Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVIII-aad

Dabkii ka shidmay Geeska Afrika (Dhacdadii Wal-waal) waxaa xigay colaad baaxad wayn ee ka aloosantay meelo kamid ah gobollada dunida. Middeedii ugu horeysey waxay ahayd dab-shid ka qarxay koonfur-galbeed qaaradda Yurub. Dalka Isbaaniya ayaa markaas waxaa ka hurey dagaal-sokeeye oo ay ku riiqmeen dadkii ku dhaqnaa halkaas. Colaaddaas oo socotay muddo saddex sano ku dhowaad ah, waxay bilaabatay bartamihii 1936-kii. Waxay soo gaba-gabowdey bilowgii bishii abriil 1939-kii. Sababta ay colaaddu ku bilaabatay waxay ahayd, afgembi ay koox saraakiil ahkula wareegeen taladii dalka. Waxaa hoggaaminayay sarkaal la yiraahdo Francisco Franco. Af-gembiga hortiis dad-waynuhu, siyaasad ahaan wuxuu u qeybsanaa laba qeybood oo waawayn. Qeyb siyaasaddoodu ay raacsan tahay bidix iyo qeyb kale oo siyaasaddoodu ay raacsan tahay midig. Qeyb kasta oo labadaas kamid ah waxay ka koobnaayeen kooxo kala tagsan, laakiin ka mideysnaa aragti guud. Kooxaha midigta ah waxaa isku bahaystay saddex urur oo lakala yiraahdo CEDA (Confederación Española de Derechas Autónomas), Carlism oo iyagu doonayay in la xoojiyo hannaankii boqortooyada ee dhaxalka ahaa iyo kooxda Phalang oo iyagu ahaa koox xag-jir ah, dalkana ka curisey siyaasadda cunsuriyadda ku dhisan. (Payne Stanley. Fascism in Spain. 1923-1977. Pp. 200-203. 1999. University of Wisconsin).

Qeybta siyaasaddoodu u janjeertey dhanka bidix, qudhoodu waxay ahaayeen kooxo kala duwan. Waxay isugu jireen qolo aaminsan aragtida shuuciyadda xag-jirka ah, qolo kale waxaa la oran jiray Syndicalist oo iyagu ka debecsanaa qoladaas hore iyo qolo saddexaad oo ahayd hanti-wadaag. Kooxahan danbe xooggoodu waxay ahaayeen beeraleyda saboolka ah ee miyiga ku dhaqan. Iyagu, sanadkii 1933-kii waxay ku guul-dareysteen, doorasho dalka ka dhacdey. Taasi waxay sababtey in ay ku midoobaan hal xisbi. Af-gembigii ka dhacay Isbaaniya, waxaa ku qeybsamey gobolladii iyo degmooyinkii dalka. Kooxihii ka danbeeyey af-gembiga waxay gacan ka heleen kooxihii muxaafidka ahaa ee raacsanaa siyaasadda midigta ah. Waxaa si xooggan uga hor-yimid kooxihii siyaasadda bidixda raacsanaa oo iyagu isku magacaabey jamhuuriyiin. Qeybsanaantaasi waxay dhalisey, kooxihii af-gembiga in ayan gacan ka helin degmooyinkii waawaynaa ee ku yiil bartamaha dalka. Waxaa kamid ahaa Madrid, Barcelona, Oviedo, Bilbao, Badajoz, iyo Malaga. Waxaase saraakiishu ay gacan ka heleen degmooyin ku yaal waqooyiga dalka. Waxaa kamid ahaa Pamplona, Burgos iyo Valladolid. Waxaa kale oo taageerey af-gembigii degmooyin ku yaal koonfurta Isbaaniya. Waxaa kamid ahaa Cadiz, Cordoba, Seville iyo Jerez.

