid

  9. Samo Doon says:

    Professor Yahyoow marka kore Ilaaheey ha kaa jiso iyo xasanaad siiyo dadaalka wadaninimada ah ee aad geshay oo aad umadda Soomaaliyeed intii aad gaarto ugu soo bandhigtey warbixintanta aad ka soo diyaarisay shirqoolada loo maleegayo Soomaalidaa tafaraaru dhexdooda ah iyo dibindabyo shisheeyo lagu ibtileeyey. Waa runtaayo ilaahey waa joogaa halkeey halkeey shimbiro diin ugu tashadaan! Rag iyo Rabbi bay lahaan idin Ilaaheey!