Home » Warar »

Xarakadda Al-Shabaab oo Degmadda Baardheere ku soo Bandhigey Saddex Qofood oo u Dhashey Wadanka Kenyan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Xarakadda Alshabaab ay halkaa ku soo bandhigeen Saddex Qof oo u dhashey Wadanka Kenya iyo Gaarigii lagu soo qafaashey , waxaa kaloo halkaa laguu soo badhigey Hub la sheegey in laga soo qaatey Xero ay degenaayeen Cii damadda Kenya

Sedexdaan Qof ayaa markii la soo qafaashay ayaa Goobtii laga soo qafaashey lagu diley Saddex Sarkaal oo u dhashey Wadanka Kenya kuwaas oo ka mid ahaa dadkii Saarnaa gaarigaas wuxuuna Weerarkaan ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Magaaladda Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaana lagu magacaabaa Garileey

Goobtii lagu soo bandhigey Dadkaan Kenyaatiga ah waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne aad u fara badan kuwaas oo daawanayey Gaarigaas iyo dadkii lala soo qafaashey iyo Hubkii la soo bandhigey waxaana Goobta ka Hadley Masuuliyiin ka tirsan Xarakadda Al Shabaab kuwaas oo sheegey in weerarkaan uu yahay kiii ugu horeeye ee ay ka fuliyaan Gudaha Wadanka Kenya , sidoo kale waxay sheegeen in ay jiri doonaan weeraro kale oo ka dhaca Wadanka Kenya ,inta Ciidamada Kenya ay ku jiraan Gudaha Soomaaliya

Saddexdaas Qof ee u dhashey Wadanka Kenya ayaa la sheegey in ay loo soo gudbin doono Dhinaca Ceelasha biyaha Maalmaha soo socda halkaas oo ay ku badan yihiin Taageerayaasha Xarakadda AlShabaab iyadoo dhawaan Deegaankaas lagu soo bandhigey Askar u dhalatey Wadanka Burundi kuwaas oo lagu soo diley Dagaalo ka dhacay Deegaanka Dayniile

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Xeryaha Qaxootiga ee Soomaalida ee Wadanka Kenya Gaar ahaan inta u dhaxeysa Xeryaha Ifo iyo Dhagaxleey ayaa Ciidamo Kenyaan ah waxay Gaari ay saarnaayeen dad soomaali ah kala degeen Dhowr qofood ka dibna inta Taayero Ololaya ku xireen ka dibna ka tageen waxaa Goobta ku geeriyoodey ilaa Saddex Qofood,waxaa halkaas laga soo qaadey ilaa Afar qofood oo si aad ah u gubtey oo qaar ka mid ah la soo gaarsiiyey Magaalada Dhoobleey iyadoo qof ka mid ah dadkii halkaa lagu gubey haatan uu yaalaa Isbitaalka Madiina waxaana ka muuqda Gubashadii ay kula kaceen Ciidamada Kenya waxana Dhibanahaan Xitaa uu ka gubtey Qaybihii Taranka oo qofkii arka uu aad u Murugoonaya

Hayada Human Rights Watch ayaa Dowladda Kenya ku eedeysey in tan iyo markii uu bilowdey Duulaankii Ciidamada Kenya ee Bishii Oktoober ay Tacadiyo dhinaca Baniaadanimada ka geysteen Deegaanada Soomaalida ku badan tahay ee Wadanka Kenya iyadoo Ciidamada Kenya ay dadka soomaaliyeed kula kaceen Dil , Xarig , Cagajugleyn iyo Masaafurin

Warbixin ay soo saartey Hayada Human Rights Watch ayaa lagu sheegey in ay arkayeen Ciidamada Kenya oo Deegaanada Soomaalida ee Waqooyi bari oo jir dilaya dad soomaaliyeed oo ay meel isugu keeneen hase yeeshee Dowladda Kenya waa ay dafirtey eedeyntaas iyadoo ku tilmaantey mid lagu fududaadey.

Wararkalena waxay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay dad Soomaali ah ku Gubeen inta u dhaxeysa Ifo iyo Dhegaxleey

Human Rights Watch oo Warbixin ay soo saartey ku sheegtey in Ciidamada Kenya ku kaceen Xadgudubyo Dinaca Baniaadanimada ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.


Video Aljazeera, Nov 28, 2011 – Fault Lines: Horn of Africa Crisis: Somalia’s Famine

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.