Home » Warar »

Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Shabeeladda Dhexe oo Fariin u direy Madaxweyne Shiikh Shariif

Kulan ay isugu yimaadeen Maanta 14./1/2012 Waxgaradka , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Culima’udiinka ,Dhalinyarada iyo Haweenka ka soo jeeda Gobolka Shabelada Dhex gaar ahaan Beesha Yuusuf Galmaax ayaa waxaa kulankaas lagu lafa gurey Xaaladda Gobolka Shabeelada Dhexe Gaar ahaan Xiligaan oo Gobolada Soomaaliya ay sameysanayaan Maamul Federaal ah

Kulankaa ayaa waxa Xubnhii ka Hadley ka mid ahaa Siyaasiga Dr Cabdulahi Shiikh Xasan Xasan Caddow oo loo yaqaan (Ashhad) ayaa si aad ah ugu dheeraadey Maamuladii soo marey Gobolka Shabeelada isagoo sheegey in maamuladaas ay Gobolkaas ku siyaadiyeen Burbur iyo Dib u dhacay

“Gobalka waxaa Degen Beelo kuwaas ayaa laga doonayaa in ay aayihiisa ka Tashadaan islamarkaa ay dhistaan Maamul loo dhan yahay mana dooneyno in maamul kor looga keeno in uu ka taliyo waan ka soo horjeednaa waayo waxaa la gaarey Doorkii dadkii u dhashey Gobolka laga tixgeliyo si uga taliyaan “ayuu yiri Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashahad ) oo intaa sii raaciyey “Madaxda Soomaaliyeed waxaa Caado u ah in nin wax haysta ayey wax ugu daraan,iyadoo la iska indha tiraayo in ninka wax yaqaan la tixigeliyo ama Gacantiisu gaaban tahay;

“Waxaan aad uga Xunahay in Madaxweyne Shiikh Shariif uu Gobolka Shabeelada dhexe u magacaabo Cabdi Jiinow iyadoo Madaxweynaha laga doonayey in marka uu maamul Magacaabayo uu la tashado dadka Degaanka oo iyagu doorka leh Xiligan si ay u soo xulaan Shaqsigii Hagaamin lahaa Gobolka waxaana ka soo horjeednaa Kulan ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo ay qaban qaabadiisu leeyahay Shiikh Cali Dheere , waana kulan la doonayo in lagu wiiqo doorka Madaxeed ee Gobolka ee aan sugeyney Muda dheer , waxayna Madaxweyne Shiikh Shariif ugu baaqeen inuu la tashado dadka Deegaanka

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.