Home » Warar »

DFKMG oo Taageertay Hawlgalkii Maraykanku ka fuliyey Soomaaliya

iyo  Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday  qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho…

Press Release Our Ref 16/PR/CO/12

Warsaxafadeed

(Muqdisho 26 Jan 2012) Dowladda Soomaliy waxay taagersan tahay Howlgalkii Ciidmada Gaarka ah ee Maraykanku ku badbaadiyeen Nolosha Lahaystayaasha Hay’adda Denmark ee Miino barista.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jaahweyn) ayaa yiri “Xukuumada Soomaaliyeed, Shacabka Soomaaliyeed iyo inta maskaxdoodu xurtahayba, waxay ku faraxsan yihiin howlgalkii lagu badbaadiyay labadii shaqaale ee la afduubtay iyagoo ka shaqeynaya sidii caruurteena miinada aysan u waxyeeleyn. Luqada kaliya ee ay fahmayaan Kuwa wax afduubta, Burcad Badeedda iyo Argagixisada waa in si xoogan loo garaacaa, xukuumada Soomaaliya waxay intii awoodeeda ah ay kaalmo ka geysan doontaa sii deynta kuwa ku afduuban gudaha Soomaaliya”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “ afduubayaashaan iyo burcad badeeda waxa ay sabab u yihiin dhibatada aan la soo koobi karin ee heysata dadkeena, iyo dhamaan aduunweynaha intiisa kale, iaygoo Afduubanaya qofkasta oo caawineysa dadkeen macluushu hayso ama cudurada, sidookale waxay burburinayaan ganacsigeena iyaga oo is hortaagaya maraakiibta caalamiga ah ee ku safraya biyaha Soomaaliya”

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Jessica Buchanon iyo Poul Thisted waa dad naxariis badan, dadka Soomaaliyeedna ma heystaan saaxiibo uga fiican, iyagoo si geesinimo iyo nafhurid nimo ah isugu soo biimeeyeen si ay miinooyinka uga sifeeyaan dalkeena, ayna bad baadiyaan shacabkeena gaar ahaan caruurta si aysan naftooda ama xunahooda ku weynnin”

Dhamaad

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo saaka soo kormeeray qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne

Muqdisho, January 26, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka soo kormeeray qeybihii gubtay ee suuqa Xamarweyne oo xalay uu ka kacay dabweyn oo baabi’iyay qeybta qudaarta iyo raashinka ee suuqaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jaahweyn, Taliyaha Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye, Taliyaha Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Abaanduulaha hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarzan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u kuurgalay qeybaha gubtay ee Suuqa wuxuuna mid mid u tegay dhamaan guryihii iyo bakhaaradii qudaarta ee gubtay, isaga oo ugu dambeyntiina la kulmay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ay hantida ka gubatay.

“Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa, waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanta beelay in Illaahey deg deg ugu badalo wax kheyr qaba, anagu ka dowlad ahaana wixii karaankayaga ah gacan ayaa ka geysaneynaa” ayuu ku yir dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi wuxuuna u mahadceliyay ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir isaga oo ku ammaanay sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dabdamis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyey.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay foojignaan badan ka sameeyaan oo ay ka taxadaraan waxyaalaha keeni kara sababaha dabka kiciya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo intaasina ku daray in dowladdu ii qiimeyn doonto baaxada hantida uu dabku baabi’iyay kadibna ay la kaashan doonaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa sidii taakuleyn looga geysan lahaa khasaarahan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir in ay dib u dhiska suuqa ay qorshe cad u sameeyaan iyo jidad si looga fogaado inay soo noqdaan sababaha keena inuu dab ka dhasho suuqa.

—-Dhamaad—-

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.