Home » Warar »

Hayadaha WAMY iyo HARO oo si Wadajir ah u Qaybiyey Deeq Gargaar oo la siiyey Dad Gaaraya 550 Qoys oo Barakacayaal ah

Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa deeq gargaar noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo kun nool l Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Kaam lagu magacaabo Raaxoole ayaa waxaa Deeq raashin ah la siiyey Qoysas Tiradooda gaareyso 550 Qoys waxaana qoys kasta la siiyey 25 Bur ah , 25 kiilo oo Bariis ah 10 kiilo Sonkor ah iyo laba Caag oo Saliid ah waxaa Indha Indheynayey Qaybinta Deeqdaas Wakiilo ka socdey Hayadaha HARO iyo WAMY.

Masuuliyiin ka tirsan Hayada WAMY oo la Hadley inta aan Deeqdaas loo qaybin dadkii loogu talagaley Deeqdaas ayaa sheegey in Hayadooda ay bixisey Kharashka Deeqdaas islamarkaana waxay sheegeen Qaybinta Gargaarkaas ay u Xil saareen Hayadaha HARO oo ay sheegeen in Qaybintooda ay si aad ah ugu qanceen islamarkaana Wakiiladoodu yihiin kuwi firfircoon

Deeqdaasi dadkii la siiyey ayaa u mahadceliyey Hay’addaha HARO iyo WAMY , waxayna sheegeen in raashinkaan uu ugu soo beegmey Xili ay si aad ah ugu baahnaayeen , waxayna ka codsadeen mas’uuliyiinta Hay’addaha in ay halkaasi ka sii wadaan oo ay il gaar ah ku eegaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay Abaaraha iyo Colaadaha.ee ku sugan Soomaaliya

Wakiilada Hay’addaha HARO iyo WAMY oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa iyana waxay sheegeen in ay qaadanayaan wixii talooyin ah oo ay u soo jeediyeen dadka Barakacayaasha ah, isla markaana ay laba laabi doonaan deeqaha la siinayo dadka dhibaateysan.

Hay’adda HARO oo sannooyinkaan dambe hawlo dhinaca Biniaadanimada ah ka waday Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa waxay qayb libaax leh ka qaadatay sidii ay raashin gargaar u gaarsiin lahayd dadkii dhawaan ay dhibaatadu ka soo gaartay Abaarihii ku dhiftay koonfurta Soomaaliya iyo kuwa ku waxyeeloobey Colaadaha waana Hayad la dhihi karo waxay weli wadaan Gargaarkii la siinayey dadka dhibaatetysan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.