Home » Warar »

Kulan aad u Balaaran oo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, kulankaasi oo ahaa midkii ugu weynaa oo odayaasha iyo waxgaradka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay marxaladad guud ee uu wadanku marayo maanta.

Kulanka oo ahaa mid odayaashu uga doodeen saddex qodob oo kala ah:- Howsha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka maxay tahay?, qodobka labaad oo ah xilligaan kala guurka ah doorkee odayaasha dhaqanka ku leeyihiin iyo qodobka saddexaad oo ah sida beesha caalamka u taageerto shacabka Soomaaliyeed ma sax baa mise khalad.

Nabadoon Xasan XusEen Sheekh Maxamed oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin marjacii loogu noqon lahaa ee isagu wax kala saari lahaa haddii ay is qabtaan beelaha, madaxda Dowladda iyo talo kasta oo Soomaali towfiiqdeeda ku jirto.

Waxa uu sheegay in xilligaan kala guurka ah loo baahan yahay odayaasha dhaqanka inay doorkooda qaataan, isla markaana loo baahan yahay in dalka ay ka saaraan xilligaan kala guurka ah, wuxuuna Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed Sheekh sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed ay kaalin fiican ka qaadan karaan hannaanka siyaasadda Soomaaliya inay ku dhameeyaan dhinacyada isku haya wada xaajood iyo dib u heshiisiin.

“Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed way dhaliileen doorka beesha caalamka uga jirto arrimaha Soomaaliya haday dhinac kastaba tahay” ayuu yiri Nabadoon Xasan Xuseen oo sheegay dhinaca kale inay jiraan hay’ado samafal oo si daacadnimo ku jirto oo hagar la’aan ah u garab qabtay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Waxa uu sheegay in hay’adaha ka socda wadamada Turkiga, Iiraan, Sacuudiga iyo kuwo kale gargaarkii ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed uu muuqdo isla markaana hay’adaha kale ee faraha badan oo sheeganaya inay shacabka Soomaaliyeed u gurmadeen ay been ka sheegayaan howlaha ay sheeganayaan.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka dhacay Hotelka Bikiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxay baaq u jeediyeen Dowladda KMG ah , iyagoona cambaareeyay Xildhibaanada isu gacan qaaday gudaha xarunta Golaha Baarlamaanka.

“Xildhibaanadii shacabka Soomaaliyeed ay ku sugayeen inay badbaadiyaan haddii ay iyagii isku gacan qaadeen taasi waxay rajo beel ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ugu baaqay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadda dhexeba inay soo magacaabaan shaqsiyaad dalka ka saari kara marxaladda adag ee uu ku jiro xilligaan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa uga digay Dowladda KMG ah inay ka tallaabsato doorka odayaasha dhaqanka oo ay sheegeen inaan looga maarmin talada wadanka iyo masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxayna ku booriyeen madaxda sare ee Dowladda inay muhiimad gaar ah siiyaan odayaasha dhaqanka.

W/D Amiin uusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Video Aljazeera, Nov 28, 2011 – Fault Lines: Horn of Africa Crisis: Somalia’s Famine

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.