Home » Faallo »

Ma Maqashey, Ma Taqaan, Mise Waa Moog tahay

Xaaladda Soomaaliya oo oo marba marka ka dambeysa ay Cirka isku shareereyso ayaa waxaa doorbidey in aanan ka Aamusin sidaa darteed Soomaalida waxay tiraahdaa haddii Rag Coloobo oo Ciifo Dhexmarto , hadba sidaan ku Ciil Bixi karo waa kuu Cawo Adduun , waxaan doonayaa in aan Xaaladda Soomaaliya ka hadlo laga soo bilaabo Sannadkii 1992 Xiligaas waxaa Qaramada Midoobey uu Go’aamiyey in Soomaaliya Ciidamo loo diro markii ay sidaa Codsatey Dowladda Mareykanka waxaa Soomaaliya yimid Ciidamo uu horkacayo Mareykanka oo gaareya ilaa 35 Dowladood waxaana soomaaliya lagu soo galey magaca Restore Hope oo ah Raio soo celin ka dib markii Dagaaladii Sokeeye ay abuureen Abaaro Daran iyo Macluul

Ciidamadii Mareykanka uu horkacayey waxay galaafteen Dhowr Kun oo Soomaali ah , iyo Burburka Hantidii Ummada soomaaliyeed weliba loogu sii darey in la bililiqeysto Hubkii Qaranka Soomaaliyeed iyo Khayraadkii Ummadda uu lahaa hase yeeshee waxaa markii dambe Howshii la wareegey Qaramadda Midoobey oo magacii Untaf loo bedelo Unisom iyagiina waa ku fashilmeen Xaaladda Soomaaliya waxaa sii dheer in Cunaqabateyntii Hubka ee lagu soo rogey Soomaaliya sannadkii 1992 dii iyana ay shaqeyn weydey waxaa soomaaliya hub ku soo dal daley Dawladda Deriska la ah soomaaliya gaar ahaan Itoobiya oo iyadu maalin Cad soo gelin jirtey Spoomaaliya taasina waxay keentey Xaaaldii soomaaliya ay noqotey mid ka sii darta

Taariikdu waxay sii socoto Xaaladii soomaaliya waxaa loo gacan geliyey Dagaal oogayaashii ka dib markii Mareykanka uu qaatey in uu Soomaaliya si dadban uu uga Aasado, wuxuuna abuurey Isbahaysigii argagixisa la dirirka , ee tabcanayaalkii Mareykanka hase yeehsee waxaa markiiba ka adkaadey Shacabka Sooomaaliyeed oo ay horkacayen Maxaakiimta Islaamiga , balse Mareyakanka Isteerinkii ka Aarsashada Soomaaliya wuxuu u weeciyey Itoobiya ka dib markii uu Mareykanka uu si aad ah u soo Hubeeyey balse taasi ma sii socon oo Ciidamadii Itoobiya si hal haleel ah ayey ugua baxeen Soomaaliya waxayna Ciidamada Itoobiya iyana Galaafteen Kumanaan Somaaliya iyo weliba Barakacii ugu balaarnaa waxaana weli soo qoyan Raadka dhibaatadii Ciidamadda Itoobiya ka geysteen Soomaaliya .

Mareykanka ma harin wuxuu mar kale Soomaaliya ku soo Daabuley Ciidamo loogu yeerey Amisom hase yeeshee ay yihiin Ciidamo uu soo dirsadey Mareykanka taana waxaa ku garan karataa sida ay uga talaabeen ama ugu Xad gudbeen Magacii Nabad ilaalinta waxayna iyana Xasuuq ka geysteen soomaaliya oo ilaa iyo hadda uu sii socdo , waxaana soomaaliya dhibaateenteeda ku soo biirey Dowlada Kenya oo iyana dhinaceeda ka bilowdey xasuuqa Ummadda Soomaaliyeed waxaana Ummadda Soomaaliyeed Daaha ka saarneyn in Ciidamadda Kenya ay yihiin kuwa u shaqeynaya Mareykanka iyo Xulafadiisa