17/ 7- 1936-kii, af-gembigii ka dhacay Isbaaniya waxaa dibadda ka taageerey dowladdii Jarmalka ee Nazi-ga ahayd iyo dowladdii Talyaaniga ee Fashiistada ahayd. Kooxihii ka soo hor-jeedey af-gembiga ee bidixda ahaa, iyaguna waxay gacan ka heleen dowladdii Midowga Soofyeeti iyo dhaqdhaqaaqyadii shuuciga ahaa ee ka jiray qaaradda Yurub. Dowladda Mareekanka si rasmi ah ulama safan midkoodna labadii kooxood ee halkaas ku hardamayay. Laakiin waxaa xusan 2000 oo naftood-hurayaal ah oo Mareekan ah in ay ka qeyb-qaateen dagaalka iyaga oo la dhan ah kooxda jamhuuriyiinta ee bidixda ah. Dhanka kale qaar kamid ah shirkadihii waawaynaa ee Mareekanka ayaa waxay la safteen kooxaha garabkii muxaafidka ahaa. Waxaa shirkadahaas kamid ahaa shirkadda shidaalka ee Texaco, labada shirkadood ee gawaarida sameeya General Motors iyo Ford Motors, iyo shirkadda shaagagga gawaarida ee la yiraahdo The Firestone. Shirkadahaas ayaa muddadii uu dagaalku socdey waxay ugu deeqeen garabka muxaafidka ah agab isugu-jira gawaari, cagaf-cagafyo, shaagag, shidaal iyo qalab kale oo ay dagaalka u adeegsadaan. (Tierney, Dominic. Spanish Civil War. Neutrality and Commitment in the Struggle That Divided America. Pp. 67-8, Duke University. Press 2007).

Sida u caadada ah dagaal kasta ee dhex-mara dad sokeeye ah, colaaddii Isbaaniya waxaa ku bas iyo baad beelay qoysaskii qaraabada iyo ehelka isu ahaa iyo dadkii derisnimada iyo ood-wadaaggu ay ka dhexeeysay. Waxaa birta isu afeestey qoysaskii, saaxiibadii, deriskii, eheladii, xigtadii iyo dadkii qaraabada isu ahaa. Nin kasta kii uu wax u qabey oo gacantiisu ay gaari kartey ayuu ka aar-goostey. Fowdadii bilaabatey meel kasta ayay ku habsatay. Muddo saddex sano ah oo dagaalkaas uu socdey dadku waxay isku leynayeen kala duwanaansho aragti siyaasadeed, aragti caqiido iyo aragti maslaxadeed. Taangiyadii iyo dayuuradihii loo sameystey in ciidamo cadow ah lagula diriro ayaa degmooyinkii iyo tuulooyinkii dalka ay ku bas-beeleen.

Dagaalkaasi wuxuu gaarey dhamaan degaanka dalka Isbaaniya. Muddadii uu socdey dadka ku naf-waayay waxaa lagu qiyaasaa 500.000 oo qof. Dagaalkii wuxuu si buuxda u soo af-jarmey bartamihii bishii julay 1939-kii, markaas oo ay guushii raacdey kooxihii qowmiyiinta muxaafidka ahaa. Iyagu waxay gacanta ku dhigeen gebi ahaan gobolladii dalka. Kooxihii bidixda ee jamhuuriga ahaa, wixii ka bad-baadey waxay u qaxeen waddamadii deriska ahaa. Intoodii badnayd waxay galeen xeryo qaxooti oo looga sameeyey dalka Faransa oo la deriska ah. (Thomas Barria-Norton, The Spanish Civil War, 2001, pp. xviii & 899-901). Markii uu bilowday dagaalkii sokeeyey ee Isbaaniya, sanad dabadeed bariga fog ayaa waxaa ka bilowday dagaal mug wayn. Ciidamada dalka Jabaan ayaa weerar ku qaadey gobollada bari ee dalka Shiinaha. Dagaalkaasi wuxuu ahaa midkii ugu xoogga waynaa ee ka dhaca qaaradda Aasiya muddadii uu socdey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Wuxuu socday muddo dhan siddeed sano (7-dii julay 1937-kii iyo 9-kii sebtember 1945-kii). Dadka ku naf waayay waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin kala bar (50 %) dadkii ku dhintey guud ahaan dagaalladii dhex marey dowladaha ku weegaaran bad-waynta Baasifikada.

