Home » Warar »

WARBIXIN KU SAABSAN MASJIDKA CUSUB EE ABU-BAKR Ee SEATTLE,WA

WARBIXIN KU SAABSAN MASJIDKA CUSUB EE ABU-BAKR Ee SEATTLE,WA

Masjidka iyo xarunta islaamiga ah ee Abubakr Gobalka washington gaar ahaan magaalada seattle ayaa lagu wadaa in uu furmo Sep.24th 2009 oo ah maalinta khamiista,waxaana la filayaa in munaasabadda furitaanka ay socondoonto ilaa sep.27th 2009 waana mudoo afar maalmood ah ,furitaanka masjidka iyo waliba xarunta jaaliyadda muslimiinta ah guud ahaan iyo gaar ahaan somalida ayaa in mudda ahi la sugayay iyadoo warbixinnadayadii hore aanu ka faahfaahinay dadaalka dheer ee laga soo maray in si guul ahi uu usoo gebagaboobo dhismaha xaruntan balaaran oo ka mid noqoan doonta xarumaha waaweyn ee fara kutiriska ah ee dadka msulimiinta waqooyiga America leeyihiin, maalinta ugu horeysa ee furitaanka xaruntan ayaa lagu casuumay dhamaan dariska aan muslimiinta ahayn ee xarunta ku dhaw dhaw,iyadoo lagu wado in halkaasi lagu siiyo faahfaahin ku saabsan xaruntan cusub ee dariska la ah.

Maalmaha Kale ee ee Sadaxda ah ayaa la filayaa in ay ka faaiideysan doonaan dadka muslimminta oo muxaadarooyin loogu tala galaya munaasabadda furitaanka ayaa halkaasi waxaa kasoo jeedin doona Culumaa’udiin Somaliyeed oo Kala ah:

ciiiid2
 

(1).SH.Axmed Noor Oo Noqan Doona Imaamka Cusub Ee Masjida Cusub Horayna U ahaan Jiran Imaam Masjid Ku Yaal (KANSAS)
(2).Sh.Abdurahman S.Cumar………………Oo Ka Iman doona Minnesota Kana Mid ah Culimada waa weyn Ee Gobalkaasi Minnesota
(3).Sh.Fosi Daahir………….. Minnesota
(4).S.CAbdullahi ABulfadli…..Minnesota
(5).S.Nuux …………………..Atlanta,
(6).Sh.Mohamed Khadar iyo Sh.Abdulkhaaliq oo iyana ka iman doona (Sandiego)
(7).Sh.Garyare……………..Main
(8).Iyo Sh.Abdullahi Ibraahim Oo Isna La filayo in u ka iman doono Minnesota Hadii rabi idmo oo aad moodid waliba in sheekhu dadka somaliyeed ee deggan magaaladan Seattle si gaar ah u daneynayaan una hadalhayaan .
Warbixinada iyo xafladda furitaanka masjidka dib ayaanu idinkala soo socodsin doonnaa Hadii Rabbi Idmo Waxii faahfaahin dheeraad ah kala  xariir
www.abubakrislamiccenter.org iuo emailka ah admin@abubakrislamiccenter.org
 
 
halkan kadaawo sawirada masjidka cusub riix halkan
 
Waxaa diyaariyay
Hassan Sunni
xnuur11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.