Dowladda Mareykanka Magacayada beenta ah ee ay u sameysatey kuna Dileyso Ummadda Soomaaliyeed taasoo aysan weli fahmin dadka qaarkii oo moodayey in wax loogu qabanayo Magacyadaas bal Fiiri kii u kuluumeysi tagey Badda waxaa lagu Shaabadeeyey in uu yahay Burcadd Badeed iyadoo kuwii Badda Khayraadeedkii la baxay islamrkaana Sun ku shubey loogu yeerey in ay yihiin Ciidamadda Badda Ilaalinaya waa yeebee “Ninkii Sumeeyey Malaayiin Soomaali ah miyuusan ku sifoobey Burcad islamarkaana Geystey Xadgudub weyn,,kii ku sugnaa Dhulka isaga waxaa lagu Shaabadeeyey Argagixiso

Cadaawada Mareykanka iyo reer Galbeedka u qabaan dadka Soomaaliyeed iyo Gummeysiga ay la doonayaan waxaa ku garan kartaa Shirka ka dhacaya Magaaladda London 23 Feberaayo waayo Shirkaas Ummada Soomaaliyeed wax dan ah uguma jiraan waana shir la doonayo in Soomaaliya Maxamiyad lagu geliyo sidaa Dareed dadka soomaaliyeed waa ka wada dharansan yihiin in shir lagu qabto Dibada aysan waxba ka soo baxayn maadaaama Dhowr iyo labaatan Shir la qabtey islamarkaana laga dhaxley Burbur iyo Baa’ha , shacabka Soomaaliyeedna marnaba ma aqbalayaan Natiijo kasta oo ka soo baxda Shirkaas

Shacabka Mareykanka waxaa leeyahay Waxaad ku faantaan in aad Ilaalisaan Xaquuqda Aadanaha , Ma Dow baa in Dowladiina ay maalin weliba Xasuuqdo dad aan waxba galabsan kuwaas oo aan dhihi karo waxay labaatan sanno la daala dhacayeen Dagaalo iyo Abaao,r marka ma waxaad fiirsaneysaan dad maalin weliba Macaawino looga dhigayo Rasaas iyo Xabad hadaba inta ay goori goor tahay waa in aad dib u eegtaan Ariimaha Soomaaliya haddii kale waqti dambe ayaa soo baraarugui doontaan oo Xeero iyo Fanaal kala dheceen

Xisbiga Hiil Qaran waa Xisbi ay ay go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ka saaraan Dhibaatada 21 jirsatay sidaa darted dadka Gudaha iyo Dibadda ku sugan waxay il gaar ah ku eegayaan Xisbiga Hiil Qaran,sidoo kale Qurba Joogta dibadda ku sugan waxaana ugu baaqayaan in Mareykanka iyo Igiriiska ay ka dhaadhiciyaan in Soomaaliya ka joojiyaan Faragelinta maadaama ay hore ugu fashilmeen Xaalada Soomaaliya , dhinaca kale Waxaa u soo jeedinayaa Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo Saaxiib dhow la ah Sooomaaliya maxay ugu daawanyaan dadka soomaaliyeed Xadgudubyada uu Mareykanka iyo Xulafadisa u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay isugu darsameen Colaad , Abaaro iyo Cuduro waxaana Qormadeyda ku soo gabagabeynayaa Soomaalida waxay Tiraah Nin Xoog Yar Xaajo lama Ogeysiiyo, Nin Xoolo yarna Xaajo looma Dirsado,umadda Soomaaliyeeedna Dhibaatada wey ka bixi doonaan Inshaa Alaah waxaana leeyahay Mareykanka iyo Xulafadiisa Soomaalida waxay Tiraahdaa “Haddii Rag Coloobo oo Ciifo Dhex marto , Hadba Sidaan ku Ciil Bixi karo Waa Kuu Cawo Adduun”

W/D Cabdikariim Shiikh Yuusuf Ugaas (Gar-Yaab)
E-Mail : mushaawir11@hotmail.com
Muqdisho-Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ma Maqashey, Ma Taqaan, Mise Waa Moog tahay "

  1. cali says:

    afku kuma go,o