Intuusan dagaalku bilaaban, Jabaan waxay qorsheysey mashruuc baaxad-wayn oo ay ku dooneysey in ay ku qabsato gebi ahaan dalka Shiinaha. Xilligaas Jabaanku waxay ka talinayeen gobolka la yiraahdo Manchuriya oo ku yaal waqooyi-bari ee dalka shiinaha. Waa dhul dooxooyin ah oo ay buuro ku hareereysan yihiin. Dhulkaas oo hodan ku ah macdanta birta ah ayaa baaxadda uu ku fadhiyo waxay dhan-tahay 1.200.000 km2. Bishii juun 1937-kii, Jabaanku waxay bilaabeen, ciidamo badan oo uu weheliyo qalab-dagaal in ay u daad-gureeyaan jasiiradahooda ku wajahan xuduudda Shiinaha. Ujeeddada u qarsooneyd Jabaan waxay ahayd, ciidankan in ay bilaabaan weerarka hore oo ay ku doonayeen qabashada gobollada bari ee Shiinaha.

Ciidankan, markii hore waxay tiradoodu dhamaayayd 10.000 oo nin. Iyagu waxay soo degeen kaabadda ugu wayn ee marta webiga la yiraahdo Yellow River. Kaabaddaas oo magaceeda loo yaqaan Marco Polo Bridge, waxay 15 km. oo qura u jirtaa magaalo-madaxda Shiinaha (Beijing). Shiinuhu waxay kaabaddan u yaqaaniin kaabadda Logou. Xilligaas waxaa halkaas mari jiray xuduudda u dhexeysey labada dalka Shiinaha iyo gobolkaas ay Jabaanku gumeysanayeen. Ciidamadii Jabaan ee xuduudda la keeney, waxay bilaabeen, habeen walba in ay dab-rid iyo falal ah tababar ciidameed ka sameeyaan dhanka galbeed ee kaabadda. Dowladdii Shiinaha waxay walaac ka muujisay tababarkan culus ee ciidamada Jabaan ay ku qaadanayaan dhulka ku aaddan xuduudda u dhexeysa labada dal. Shiinuhu waxay markaas codsadeen, in la soo ogeysiiyo habeenka ciidamada Jabaan ay sameynayaan tababarka. Waxay u cuskadeen, dab-ridku in uusan argagax ku noqon dad-waynaha Shiinaha ah ee ku dhaqan dhanka kale ee kaabadda. Inkasta oo Shiinaha qudhoodu ay ciidamo ka joogeen goobta, misana ciidamadii Jabaan waa ay oggolaadeen codsigii. Laakiin aqbalaaddii Jabaan ma noqon mid ay ku kala bad-baadaan labadii ciidan. Habeen ayaa waxaa dhacday in ciidamadii Jabaan ay goor fiid ah bilaabaan dab-rid, iyaga oo aanan wax ogeysiis ah gaarsiin dhankii ka soo hor-jeedey. Ciidamadii Shiinaha oo mar walba heegan ahaa ayaa waxay u qaateen in dagaal lagu soo qaaday. Sidaa darteed waxay kaga jawaabeen in ay rasaas digniin ah ku soo furaan dhankii ay fadhiyeen ciidamada Jabaan. Waxaa halkaas ka bilaabatay in labadii ciidan ay rasaas is-dhaafsadaan. Habeenkaas oo ay taariikhdu ahayd 7/ 7- 1937-kii ayaa xabbadihii leys-dhaafsaday waxay sabab u noqdeen colaaddii ka hurtay bariga-fog.

