Home » Warar »

MASUULIYIINTA WARBAAHINTA MUQDISHO OO KULAN WADA TASHI AH YEESHAY,GO’AANANA KA SOO SAARAY

Kulan wada tashi ah oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Qaran ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ, isla markaana ay qabashadiisa suurto
gelisay Ururka Dhalinyarada ee u Dooda xuquuqda Dhalinyarada ee SYAO,
ayna ka soo qeybgaleen agaasimayaasha Idaacadaha, Telefishinada,
suxufiyiin magac ku leh bulshada dhexdeeda iyo mauuliyiin ka socday
hay’ado saxaafadeed ayaa maanta lagu qabtay hotel Saxafi KM4 ee
Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga wada hadlay xaalada warbaahinta iyo suxufiyiinta
Soomaaliyeed ku sugan yihiin haatan iyo talaabada la gudboon in la
qaado sanadkan cusub iyo qaabkaloo sii hormarin lahaa wada shaqeynta
ka dhexeeya maamulada warbaahinta madaxa banaan ee howlgasha Muqdisho.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Kulankan oo mideynayay aragtida masuuliyiinta Warbaahinta, ahaana kii
ugu horeeyay ee nuuciisa ayaa waxaa ugu horeyntii ka qeyb galayaasha
soo dhoweeyey xoghayaha guud ee ururka qaran ee suxufyiinta
Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey aqbaladii ay aqbaleen
wicitaankooda iyo waqtigii qaaliga ahaa ee ay u hureyn intaba.

Arrimaha looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo sare
loogu qaadi lahaa tayada suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidii loo heli
lahaa dhaqaale laga ururiyo suxufiyiinta iyo warbaahinta dhexdeeda,
isla markaana lagu saleeyo qaab nidaami oo ay isku raacaan oo wax
loogu qabto dhamaan caruurtii iyo xaasaskii ay ka tageen Suxufiyiintii
geeriyooday, waxna loogu baro caruurtoodii, iyo suxufiyiinta hadda
dhibaatada heysato ee dalka jooga ee ay ugu horeyso shaqo la’aanta iyo
waxbarasho la’aanta, in suxufiyiinta bixiyaan qaaraanka ururka, kuwa
aan diiwaan gashaneyna is diiwaan geliyaan iyo Warbaahinta guud
ahaanba ay culeys ku saarto dowladda sidii loo dedejin lahaa sidii
cadaalada loo horkeeni lahaa gacan ku dhiiglihii dilay marxuum weriye
Cabdisalaan Xiis.

Ugu horeyn kulanka waxaa hadalo soo dhoweyn iyo waxqabadka ururka
mudadii lixda bilood ahaa ee uu maamulka cusub shaqeynayay ka
jeediyey Maxamed Ibrahim Xoghayaha guud ee Ururka Qaran ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena uga mahadcelinayay
masuuliyiinta kulanka fadhiday doorkii lixaadka lahaa ee ay ka qaateen
ololihii caddaalad dalabka ahaa ee ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku
muujinayeen dareenkooda kadib dilkii naxdinta lahaa ee marxuum
Cabdisalan Sheekh Xasan (Xiis), oo runtii ahaa mid kiciyey dareenka
suxufiyiinta, dhalisayna inay suxufiyiintu danahooda ku midoobaan.

Masuuliyiinta Warbaahinta ee kulankaa ka hadashay ayaa waxa ay ku
booriyeen NUSOJ inay balaariso doorkeeda ay ku hornmarineyso kuna
difaaceyso suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayna la timaado waxqabad dhab
ah, waxa ayna dhamaantood balanqaadeen inay taageero la garab istaagi
doonaan.

Waxaa kale oo lagu booriyey masuuliyiinta ururka inay la yimaadaan
shaqo hufan oo cad cad, haddii ay ku guul dareystaana ay taageeradooda
kala laaban doonaan. Waxaa kale oo masuuliyiinta ururka laga codsaday
inay soo diyaariyeen qorshe hufan oo tibaaxaya Habka dhaqaalaha isaga
ururin karaan suxufiyiinta iyo warbaahinta intaba isagoo hab qoraal
ah, loona qeybiyo masuuliyiinta warbaahinta, dhaqaalahaas waxa uu
saamixi doonaa in suxufigii si deg deg ah wax u gaaraan looga siiyo
dhaqaale, wax lagu baro caruurta agoonta, ee suxufiyiintii la dilay
ama geeriyooday, lagana nooleeyo, sidoo kalena wax loogu qabto
saxafiga nool ee dhibaatada heysato. Masuuliyiinta warbaahinta waxa ay
isla ogolaadeen in lagu dhiirigeliyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
xubnaha ka ahayn ururka ay ka mid noqdaan, isla markaana loo raadiyo
tababaro aqoontooda kor loogu qaado, lana adkeeyo midnimada
suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeynaya xaaladaha adag iyo
warbaahintu wada shaqeyn dhab ah yeeshaan.

Kulanka oo ku dhamaaday is afgarad, iyadoo suxufiyiinta Soomaaliyeed
loogu baaqay inaysan ka niyad jebin dhibaatada loo geysanayo, balse ay
u dhabar adeygaan iyagoo ku shaqeeya xaalad adag oo qatar ku
shaqeynaya si ay ugu adeegaan bulshadooda u baahan howlahooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.