Muddo gaaban dabadeed waxaa joogsadey rasaastii ay labada ciidan is-weydaarteen. Askari Jabaan ah ayaa goobtiisii ku soo laaban waayay. Sarkaalkii taliyaha ka ahaa qeybtii uu askarigu ka maqnaa, wuxuu u qaatey in askarigiisii maxbuus ahaan loo qabsadey. Khabarkii wuxuu gaarey taliyihii qeybta. Isla-habeenkii ayuu taleefan kula soo hadley taliyihii ciidamada Shiinaha oo ay is-hor fadhiyeen. Hor-joogihii ciidamada Shiinaha wuxuu sheegey in ayan xog ka hayn askariga Jabaanka ah. Taliyihii ciidamada Jabaan ayaa markaas wuxuu codsadey in loo saamaxo ciidamadiisa in ay baaritaan ku sameeyaan degmada Wanping, si ay u baadi-goobaan askariga ka maqan. Sarkaalkii Shiinaha ahaa waa uu diidey codsigii uga yimid taliayaha ciidanka Jabaan. (Feuerwerker, Albert, Twitchett, Denis Crispin, 1986, History of China. Cambridge University Press. Pp. 547-551).

Saraakiishii ciidanka Jabaan waxay arinkii u qaateen ihaano lagula kacay qarannimadooda. Sidaa darteed, ka-hor intuusan waagu baryin waxay bilaabeen weerarkii u qorsheysnaa, iyaga oo sabab uga dhigaya askarigii ka maqnaa. Ciidankii Jabaan iyo qalabkoodii waxay ka soo tallaabeen kaabaddii. Qorshaha u degsanaa taliska ciidanka bqortooyada Jabaan wuxuu ahaa, markuu weerarku bilowdo, muddo saddex bilood ah in ay gacanta ku dhigaan saddex degmo oo waawayn oo dalka Shiinaha kamid ah. Degmooyinka ay tilmaansadeen waxay ahaayeen Shanghai, Nanjing iyo Shanxi.

Jabaanku waxay markaas ku soo weerartameen ciidan gaaraya 200.000 oo nin. Laakiin goor danbe tiradaas waxay gaadhay 3.900.00 oo nin. Waxaa weheliyay 900.000 oo ay ka qorteen dalka Shiinaha gudihiisa. Difaacii adkaa oo Shiinuhu ay dhigeen xuduudda ayaa wuxuu u suurogelin waayay in Jabaanku ay si fudud ku gaaraan guushii ay filayeen in ay deg-deg ku gaaraan oo ay ku qabsadaan saddexdii degmood. Bishii disember 1937-kii, ciidamo Jabaan ah oo tiradoodu ay tahay 50.000 ayaa waxay weerareen gobol koonfur-galbeed xiga ee la yiraahdo Jiangsu. Waxay doonayeen, guushii ay ka filayeen Shanghai oo ay waayeen, in ay ka helaan meel ka daciifsan. Magaalada la yiraahdo Nanking oo magaalo-madax u ahayd gobolkaas lagu dagaalamayay, ayaa muddo saddex toddobaad ah Jabaanku waxay ku laayeen dad tiradoodu lagu qiyaasay 300.000. Waxaa halkaas ka dhacay mid kamid ah fadeexooyinkii ugu waynaa ee aadamiga laga galey taariikhda casriga ah. Dhacdadaas oo loo yaqaan kufsashadii Nanking (The Rape of Nanking) ayaa waxay astaan u noqotey xasuuqii uu dagaalku ku reebey degaamada bariga fog.

Mooryaanimada ay ciidamada Jabaan kula kaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada Nanking, waxay bilaabatay 13/ 12- 1937-kii. Jabaanku wuxuu arintaas ku doonayay in uu argagax ku abuuro dad-waynaha Shiinaha, si ay ugu sahlanaato guushii uu filayay oo u suurogeli-weydey. Taasina waxay qeyb ka ahayd siyaasaddii uu ku doonayay in uu dalka ku qabsado, kadib markii ay u caddaatay in ay adag-tahay in uu gacanta ku dhigo dalka Shiinaha. Waxaa kaloo ciidamadii Jabaan ay weerar xagga cirka ah ku bur-biriyeen dhamaan dhisma-hoosaadkii ay lahaayeen degmooyinka waawayn. Ceelashii biyaha, matooradii dhalinayay tamarta korontada iyo waddooyinkii ayay bur-buriyeen. Xataa isbitaalladii oo ay ka lushaan astaantii caafimaadka iyo calamadii laan-kheyrta casa yay la beegsadeen qaraxyadii ay wax ku bur-burinayeen.

Jabaanku awood uma uusan lahayn uu ku maamulo dalka baaxadda way nee Shiinaha iyo weliba tira-badnida dadka Shiinaha ah. Sidaa darteed wuxuu doortey in uu dhiso dowlad la saaxiib ah oo si dadban uu dalka ugu xukumo. Dowladdii uu dhisey ma noqon mid soo dhoweyn ka hesha dad-waynaha. Gaar ahaan xasuuqii ay sameeyeen ciidamada Jabaan ayaa wuxuu noqdey fal sumcad u kordhiya laba kooxood ee xilligaas hoggaaminayay siyaasadda dalka Shiinaha. Koox waxay ahaayeen qowmiyiin oo iyagu waxay markaas ka talinayeen dalka. Waxaa la oran jiray (Kuomintang). Koox kale waxay ahaayeen dhaqdhaqaaqii shuuciyiinta. Waxaa kordhey taageeradii ay dad-waynaha ka helayeen labadaas kooxood oo xilligaas dagaal kula jiray ciidamada Jabaan.

Qorshaha Jabaanku wuxuu ahaa, muddo saddex bilood ah in ay ku soo gaba-gabeeyaan dagaalka ay ku qabsanayaan gobollada bari ee Shiinaha. Laakiin arintaas uma suuragelin oo laba sanadood ayay ku qaadatay. Shiinaha ayaa dhankooda waxay qaateen istraateejiyadda ah ka faa’iideysiga wakhtiga iyo meesha (Trading Time and Space). Taas oo macnaheedu yahay, dhulka dagaalku ka socdo oo ah mid baaxad wayn, marka lagu daro wakhtiga dagaalku soconayo oo la dheereeyo. Labadaas arimood waxay garab siinayaan ciidamada Shiinaha, isla-markaas waxay dhaawac ku yihiin ciidamada Jabaan. Sidaa darteed, Shiinuhu waxay bilaabeen dagaal xooggan oo qaab dhuumaaleysi ah. Dabayaaqadii sanadkii 1939-kii, dagaal wayn oo ka dhacacay koonfurta dalka, ayaa ciidamadii Shiinuhu waxay ku qabsadeen degmada Changsha ee ku taal koonfur-galbeed. Dagaalkaas oo kamid ah dagaallada ka sheeggan dhacdooyinkii xilligaas ka dhacay degaanka ayaa waxaa leysu adeegsadey hubka naabaalka. Waxaa ku xigey weerar ay Shiinuhu ku qabsadeen gobolka Guangxi ee dhanka galbeed xuduudda kala leh Fiyetnam, dhanka koonfureedna xeebta Badda Koonfurta Shiino. Labadaas guul waxay dhiiri-geliyeen ciidamadii Shiinaha oo iyagu bilaabay weerer ballaaran oo rogaal celis ah.

Disember 1941-kii, ciidamada cirka ee Jabaan waxay weerareen saldhiggii ugu waynaa ee ciidanka badda Mareekanka ay ku lahaayeen bad-waynta Baasifikada. Shiinuhu waxay markaas ku dhawaaqeen in ay si buuxda ula dagaalamayaan boqortooyada Jabaan. Dhacdooyinkaasi dabadeed, Madax-waynihii Mareekanka Franklin D. Roosevelt wuxuu ku dhawaaqay afar waddan oo uu ku sheegey in ay yihiin biliiskii adduunka. Afartaas dal ayuu ku sheegey USA, UK, USSR iyo Shiinaha. Arintaasi waxay kor u qaaday hankii dowladda Shiinaha. Waxaa markaas bilaabatay in saddexdaas dal ay gargaar ciidan u fidiyaan dalka Shiinaha. Dhulkii xeebta ahaa dhamaantiis waa laga qabsadey Shiinaha. Dowladdii Midowga Soofyeeti, inkasta oo ay gaadiid tariin ah ku gaarsiisey wixii gargaar ah oo ay Shiinaha u fidineysey, misana waa ay diidey gargaarka Mareekanka iyo Ingiriiska in loo sii mariyo xuduudda Kasakhistaan. Sidaa darteed habka keliya oo lagu gaarsiin karo gargaarka wuxuu noqdey dhanka hawada. Mashruucaas oo la magac baxay Kuruska Dushiisa (Over The Hump) ayaa dayuuradaha ka qeyb-qaadanayay waxay ka soo kacayeen Hindiya. Waxay soo dulmarayeen buuraha taagga dhaadheer ee la yiraahdo Himalaaya, kuwaas oo ku teedan 2.900 km. Silsiladda buuraha Himalaaya, kuwooda ugu dhaadheer waxay ka sareeyaan dusha biyo-badeedka 6.000 m. Markey taariikhdu ahayd 8/ 4- 1942-kii ayaa duulimaadkii ugu horeeyey wuxuu ka soo kacay degmada Dinjin ee ku taal gobolka Dibrugarha ee waqooyi-galbeed. (Weaver and Rapp. 1944. pp. 1-196).

Inkasta oo dhamaan wixii wershado hub ahaa oo Shiinuhu ay lahaayeen, ay noqdeen wax la qabsadey iyo wax la bur-buriyay, misana waxaa jiray hub gacantooda ku haray oo ay u kaashadeen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Jabaan. Waxaa kaloo jiray kaalmo ay Shiinuhu ka heleen dowlado ka soo horjeedey in Jabaanku qabsadaan degaanka. Bilowgii dagaalka dowladaha kaalmada bixiyay waxay ahaayeen Midowga Soofyeeti iyo Jarmalka. Sanadkii 1937-kii ayaa labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis la magac-baxay Sino-Soviet Non-agression Pact. Heshiisku wuxuu dhigayay in ayan isku soo duulin oo ay nabad ku wada-noolaadaan. Waxaa xigey howl-galkii qarsoodi ahaa oo ay ku magacaabeen Operation Zet, kaas oo Soofyeetigu uu Shiinaha ugu fidinayay kaalmo ciidameed. Waxaa kamid ahaa farsamo-yaqaano, khubaro dagaal iyo duuliyayaal naftood-hurayaal ah oo ka dagaalama dhanka Shiinaha. Khuburada Soofyeetiga ee Shiinaha gacan-siiyay waxaa kamid ahaa Jeneraal Vassily Ivanovich Chuikov. Isagu wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay dagaalkii waynaa eek a dhacay magaalada Stalin-graad (Battle of Stalin-garad) ee Jarmalka lagu jebiyay sanadkii 1943-kii.

Kaalmada dowladihii xulufada ahaa ay siinayeen Shiinaha wxay balaabatay wakhti ay cirka isku shareertay dhimbilaha colaaddii socotay. Waxaa jiray arimo xoojinayay taageerada ay Shiinuhu ka helayeen dowladaha reer gal. Dacdooyinkii waxashnimada ahaa ee lagula kacay dadka rayidka ah sanadkii 1937kii, waxaa weheliyay in dayuuradaha Jabaan ay duqeeyeen markab uu leeyahay Mareekanka oo marayay webiga la yiraahdo Yangtze. Webigan ayaa wuxuu yahay midka saddexaad ee ugu dheer webiyada adduunka. Biyihiisu waxay ka yimaadaan buuraha barafka ah ee ku yaal xuduudda bari ee Shiinaha, waxayna ku qabtaan badda Shiinaha (Yellow Sea). Markabkaas la dejiyay waxaa la oran jiray Panay. Wuxuu daad-gureynayay jaaliyaddii Mareekanka ahayd ee xilligaas ku dhaqneyd degmooyin kamid ah Shiinaha.

Dhacdooyinkaas waxay soo jiiteen in Shiinuhu ay gacan ka helaan dowladihii xulufada ahaa. Agabka dagaal iyo khuburada ka sokow, Mareekanku wuxuu Shiinaha ugu deeqey duuliyayaal naftood-hurayaal ah oo la dagaalama Jabaanka. Raggaas oo loo yiqiin Flying Tigers, ayaa waxay buuxiyeen meeshii ay duuliyayaasha Soofyeetiga ugu jireen Shiinaha. Weerarkii xoogganaa oo Jarmalku uu ku soo qaaday Soofyeetiga ayaa hakiyay deeqdii xagga duuliyayaasha oo Shiinuhu ay ka heli jireen dhanka Soofyeetiga.

Taageerada Mareekanka ee Shiinaha kuwoodii ugu milgaha cuslaa waxaa kamid ahaa waddo ay ka dhiseen dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waddadaas oo (Ledo Road) ayaa waxay kamid ahayd agabkii lagu jebiyay Jabaanka kuwoodii ugu waynaa. Muddada uu dhismaheedu socday waxay ahayd 16/ 12- 1942-kii illaa 20/ 3- 1945-kii. Waddadaas oo ahayd mid aanan aad u dheereyn (436 km.) ayaa kharajka ku baxay wuxuu dhamaa 148.000.000 US $. Waxaa halkaas la soo mariyay hubkii ay Shiinuhu u adeegsadeen dagaalkii waynaa oo ay dhulkooda kaga xoreeyeen Jabaanka. Haddii ayan waddadaas jiri lahayn, suuragal ma noqoteen in hubkaas la gaarsiiyo gacanta dagaalyahannadii Shiinaha. Dabayaaqadii 1944-kii weerar ballaaran oo ay soo qaadeen ciidamo xooggan oo dhanka Hindiya lagu diyaarinayay muddo dhowr sanadood ah ayaa xuduudda galbeed ka dhacay. Ciidankaas oo hub iyo tababar ka heley xoogaggii xulufada ayaa waxaa hoggaaminayay General Sun Li-jen oo lagu naaneyso (Rommel-kii bariga). Dagaalkii ay la galeen ciidamada Jabaan, waxaa ku soo biiray ciidan kale oo qudhoodu gacan ka heley xoogagga xulufada. Ciidankan danbe waxay ka yimaadeen gobolka la yioraahdo Yunnan (koonfur-galbeed), oo waxaa hoggaaminayay General Mong-Yu. Labadaas ciidan waxay ku guuleysteen in ciidamadii Jabaan ay ka fogeeyaan xuduudda Shiinaha ee waqooyiga Burma.

Xagaagii 1945-kii, ciidamadii Jabaan waxaa laga kiciyay gobolka Guandong ee ku yaal xeebta koonfureed dalka Shiinaha. Dabadeed dhanka waqooyi ayaa loo riixay illaa laga gaaray magaalo-madaxda labaad Shanghai. Dabadeed ciidamadii Soofyeetiga oo u soo tallaabay gobolka ku yaal xuduudda waqooyi Manchuriya iyo qaraxyadii atoomikada ahaa ee lala beegsaday labada degmo Hisroshima iyo Nagazaki, ayaa waxay soo af-jareen awooddii boqortooyada Jabaan.

  • Gardaroy waxbaad geysataa goor iyo ayaane
  • Gaf ayaad sameysaa bas iyo godobahaagiiye
  • Gashi aan yareyn baad qabtaa goor lagaa gudo’e
  • Waxaad goyso mooyee la waa nimaad gar-gaartaaye
  • Gurigii barwaaqeysan baad gubi taqaanaaye
  • Ruux aad gar-qaaddaa wallee guul ma soo hoyo’e
  • Adiga iyo geeridu dadkii waad gablamiseene (Dhoodaan)

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.